LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dollar is not the most expensive currency in the world! || dollerku ma ahan lacagta ugu qaalisan aduunka

 Lacagaha ugu qiimaha qaalisan aduunka

Hadii lagu weydiiyo lacagaha ugu qiimaha qaalisan, waxaa laga yaaba in markiiba maskaxdaada ay kusoo dhacaan Dollerka mareykanka, Geny ingiriishka,ama uero laga adeegsado yurub, kawaran hadii aan ku dhaho intuba ma ahan lacagaha ugu qaalisan aduunka, waxaa jiro lacago ka qaalisan dhamaantoodna ay yihiin lacaga ay adeegsadan dalal carbee.

Waxaa dunida ka jira 180 lacagood oo si rasmi ah loo aqoon san yahay, lacagaha qaar ayaa ah kuwo aad looga adeegsado suuqyada sida lacagta mareykanka oo ah tan ugu socodka badan looguna adeegsiga badan yahay suuqyada aduunka, laakin isticmaalka badan ee lacagtu kama dhigna in ay tahay mid ugu awooda iyo qiima abadan, taas badalkeeda qiimaha lacagta dal leeyahay waxaa go'amiya keydka dhaqaale ee dalkaasi leeyahay iyo awooda maaliyadeed ee u qarsoon.

Dhinaca kale arimaha ay kka mid yihiin sicir bararka, siyaasada maaliyada ee uu dalka leeyahay oo liidata, wax soo saar yarida iyo alaabaha dibada looga keenayo dalka oo kabato kuwa oo dhoofiya ayaa sabab u noqda hoos u dhaca heerka qiimaha lacagta dalkaasi.

-Diinarka kuweyt
-Diinaarka bahrain
- Riyaalka cumaan 

Lacagahaan ayaa ah lacagaha ugu qaalisan dunida, xaga isku badalashada lacagaha qalaad lacagta diinaarka ee laga adeegsado dalka kuweyt ayaa ah tan ugu qaalisan lacagaha dunida,1kii diinaar wuxuu u dhigmaa 3$ iyo 27 sinti.

Gorma ayu diinarku noqday lacagta rasmiga dalka kuweyt?

Sanadkiii 1961kii ayuu diinarku noqday lacagta rasmig ah ee dalka kuweyt, dhaqaalaha dalkaan yar ee shidaalka dhoofiya oo ah mid aad u dagan inta badana ka nabad qaba sicir bararka, dhoor sababood oo ay ka mid yihiin indalkan aysan ka jirin wax canshuur ah oo ay dowladu qaada iyo lacagaha kasoo xarooda dhofka guduhu oo uu in badan ka badan yahay waxa ay soo iibsato, taasi oo yareeynaysa dhaaqaalaha dalkan dibada ka aadayo sidoo kale kuweyt oo ah dal in badan dibada u iib geeya shidaal aad u badan, dalal badan ku qasba in ay lacagtooda kaga iibsadan, taasi oo keentay in aad loo radiyo lacagta kuweyd, si ooga iibsado shidaaal kooda.

Siyaasidahaasi dhaqaale ee uu dalkaani adeegsaday ayaa keentay in lacagtiiisu ay ahaato in mudo ah mida ugu qiimaha sareyso lacagaha dunida, 

The second most expensive currency in the world / Lacagta labaad ee dunida ugu qaalisan 

Diinaarka baxreyn ayaa ku jiraha kaalinta labaad lacagaha ugu qaalisan dunida, si la mid ah kuweyt dhaqaalaha bahrain ayaa ah mid intiisa badan kasoo xarooda shidaalka iyo kheyraadka la xiriira, sanadkii 1971dii ayaa sarifka diinarka lagu jaangooyay in uu halkii dinar uu u dhigmo lab o doller $2 iyo 65 sinti, bahrain waxaa sidoo kale ku nool ajaanid aad u tiro badan kuwaas oo dunada kale wax kaga soo iibsada diinarka bahrain.

Dhaqaalaha dalkaan ayaa ah mid aad loo ilaaliyo waxaana marwalbo aad u hooseysa heerka sicir bararka taasi oo lacagtooda ka dhigtay mid aad u qiimo sareeysa, booskaasna in mudo ah xajisatray.

Riyaalka Oman

lacagta riyaalka omaan ayaa ah lacagta sadexaad ee leh qiimaha ugu sareeya ugu qaalisan aduun, saldanada oman ayaa dhaqaale aad u sareeya ka hesha dhoofinta shidaalka dalkooda, omaan ayaa mudo ahayd dal caan ku ah safarada ganacsi, sidoo kale bulshadooda ayaa ahaa kuwo aad u safra ayaa mudo dheer ka dhigtay kuwo ganacsigooda noqdo mid dunida laga yaqaano.


Sanadkii 1971dii ayaa lasoo saaray riyaalka oman oo noqday kan rasmiga ah ee saldanada meeshana ka saaray lacagtii rubiga khaliijka oo waqtigaas dalal badan lacag u ahayd ilaa sanadkii 1986dii lacagta oman ayaa ku jaan gonayd hal qiimo sarif oo u dhigma 2$ iyo 6 sinti silamid ah kuweyt iyo bahrain ayuu dhaqaalaha dalkan u yahay mid aad looga ilaaliyo sicir bararka, dhaqaalaha dhoofka kasoo xarooda oo kabaan kan ay dhoofsato ayaana ka dhigay in lacagtooda ay ahaato mid qiimo sare ku fadhida.

Diinarka Jordan

Diinarka joordan ayaa ku jira kaalinta 4aad boqortooyada jordan sida sadexd dal oo kale ma ahan dal dhaqaalihiisa ku tiirsan yahay shidaalka, balse siyaasada dhaqaale ee dalkan oo loo dajiyay sida ay usoo jidan lahayd maalgashiga caalamiga ah, ayaa diinarka jordan qorsho lagu jaan goynayo qiimaha ay dunida ka joogto.

Bank giga dhexe ee joordan ayaa sanadkii 1995tii lacagta dalkaan ku jaangooyay dollerka isaga oo qiimaha sarifka ka dhigay in halkii diinaar uu noqdo 1$ iyo41sinti  qorshahaan yaa lagu macneeyay in maalgashiga caalamiga ah uu dareemo inaysan jirin casi qalqal dhaqaale ah iyo isbadal hoos u dhac ah oo ku imaankara lacagta dalka inkasto oo ay dalalkan qiimahooda ay u dajiyeen in uu jaan go'naado dollerka mareykanka ayaa hadana xiliyo badan waxaa soo wajaha hoos u dhac ama sare u kac xaga daqliga guud ah oo ka imaanayo isbadalka ka yimaada dollerka oo tartan kaga yimaado lacagaha kale oo sida aadka ah suuqa looga adeegsado.

Dhinaca kale waxaa jiro lacago kale oo dunida caan uga ah xaga daganaanta ama qalqalka dhaqaale ee sarifkoda ku dhaca oo aad u hooseya.

-lacagta franc ee dalka swizerland 

Lacagta dalka swezerland franc ayaa lagu tilmaama in ay tahay mida ugu dagan xaga isbadalka sarifka lacagaha, dhaqaalaha dalkan oo ku tiirsan adeeg bixinta, iyo siyaasadiisa maalgashiga caalamiga ah oo aad u sareysa ayaa lacagta swezka ka dhigatay mid aan inta badan ku dhicin ama aan la kulmin sicir barar ama qiimo dhac sareeya.


-Riyaalka iiraan

-Bolivarka venzuela 

Ayaa ah kuwa ugu hooseya caalamka xaga qiimaha labadan dal oo ka mid ah kuwa keydadka shidaal ee dunida ugu balaaran ayaa wajahay cunaqabateeno tiro badan oo lagu soo rogay dhaqaalahooda kuwaasi oo ugu dambayn curyaamiyay dhaqaalaha dalalkan lacagtoodana ka dhigay mid aan caalamka wax qiimo ah aan ku lahayn

Post a Comment

0 Comments