iceland the land of Fire and Ice Most Astonishing Natural Landscapes of the world

Iceland dhulka dabka iyo barafka

Jasiirada iceland jasiirad fog, quruxbadan, dabiici ah, jasiirad ku suman folcanoyin holcaya iyo baraf qabow aad u daran, jasiirad uu alle ku galaday bilic aad u qurxoon kagana soocan aduunka intiisa kale cimiladeeda isbad badalka badan , heer lagu naaneeso dhulkii dabka iyo barafka.

Jasiirad ay soo heleen oo ay ay soo iktishaafeen dadkii loo yaqaanay faakinga, hadaba maxaad ka taqaana aqriste jasiirada iceland? yaa daga? xagay ka yimaadeen dadkeedu, maxay kaga soo can tahay dalalka aduunka?

Iceland

Iceland waxay ku taala bartamaha bada antaltik, waxayna ku fadhidaa bad gaarayo ilaa 103km oo squaran, caasimada dalkaani waa magaalada Reykjavik oo ah magaalada ugu weyn uguna dadka badan, tirada dadka dalkaan daga 350k oo qof oo u badan dadka la yiraahdo icelandic kuwaasi oo intood bdan kasoo guuray qaarada yurub gaar ahaan iskaan danefiyankan, markii ugu horeysay ee la dago jasiiradan sanadkii 1874tii miilaadiyada, xiligaas oo ay soo gaareen qeybo ka  mid ah burcadii dooxatada ahayd ee loo yaqaanay feyniqiyiinta ama feykingiska kuwaasi oo noqday dadkii ugu horeeyay ee deegamiya jasiiradan cidlada ah, markii dambena waxaa usoo guuray qeybo badan oo kamid ah qabaa ilka daga iskan danefiyanka.

Bilowgii hore jasiiradan waxay hoostagi jiratay boqor tooyadii norwey ilaa lag soo gaaray sanadkii 1662dii miilaydiyada markaas oo ay iceland si toos ah u hoostagtay boqortooyada denmark intii uu oscday dagaalkii labaad ee aduunka sanadkii 1940kii ciidankii germalka ayaa la wareegay jasiiradan waxayn baabi iyeen dhamaan wixii xiriir iyo maamul hoos tagayay denmark marki uu germalka ku jabay dagaalkaasi waxaa jasiiradan la wareegay ciidamada mareykanka,iyo kuwa ingiriiska.

Ugu dambeyna sanadki 1944tii miilaadiyada ayay iceland sitoos ah u noqotay dal madax banaan, iceland waxay caan ku tahay muqaal keeda cajiibka ah, midabada iyo nashqadaha guryaha ee ay gaarka la tahay, qalalaa sihii aduunka gilgilay sanadi hii 2007da iyo 2008da ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaqalaha jasiiradan waxaana ceyroobay dhaman bank giyadii jasiirada, dhacdadaasi kadib 

Saro u kicidii dhaqaalaha iceland

iceland waxay u jeesatay inay saro u qaado dhaqaalaha kasoo gala dalxiiska, waxa ayna dowlada maal galin ku samaysay goobaha soo jiidashada leh si sare loogu qaado dalxiiska iyo maal gashiga caalamiga ah, dhinaca kalena waxaa xooga la saaray suuqa geynta diyaarada dalkaasi oo loo yaqaano iceland ai, dhacdooyin is xigay oo is daba joog ahaa iyo dadaalo dheeri ah kadib, ce land waxay noqotay dal soo jiita tiro badan oo dalxiiso yaal ah.


Dalxiisayaashii soo booqan jiray sanadka 2010kii waxay ahaayeen ku dhawaad 450k oo qof oo kaliya, halka sandkii 2019kii ay gartay ku dhawaad 3m oo dalxiise!, dhaqaale ahaan waxay ku guuleysatay waqtigaan in ay ku gaarto nidaam garsiiyay mid aka mid ah heerarka nolosha ee ugu sareeya iyo daqliga qofka oo kordha, cel celiska daqliga soo gala qofka shaqsiga ah ayaa lagu qiyaasa in uu yahay 55k oo doler sanadkii, taasi oo ka dhigaysa dalka 19aad ee ugu fiican xaga daqliga muwaadinka,Waxaana inta badan dalkaan yar uu ku tiirsan yahay dalxiiska iyo kaluumeysiga.

Iceland sidoo kale waa dal hormar balaaran ka sameeyay dadkooda , dadka wax qori kara ee dalkasi waxa lagu qiyaasaa 99%, tiradan ayaa ka dhogaysa dalkaan midkamid ah dalalka ugu hoeeya xaga aqoonta, waxa uuna leeyahay jaamacado waaweyn oo heer calami ah.

Korontada dalkaan iceland

72% boqolkii korontada dalkaanwaxaa laga soo saara il dabiici ah midaasi oo u sahlaysa inay dadku helaan loronto deeganka wax dhibaato ah aan u geysan sidoo kalena qiimo ahaan hooseysa maadama laga heelayo uumi dabiici ah, iceland waa dal ay aad ugu yar yihiin faldambiyeed yadu, waxana aad u yar dambiyada la diiwan galiyo sidoo kale dalkani ma kahan awood ciidan, kaliya waxa uu leeyahay ciidan ilaaliyo xeebaha dalkaasi boolis amaanka gudaha suga iyo koox u tawa baran gurmadka dag daga ah iyo maareynta musiibooyinka.

hadii boolisyo badan dunidaka jira ay suurto gal tahay in maalinkasta ama saacd walba qof ka mid ah muwaadiniintooda dal ama dhaawac ay u geestaan  booslika jasiirada iceland ayaa noqday miudka ugu yar oo xad gudub ku sameeya dadkiisa, markii ugu horeysay ee ay xabad ku ridaan qof shacab ah waxay ahayd sanadkii 2013kii markaasi oo ay toogasho ku dileen qof hubeysnaa oo ay xakameyn waayeen inkastoo oo policeka wadankaasi jireen mudo dheer oon nusqarni kabadan hadana dhacda daani waxay noqotay tii ugu horeysay ee  police jasiirada ay ku kacaan, waxayna argagax ku dhalisay dadka dalkaasi.

Inkastoo u dalkan dhinac yo badan uu hormar kasameeyay hadana waxay dhibaato ka haysataa dhanka koriimada dadka waxaa la qiyaasa in sanadka 2050ka tirada dadka dalkaan ay gaari doonto 289k  oo qof oo kaliya halka ay hada ka tahay 350 qof , waxaan loo sababeeya heerka dhalmada dadka oo hooseysa iyo raga dalkan oo inta badan doorbida in ay qurbaha ku nooladan iyo sidoo kale cimilada qabow oo u diideysa in dad cusub ay soodagaan jasiiradan, isbadalka cimilida ayaa dhinaca kalena dhibaato xoogan ku haya dadka jasiiradan ku nool , waxaana si joogta ah meelaha qaar uga dhacafoolkaanooyin waaweyn oo qasaaro geysta oo ay ugu dambaysay  foolkanadii 2010kii oo socotay ku dhawaad2billod oo joogto ah 


Post a Comment

0 Comments