Xabashigii damcay inu dumiyo kacbada! Qisadi Asxabul fiil
Guuto ciidamo ah oo ku hubaysnaa saanadii xiligaas ugu cuslayd ee ciidan lagu hubeeyo ayaa duulan kusoo qaaday magaalada maka sanadkii uu dhashay nabiga ''NNKH'', ciidan waxaa hor kacayay sarkaal xabashi ah yookiisuna wuxuu ahaa in uu bur buriyo kacba sii uu shacbiyad ugu helo kaniisad uu ka dhisay yeman, kadib safar dheer waxay yimaadeen afaafka hore ee maka, waxayna isku dayeen in ay fuliyaaan hadafkooda kahor inta aysan ku war helin duulan samada uga yimid oo uu kusoo qaaday mid ka mid ah noolayasha uu alle abuuray kuwooda ugu daciifsan.
Wuxuuna sabab u noqday in uu afjarmo duulankiisii inta uusan bilaaban ba waan dhacdadii loogu magac daray ''Asxabul fiil'' ee uu boqorkii xabashiga ahaa ee Abraha ku doonay in uu ku bur buriyo kacbada.
-Sidee wax u dhacee?
-Muxuu ahaa yoolka abraha?
-Maxaase keenay in uu kufikiro burburinta kacbada?
Dhamaan su'aa lahan ayaynu ku qaadaa dhigi doonaa qormadeena ama article keena maanta.
Sanadkii 530 ee miiladiga dagaal dhaxmaray xabashida iyo boqortooyadii Ximyaree katalin jirtay dalka yeman ayaa kusoo idlaaday in xabashidu ay ku gacan sareeyan dagaalkaas markii ay qabsadeen xukunkii yamen boqorkii boqortooyadii aksuum yaa u mgacaabay nin la oran jiray Abraha al-ashram in uu noqdo xaakimka yamen ujooga boqorka aksuum, xiligaas waxay ahayd boqortooyo balaaran oo ka jirtay dhul ku teed sanaa waqooyiga ethopia iyo eleteria.
Waxay ahayd boqortooyo xoogan oo awood dhaqaale iyo ciidanba ku lahayd mandiqada, waxaa jirtay xiligaas in carabta ay dhaqan u lahaayeen sanadkasta in ay u xajtagaan magaalada makka si ay ugu sooxajiyaan kacbada, wuxuuna ahaa dhaqan soo jireen ah oo ay jiilba jiil ay iska dhaxli jireen dadkan xajka aadaya waxaa ku jiray yameniyiin badan, Abraha ayaa weydiiyay saraakiishii mesha ay dadkan dhan ay u socdaalayaan oo ay u wada socdaan, markii loo sheegay in sanad kasto ay u socdaalan maka, wxaa maskaxdiisa kusoo dhacday fikrad badali doonta xukun kiisii.
Aas aasidii kaniisad iyo fikirkii xumaa ee abraha
Abraha wuxuu ku fikiray oo uu isweydiiyay maxaan u samayn waayay kaniisad ay sanadkasta dadku yimaadaan halkii ay ka aadi lahaayeen makk? lataliyayaashia ayuu u bandhigay fikirkii weyna soo dhaweeyeen wexeyna u sheegeen in uu maangal yahay, abraha ayaan go'aan ku qaatay in uu hirgaliyo qorshaha fulinta mashruucan, wuxuu isugu yeeray injineeradii xiligaas ugu caansanaa mandiqad, waxaan bilowday mashruuca dhisida kaniisadan, dhaqaale badan iyo dadaal ayuu ku bixiyay abraha kaniisadiisan cusub wuxuuna u bixiyay ''Qaliis''.
Wey dhamaatay dhisideeda kadibna wuxuu faray saraakiishiisa iyo ciidan kiisiiba in ay dadka ugu yeeraan usoo xajtagida kaniisadaan, carabtii markii loosheegay kaniisadaan cusub ee aadka u weyn ee la rabo in aybadasho kacbada waxay ku jawaabeen jees jees iyo in ay maad ka dhigtaan iyo in ay dhahaan ma waxaan ka tagaynaa gurigii aabaheen Ibraahiim? ma waxaan xaj u aadnaa kaniisad uu dhistay abraha? in taasi kuma joogsan balse taariikh yahanada ayaa sheegay in mid ka mid ah carabtii habeen si dhuumaaleysi ah usoo galay kaniisada kadibna u badalay suuli oo uu ku dhax saxarooday, intaasi kuma joojin oo saxaradii ayuu darbiyada kaniisada ka buuxiyay.
Subaxii markii lagu wargaliyay ficilkaas abaraha aad ayuu u carooday wuxuuna amray in la diyaariyo ciidan si gabai ahaan uu u bur buriyo kacbada, markii la diyaariyay ciidankii abraha ayaa usoo jeestay dhanka kacbada isaga oo hor kacaya kumanaan ciidan ah oo ku qalabeesan saanad ciidan oo aad u xoogan, gaadiidna uu u yahay maroodiya yaal,carabta waxay ku ahayd arin ugub ah in maroodi lagu dagaalamo, oo waxay sida caadiga ah adeegsan jireen fardo oo kaliya.
Abraha intuu usoo socday makka wuxuu dhaxda kusoo maray qabaa ilo badan oo carab ah oo deegano kulahaa inta u dhaxaysa Sanca iyo makkah, qabiilkasta oo ay yimaadan deegankiisa ciidamadiisa ayuu ku fasaxaayay si ay u bililiqeestaan, waxkasto ay haystaan xoolo iyo hantiba kadibna ay sahay uga dhigtaan, kadibna wuxuu soo gaaray deegan u dhow makkah wuxuuna amray in ay halkaan ku nastaan, ciidan kii qeeb ka mid ah ayuu u diray si ay geela iyo xoolihii joogay banaanka makkah ay usoo bililiqeestaan.
Reer makkah talo ayaa ku cadaatay, marka laga yimaado ciidan ka xoogan ee uu horkacaayo abraha hadana wxaa cabsi ku beeray maroodiyada oo ninkaan gaadiid ahaan uu u wato, xiligaas reer makkah waxaa hogaaminaayay ''Cabdi mudhalib binu haashim'' oo ahaa awoowaha nabi muxamed ''NNKH'' Abdi mudhalib ayaa u yimid abraha, markii uu abraha arkay abdi mudhalib wuu ka heybeystay oo aad ayuu usoo dhaweeyay kadibna wuxuu ku dhahay maxaad rabtay? Abdi mudhalib wuxuu dhahay ciidankaagu waxay iga qaateen 200 geel ah! geeleyga isoo celiya.
Abraha wxuu ku dhahay markii ugu horeysay ee isheydu ku qabatay waxaad iila ekaatay nin heybad leh laakin sidaan filaaayay maad noqon, abdi mudhalib ayaa yiri sabab, wxuu ku jawaabay waxaan u imid inaa bur buriyo gurigaan idinka iyo awoow yaashiinba muqadaska idin ah halkii aad igala hadli lahayd ayaad igala hadlaysaa 200 oo geel ah.
Abdi mudhalib ayaa ku yiri gurigaan ilaah ilaashanaayo ayuu leeyahay
laakin geela rabigusu waa aniga, abraha ayaa amray in la celiyo geela, kadib abdi mudhalib ayaa ku noqday makkah, wuxuuna amray ama u sheegay in rer makkah ay naftooda bad baadsadaan oo ay magaalda iskaga baxaan, subax nimadii hore ayuu abraha ciidankiisii amray in la bilaabo duulanka lana bur buriyo kacbada, maroodiyada ay wateen ciidankaan waxaa jiray maroodi ahaa kan oogu weyn oo meesha uu u jeesto ay maroodiyada kale u jeesan jireen halmar maroodigaan ayaa dhaqaaqi waayay oo ka kci waayay meeshii uu fadhiyay.
Ciidankii ayaa bilaabay inay ku qasbaan in uu kaco oo ay ujeediyaan kacbada si mroodiyada kalena ay u raacaan, iskudayo badan wuu kacay laakin arinta layaabka ku noqtay in markasta oo ay u jeediyaan kacbada uu ka jeesanaayay una cararaayay dhanka yaman dhoor jeer ayay celiyen laakin wuu ka madax adeegayay, jalmar sidiii ay maroodigaan ugu mashquulsanaayeen shimbiro sita dhoobo yar yar oo la qalajiyay oo kusoo ridaaya ciidinkii abraha ayaa argagax ku beermay, waxay bilaabeen in midkasta uu cararo, dhoobadaan ay shimbiraha kusoo ridaayan ayaa mid kasta oo ay ku dhacdo wuu dhimanaayay.
Abraha ayaa dhaawacmay kadibna ciidankiisii tiro kamid ah ayaa oola cararay dhanka yemenintii ay wadada kusii jireen ayuu u dhintay dhaawacii, waxaan halkaas ku fashilmay isku daygii abraha uu ku doonayay in uu ku bur buriyo kacbada.
Ninkaan ka hor dhoor jeer ayaa la isku dayay in la dumiyo kacbada laakin kuligood waxay ku idlaadeen guul daro, dhacdada abrahana waxay ahayd tan ugu caansan.
0 Comments