LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The Devil's Well, the most dangerous well in the world Barhuut || ceelka ugu cabsida badan aduunka,ceelka shayaadiinta Barhuut

Ceelka shayaadiinta | Ceelka ugu cabsida badan aduunka Barhuut

Waxay dhoor jeer isku dayeen in ay daroon ku galiyaan si ay usoo duubto waxa ku sugan gudihiisa lakin marka ay dhaxda marinayaan ayay gacantooda kabaxaysaa xakameynta diyaaraduiyagoo ku guul dareesanaya inay hoos oogu dagan ceelka.

Wuxuu  ku yaala dalka yeman wuxuuna ku tilmaamay nabiga NNKH'' biyihiisu inay yihiin biyaha ugu sharka badan aduunka, waa ceel qof kiigalaa gudihiisa uusan isaga oo jirkiisa isku yaalo uusan kasoo baxayn, waxaa lagu tilmaana inuu yahay goobaha ugu cabsida badan aduunka, waxaa laga sameeyay sheekoyin badan, lagana yiraahday oraah yo badan, waxaana loo sameeyay in ay jeel ugu noqoto jinka waxa ka yeerayo qeylo iyo codod, gudihiisuna waa mugdi aan waxba laga dhax arkeyn.

Postigeena maanta waxaan ku lafo gureynaa sheekada ceelka barhuud ee ku yaala tiga xadra mowt ee dalka yeman, inagoo ogaan doono sababta ceelkan ama inuu yahay ceelka ugu halista badan aduunka, soo dhawaada koobkiina shaaha soo qata aqris wanagsan.

Sida aan wadaogsoonahay ceelasha waa nimcooyinka ugu waaweyn aduunka ee uu eebe ku galay noolaha goobtii laga helo ceelna waxaa dabiici ah in uu noolaha kusoo xoobmaan aya hareeraheeda dagaan,waxa mar marka qaar waxay horseedan in ay colaado bilaab maan, iyadoo midba mid ka kale ka xajisanaayo in uu noqdo kan haysta ceelkaasi maxaa yeelay biyihu waa waxa ugu muhiimsan ee damaanad qaadi kara in ay sii jiraan oo ay sii nooladan nooluhu, sidoo kalana sii tarmaan, laakin halka aynu ka hadleeno uu kasoo can yahay ceelasha ee aanu naqaanay.

Hadii ay ahan jireen celasha kuwo loo doonto in nolosha lagu sii nagaado, ceelkani lagama yaabo in aad nolosha kusii nagaatid, balse ahadii aad geeri ka bad baadid ayaadba nasiib leedahay.

Ceelka barhuud

Ceelka barhuud wuxuu ku yaala toga xadru mowt ee dhaca dalka yaman, ceelkan ayaa ka mid ah goobaha ilaa maanta aysan jirin cid si toos ah u garanaysa waxa gudihiisa ka jiro, waxaa lagu tilmaama in uu yahay ceel aan dhamaad lahayn oo aad u baaxad weyn, gudihiisuna uu yahay mugdi saaid ah waxaana gudihiisa yahay inay hoy u tahay jinka, ceelkan ayaa ku yaala toga la yiraahdo xadru mowt kaasi oo dhaca deegan la yiraahdo mihra oo ku yaal dalka yaman.

Balaca ceelkan ayaa lagu qiyaasa in uu la eg yahay 100m halka dherirkiisa aysan jirin cid si toos ah u taqaano, maxaayeelay sida aynu soo sheegnay majirto cid gudaha u gashay ceelkan cabsida badan, hadii uu jirana waxaa laga soo saara asagoo aysan nafba ku jirin, waxaana la arki karaaa gunta hoose ee ceelkan halmar oo kaliya taasi oo marka ay qoraxda si toos ah ay ugu dhacdo gunta hoose ee ceelkan,

Gudihiisa ama hareerihiisa waxaa ku dhaxnool masas, waxaana ku dul wareegaya shimbiraha nooca loo yaqaano xamaamta oo midabkeedu yahay cadaanta, magaca ceelkan ee ah barhuud hadii aynu is weydiinu waxa uu ka dhigan yahay, waxaa jirto labo qiso laga soo xigaty dadkii deegaanka ahaa ee dagi jiray goobihii u dhawaa ceelkan, taasi oo labaduba ay qeexayan waxa uu ka dhigan yahay magca ceelkan.

Qisada koowad ayaa sheegaysa in boqoradii qodeen ceelkan aya ahaayen jin, kuwaasi oo u yagleelay si ay jeel ugu noqoto kuwa kasoo horjeeda ama mmaradooda diida, waxayna sheegan in qiiqa joogtada ah ugu soo baxa ceelkan uu daliil u yahay hadalkooda.


Halka sheekada labaadna ay oranayso in mid ka mdi ah boqoradii dawladii la oran jiray  al ximiiriyah oo ahayd boqortooyo ka jirijirtay dalkaasi yaman  uu qoday ceelkaasi isaga oo kaashanaya jin si uu ugu qarsado dahabkiisa iyo hantidiisa, markii uu dhintayna waxay dageen jinkii ceelkaasi, isaga oo sidaasi ku noqday goob ay gabaad ka dhigtaan, labadan sheeko ayaa ah sheekoyin dadkii dagi jiray deegana u dhow ceelka, jiilba jiil ay ka dhaxleen, waxaana loo badiyaa in ay yihiin quraafaad, laakin halka arin ee ay ka siman yihiin ayaa ah in magaca barhuud uu yahay magac ximyari ah oo ay adeeg san jireen dowladii aynu soo sheegnay ee la oran jiray al ximyariyah.

Marka la turjamo na magacaas wuxuu noqonayaa ceelkii jinka, ceelkan ayaa markaad aqrisid dagaalada laga qoray ama waxa laga yiri ayaa wxa aad oola yaabaysaa dhacdooyinka ku hareeresan, hadii aynu soo qadano labo dhacdo oo laga sheegay ceelkan runtiina ah kuwo aad u yaab badan kaan dhiga mid ka argagaxa celkan.


Dhcadada ugu horeysa ayaa oronaysa, in ceelkan dhadhanka biyihiisu ay yihiin macaan sida sokorta oo kale, badanaana waxaa laga maqlaa taaha iyo qeylada dad muuqooda la arkeyn sidoo kalena ur uu wehliyo qiiq kasoo baxaayo gudaha ceelkan, halka sheeko kalena ay oraneyso in dad reer guura ah u tageen ceelka si ay uga soo dhaan sadaan biyo, iyaga oo aan garaneyn waxa uu yahay ceelkan kaliya u arkayay ceel caadi ah, waxa ay ku dajiyeen mid ayaga ka mid ahsi uu usoo dhaamiyo biyaha ceelka iyagoo ku xiray xarig si ay u caawiyaan si uu hoos ugu dago, markii uu cabaar socday waxay ku war heleen hadaaq iyo qeylo xad dhaaf ah oo kasoo yeraysay ninkii ay ceelka ku rideen si uu biyo uhu soo dhaamiyo.

Wuxuuna ku cel celinaayay hal oraah oo kaliya taasoo ah iga saara ceelka, markii ay kasoo saareen ceelka waxay ku war geleen iyada oo jirkiisa loo kala jaray labo qeybood, qeybtii hoose ay ku hartay ceelka nafna aysan ku jirin, taasoo argagax ku noqtay dadkii dhaanka soo raadsaday.

Sheekooyinkaan waxaa laga soo xigaty dadkii hore ee dagi jiray deegana ceelka u dhow dhow, waan arinta ka dhigtay ceelkan mid xambaarsan cabsi gaar ah qof walba oo maqlana uu ka argagaxo, uusan ku fikirin inuu tago iska daayee xitaa agmaridiisa,Sheekooyinkaana ma jirto cid kala saari karta.


Marka aynu ka nimaadno sheekooyinka laga qoray ama laga xusay ceelkan agagaxa leh ee barhuud,aynu usoo noqono waxa kaliya ee naga dhigaayo inaa aamino in ceelkan uusan ahayn ceel caadi ah ugana soo can yahay ceelasha kale waxayaabo ka dhigay mid cabsidiisa xam baarsan, nabigeena suubanaa NNKH'' waxaa laga soo waryay xadiis u dhiganaa sidaan [ waxuu ku sheegay nabiga NNKH in biyaha ugu qeyrk badan aduunka ay yihiin biyaha zamzam halka biyaha ugu sharka badana ay yihiin biyaha Barhuud ''NNKH'' .

Ceelka waa ceeb isku dar saday cabsi, argagax, iyo shayaadhiin, waana sababta ka dhigaysa inuu noqdo mid laga cabsado inuu yahay.


Post a Comment

0 Comments