Qabiilada leh dhaqamada ugu layabka badan adunka, hilibka dadka ayay cunaan
Qabiilada ugu layaabka badan badankkod waxay katirsan yihiin wadamada africa, balse waxaa jiro qaar ka baxsan qabiiilada qarada madow ee africa, waxaa kamid ah qabiil daga galbeedka Indonesia oo kamid ah qabiilada leh dhaqamada ugu yaabka badan aduunka, ma ahan ayaga oo kaliya balse waxaa dunida ku nool qabaa il leh dhaqamo iyo caadooyin ilaa maanta ay ku dhagan yihiin oo kasoocay dadka intiisa kale, madhax galaan dadka intiisa kale, waa cawaan aan diin lahayn.
Qeyb ka mid ah waxay cunaan hilibka dadka, lagamana yaabo in hadii adigoo safar ah aad ku qaldontid tuuladooda aad nolol ooga soo baxdid.
soo dhawaawa saxibayaal qormadeena maanta waxaan isla arki doona 4 qabiil oo leh dhaqamada ama cadooyinka ugu layaabka badan aduunka.
-Qabiilka dani
Qabiilkan waa qabiil u dhaqma sida duurjoogta oo ku nool keymaha gobal kuyaala galbeedka indunosia oo la tiraahdo papuwa oo dhaca goob u dhow xuduuda indunusia iyo dalka papua new guinea, wixii ka horeeyay sabnadkii 1930kii ma jirin wax xog ah oo dunid inteeda kale ey ka ogeyd dadkaan, waxay ku noolyihiin dhul keymo ah oo ay adagtahay in la dhax galo tiradooda waxaa lagu qiyaasa ilaa 200k qeybo yar oo ka mid ah ayaana waqtiyadii dambe bilaabay inay bulshooyinka kle soo dhax galaan bartaana luqadaha kale, kuwaasi ayaa fududeeyay in lagaaro oo warbixino laga sameeyo hab nololeedka qabiilkan, oo ah ugaarsato aad us hiish badan.
Waxay cunaan wax kasto oo ay ugaarsadaan ama ka hor imaado, dhirta, dugaaga, iyo ugaarta intuba uma kala soocna, muqal ahaan waxay u egyihiin bulshooyinka qaarada africa, balse waxa ugu weyn marka laga soo tago midabka ayaa ah inay leeyihiin indho leh midaab cagaar ku jiro iyo tin hurdi ah oo aan adkeyn, ninka ku tilmaaman geesiga ama abaan duulah qabiilka ayaa sanka ama qeybo kale oo jirka ah ayaa surta biro u samaysan sida jijimaha si uu oga dhax muuqdo dadka kale.
Xiliga dagaalka waxaa caadi ah in ay cunaan hilbaha dadka looga adkaaday dagaalka, qaarkood ayagoo nool ayay dab qabad siiyaan si loogu ciil baxana hilibkooda loo cuno, diin ahaan waa dad cawaan ah oo leh caadooyin ay diin ahaan u ilaashadaan dadkaan ayaa ah dad qaawan oo aan dhar xiran marka laga reebo waxyar oo harag kasamaysan oo cawrada lagu qariyo oo ay odeyada xirtaan.
Dhaqamada layabka leh dadka waxaa ka mid ah
Markii uu qof qoyskooda ka mid ah geeriyoodo in ay xubnaha kale ee qoysku gaar ahaana dumarku iska jaraan faraha qeybta sare ama mid ka mid ah faraha gacanta si murgada ay dareemayan ay u muujiyaan taasin oo calaamad u ah inta qof oo qoyskooda ka dhimatay, qofka ka dhintay ayay mariyaan dhir iyo waxyaabo kale si uusan u qurmin inta badana ma aasan meydka, qaarkood ayaa leh caadooyin ah in qofk dhintay la gubo kadibna haraadiga iyo dambaskooda biyaha ayay ku shibaan .
Qabiilka faatuuma
Waxay ka midyihiin ama lagu tiriyaa dadka halista ugu
jiro in ay dabar go''aan, tiradoodana waxaa lagu qiyaasa wax u dhow 1500 oo qof astaamaha qabiilkan wxaa ugu caansan oo calaama u ah in cagahoodu ay keeyihin kaliya suul iyo gumur kale oo u eg labo farood oo la isku dhajiyay, waana sababta keentay in loo bixiyo magaca dadka leh lugaha goron yada, waana xaalad lagu arki karo qaar badan oo oo ka mid ah dadka qabiilkan
-Qabiilka surma
Dumarka surma
Raga ayaa sidoo kale jirkooda kusameeya calaamado sidii nabar weyn oo kale marka ay dilaan qof ay cadow u arkaan siheebad iyo geesinimo ay ooga muuqato si la mdi ah qabiilada masaayda ee bariga africa ayay surmo sidoo kale dalool weyn kusameeya dhagahooda dhamaan jeex jeexyadan ay jirkooda kusameeyan waxay salka ku hayaan raadinta hab ay quruxda u arkaan.
Qofka ayaa mindi ama shey kale oo afleh adeegsaada marka uu jirkiisa calaamad u samaynaayo, qabiilada qaar ee surma kamid ah ayaa intaas kasii dheereya oo caruurta markaas dhasha calaamado ku sameeya si loomuujiyo in ay qurux lasoo korayaan, xiliyada barwaaqada waxay samaystaan ciyaar dhaqameeyo ragu ay kudagaalaman warmo kaasi oo ay dhaawacyo xoogan ay isku geystaan qaarkoodna goobta ciyaarta ay ku naf baxaan.
Dowlada Eithopia ayaa goobaha ciyaaraha mar marka qaar u dirto askar kala ilaaliso balse dhulka aadka u fog ayay la aadan ayagoo diidan in dhaqankooda faro galin lagu sameeyo inta badan ragu ma xirtaan dhar balse kuwooda xooga ilbaxa noqday ee dadka kale dhaxgalay ayaa mar mar xirta maro dheer oo hab is dhaaf ah loo xirtay balse aan jirka astureyn.
Waxaa jiro intaan kuwo kasii badan leh hab dhaqameed intaan soo sheegnay kasii cajiibsan lagu tilmaami karo waali
0 Comments