LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

What do monkeys have in common with humans? Monkeys feel sadness and stress just like humans

  Midkamid ah xayawanada ugu layabka badan dunida chimpanzee

Kani waa daanyeerka looyaqaano chimpanzee, waa mid ka mid ah xayawaanada ugu layaabka badan ee jooga aduunka waxay leeyihiin qabiilo ay isku aqoon sadaan,waxaa dhax maro dagaalo qabiiled iyo  aanoyin ay isku ugaarsadaan, sida bani aadamka ayuu niyad jab iyo walbahaar dareeema, wuxuu u nool yahay koox koox, kooxkastana waxay leeyihiin deegan iyo ciidan u gaar ah hadii koox kale ay kusoo xad gudubtana waxaa dhaxmara dagaal aan waxba la isku reeban oo kusoo idlaada in kooxda adkaata ay cunto hilibka kooxdii laga adkaaday si ciilka iyo carda ooga dagto cabsi galina ay ugu noqoto haraadiga ka haraykooxda kale si aysan mar labaad aysan usoo duulan tagin.

Daanyeerkani DNA diisu waa mid u dhow DNA da bani aadamka, wax yaabaha cajiibka ah ee uu dheeryahay xayawaanada kale waa in hadii uu xanuusado uu adeegsado geedo qaas ah o uu u adeegsado xanuunka hayo daawo uu isga daaweyo, isagoo dhir isku dar darsado kadibna mariya meesha xanuuuneysa.

Chimpanzee noocka mid ah daanyeerda gar ahan [ape]

chimpanzee waa noocka mid ah bahwaadgta ape oo ay kawada tirsan yihiin noocyada kale ee waaweyn sida goriilaha, daanyeerka chimpanzee 98% wxuu leeyahay DNA habsamaysankiisu u egyahay kan banii aadamka, waana noolha kaliya dhawaansho intaas la eg u jira banii aadamka wuxuu ku noolyahay keymaha kulul iyo galbeedka Africa sigaar ah wuxuu ku noolyahay dhulka ksoo rogmada keymaha senegal ilaa harooyinka tanzania, xajmi ahaan midka qaangaarka ah wuxuu culeyskiisa gaara 30 ilaa 60kg.

Cimri ahaan waxay gaari karaan ilaa 45 ilaa 60 sano, labka ayaa culees ahaan dhirir ahaan iyo xooga haanba ka horeeya kuwa dhediga ah inta badan gtalinka hore ee subaxii hurdada kama kaco ilaa qoraxda soo dherato oo kulkeedu kiciyo, wuxu aad u jecel yahay cunida miraha cawska iyo dalaga sidoo kale chimpanzigu wxuu cunaa ukunta shumbiraha  iyo cayaayanka qeybo ka mid ah, waxaa jiro muuqalo muujinayo daanyeerkan oo cunaayo hilibka daanyeerada yar yar.

Wuxuu caanku yahay in laamaha geedaha ka samysto qalab u eg waranka oo uu ku ugaarsado xayawaanada yar yar, mar marka qaarna markii uu xanaaqo ayuu si kibir ah u dilaa xayawaanada ka yar yar iyo dhalaanka duurjoogta kale waranka uu samaysto oo marna uu isku dufaaco marna ku ugaarsado waa xeelad aad ugu dhow dhaqanka dagka mana jiro xayaawaanka kale oo lagu arkay ficilkaan, guud ahaan duurjoogta, waana heerka uu gaarsiisan yahay caqliga chimpanzee.

Waxyaalaha ugaarka ah chimpanzee


daanyeerka chimpanzee wuxu kaloo lagaar yahay isku daaweynta dhirta inta badan kama soo baxo keymaha, wuxuuna aad u jecel yahay dhulka dhirta cagaaeran, marka uu xanuusado wuxuu aad u raadiyaa noocyo kamid ah dhirta si uu isugu daaweeyo, seynis yahano cilmi baaris ku samaynaayay daanyeerka chimpanzee uu ku nool dalka ugunda ayaa warbixintooda ku sheegen in daanyeerkaan uu aad u yaqaano dhirta nooca daawada u ah xanuu nka markaas haya xanuun baabi''iye u noqonkara, nmarkii uu xumad adreemo kuwa uu ku daween karo ama dhaawacyada soo gaaro kuwa uu mariyo in uu aqoon u leeyahay.

Dhirtaas markii la baaarayna waxay noqdeen kuwo ah ladagaanka nacteriyada, waqtiyada qarna waxaa dhaca in kooxkamid ah daanyeeradan ay soo raadiyaan dhir ay ku daaweeyaan kuwooda awoodi waaya in ay si iskood ah usoo raad sadaan daawo kadibna ay dhirtii u geeyaan sidaana kiu daaweeyan waxay sidoo kale dhirta u adeegsadaan inay kudaaweeyan xanuunada kasoo garo qaniinyada masaska iyo bahalada kale, markii uu dhawac gaaroba hadii uu socon karo wuxuu u cararaa halkii uu dhirta ku ogaa si uu markiiba isku daaweeyo.

caqliga iyo fahanka sareeya ee chimpanzee waxaa lagu ogaaday talaabooyin la marsiiyaynoocyo lagu hayay goobaha beeraha, xalinta xujooyinka qaar iyo sidoo kale barashada luuqada farmuuqa ama loo yaqaano sign language ee farha la iskala hadlo si gaar ah dadka dhagaha la lagula hadlo markii la baray ayaa la arkay ayagoo fahmaayo waxna ku tilmaami karo, tijaaboyinka qaar waxaa ka mid ahaa in kuwii la baray luuqada ishaarada inay bareen kuwii kale ee aan aqoon, qaab xiriirka dhaxdooda ayay sidoo kale adeegsadaan habu eg farmuuqa oo ay ku muujiyaan waxa ay rabaan  in ay is fahan siiyan.


Tawbarada qaar ayaa lagu arkay in ay qabankaraan shaqooyinka qaar oo mareka latiso qabka loo racayo ama loo samaynaayo, dhanka klena waxay leeyihiin dareen maskaxeed u dhow habka kan dadka, waxaana la sheega in cudurada niayad jabka ama debreshinka sidoo kale steresska uu ku dhaco xiliyada ay murugta badan ay dareemaan oo ay maskaxdooda dareen badan ay muujiso.

Daanyeerkaan waa daanyeer u nool hab koox koox ah ama qoys qoys ah intii dhalasho wadaag ah isku meel ayay joogaan oo ku noolaadan , labkuwaa mid mar walba qoyskiia ka agdhow nooca dhedigana waxa ay ka ag guurtaa familkeeda markii ay dhalmo bilowdo kooxdii meeldaganba waxaa hogaan ka yu haya labka noociisa waaweyn ee looyaqaano alpha, kaas oo sameeya xuduud u gooni ah kooxdiisa oo uu ka ilaaliyodaanyeerada kale inay usoo gudbaan wuxuu samaystaa oo uu xushaa kooxdiisa inta ugu xooga badan oo kaa shaqeysa difaaca, markii dagaal la aadayana wuxuu u noqdaa baaan duule, hadii ay dhacdo in koox ay kusoo xad gudubto xuduuda, waxay isku badashaa dagaal qabiileed aan waxba la isku reeban, markii ay koox koox iskyu dagaalan iyaga oo dhan walba isku eg, ayay hadana is yaqaanan, oo iskuma qaldaan kooxaha ay ka kala socdaan.

Post a Comment

0 Comments