Jasiirada socotra somali miyaa leh mise yaman
Jasiirada ugu layaabka iyobilacda wanaagsan aduunka, jasiiradaan ayaa manta hoostagta dalka yaman lakin waxay ku taala marinka gardafuu ee badweynta hindiya meesha ugu fog, xeebaha somalia waxay u jirtaa 240km halka xeebaha dalka yaman ee ay haatan hoostagtana ay u jirto kudhawaad 400km.
Jasiirad dhacda meesha ay ku kala qeybsamaan labo badood oo istaratiiji ah aduunka oo dhamina uu isha ku hayo ayay ku suman tahay jasiiradani, waxaa xeebaheeda mara doomaha shidaalka xambaara iyo sidoo kale waxarsaada dalaka aduunka ugu awooda badan, hadaba qormadeena ayaanu si kooban u dul istaagi doona jasiirad ka mid ah dhulalka somaliyeedoo gumeystihii kala irdhiyay somali gacanta u galiyay dalal kale.
Socotra waxay ka kooban tahay afar jasiiradood oo yar yar oo kale ah
-Jasiirada socotra
-Jasiirada abdala kuri
-Jasiirada samha
-Jasiirada darsa
Jasiirada ugu sokeysa ee abdala kuri waxay u jirtaa degmada caluula ee gobolka beri 80km oo kaliya, jasiirada socotra oo lagu qiyaaso in ay ku noolyihiin dad dhan 60k oo qof, xirfada ugu badan ee daka dagan jasiiradan waa kaluumeysiga iyo qeybo yar oo kamid ah oo xoolo dhaqato ah inta badan waa dad sabool ah noloshoodu hoosyso, wax horu marin ahna aan ka helin dowlada yeman oo ay mudo 53 sano ah katirsan tahay, jasiirada socotra waxaa lagu magacaaba jasiirada mucjisada, waxa laga helaa dhir iyo xayawaano aan laga helin meel kale oo caalamka ah waa jasiirad soo jiidasho leh.
Hay ada UNESCO waxay ay diiwan galisay 270 nooc oo laga helo jasiirada socotraoo kaliya, ku dhawaad 200 oo shimbiro ah oo aan intooda badan laga helin aduunka meel kale, jasiiradahan waxaa maamuli jiray nidaam yadii somaliyeed ee bariga africa sanadkii 1984tii waxaa gacan kuheynta kala wareegay saldanadii marha oo ka arimin jirtay koonfur bari ee yeman intii u dhaxay 1507dii ilaa 1511kii waxaa xoog kula wareegay boqortooyadii burtugeska.
Waxa uu duulan joogt ah ku hayay xeebaha bariga africa iska caabinkaga timi shacabka xeebaha daga iyo awoodii bortiqisska oo aduunka kayaraatay awgeed, waxaa dib ula wareegay socotra saldanadii mahra sanadkiii 1834tii, ingriiska ayaa isku dayay in uu iibsado jasiiradaan laakin wuu ku guuldareestay sanadkii 1880kii suldaankii saldanaha mahri aya ogolaaday in uu maamulka saldanada hoosgeeyo ingriiska si uu uga ilaaliyo saldanado kale oo maamul carbeed ah uu hardan siyaasadeed kala dhaxeeyay.
Sidaas ayay socotra ku ahayd maxmiyad ingiriis sanadkii 1967dii ayaa la baabi iyay nidaamkii saldanada jasiiradaha socotrana waxa ay ka mid noqdeen koonfurta yaman markiisi xornimo qaadatay noqtayna dal gooni ah, waqtigaas somalia in kastoo ay xor ahayd hadana waxay ahayd dal dhawaan xornimo qaatay caqabado badana wajahayay, waxaana ku furneyd raadinta jabuuti, somali galbeed iyo NFD, somalia iyo yeman xiriir qoto dheer iyo daris wanaag ayay ka dhexeeyay waligeed, arintaana markii hore ma furin arinta jasiiradaha socotra.
Dhinaca kale aqoon yari jiratay awgeed laguma baraarugsaneen arinta marinka gardafuu oo ay jasiiradani ku taalo iyo sidoo kale somalia oo dumlimaasi yadeeda oo dhan iskugu geysay raadinteeda dhulka dhanka bariga ah ee kamaqnaa ayay keentay in jasiiradani ay sii ahaato dhul hoostaga dalka yaman
Dagaalkii somalia iyo ethiopia
Sheegashadii somaliana lama sii raacin, sanadkii 1990kii waqooyiga iyo koonfurta yaman ayaa midoobay, jasiirada socotra waxay ka mid noqtay midowga yaman, waxaana si toos looga maamuli jiray cadan markii dambana la hooskeenay maamulkii xadru mowt, ugu dambeyna sanadkii 2013kii ayaa loo sameeyay maamul ayada ugaar ah marka laga reebo intaasi jasiirada socotra wax hor marin ah oo ay yeman ka heshay ma jirto, jasiiradan ayaa waxaa ku taala meesha ay ku kala qeybsamaan labada badood ee istaraa tiijiga ah ee kala ah bada cas iyo badweynta hindia.
Tani waxay siisay qaarka mid ah wadamada mareykanka, rushka, iiraan japan iyo shiinaha inay ilgaar ah ku ilaashadaan waxaana loo eega jasiiradan inay tahay marin muhiim u ah maraakiibta xambaarsan shidaalka, waaan marinkaasi laga gudbiyaa waxyaalaha ugu badan ay dowlada shiinaha ay soo saarto sanadkii 2015kii markii uu bilowday dagaalkii sokeeya ee yaman, waxaa bilowday damac galay wadamo kale ay ugu horeeyen isbahaysiga uu sacuudiga hogaaminaayay waxaa ayna isku dayeen in ay la wareegaan jasiiradaan la dayacay.
0 Comments