LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The crow is the most intelligent animal and the amazing behavior of crows || xayawaanka ugu caqliga badan aduunka

 Xayawaanka ugu caqliga badan xayawaanada 

Shimbirka looyaqaano tukaha waxa lagu tiriyaa inuu mid kamid ah xayawaanada ugu caqliga badan xayawaanada, xayawaan u caqli badan sida banii aadamka oo kale isku maxkamadeeya, qaab caqli iyo xeelad ay ku dheehantahay uga faa'iideysan kara agabyada ku hareereesan, si waxa uu rabno uu ugu cuno, ama uu u qaato.

xayawaan dadka dareeseeyay ay ku sheegaan inuu can jili karo ama uu kadaba dhihi karo bani aadamka hada lada ay dhahaayaan, xayaan lagu tilmaamo in uu yahay xayawaanada ugu dhibka badan, isku sina u dhibo banii aadamka iyo shimbiraha kaleba.

The amazing behavior of crows

Qaab dhaqanka layaabka leh ee shibkaaan tukaha waa shib aad u dhib badan ay ka nabad helin noocyada kale duwan ee shimbiraha iyo bisaha haka reebin eyda,waa shimbir ku nool qaab shaqaaqo ah uu ooga fara maroojisto shimbiraha kaleee ka awooda badan ugaartooda  ugaartooda, xayawaan kan ayaa leh dhawaq uu u adeegsado si uu ugu wada xiriiro xiliyada qaarna uu u adeegsado difaac, sida marka ay geed saaran uu soo istaago shimbir ka mid ah kuwa wax ugaarsado, sida gorgorka oo kale ayuu dhawaq aad u sareeyo bixiyaa si shimbirkaan uu uga fogaado goobta iyagana uusan waxba ugu geesan.



Tukaha ayaa leh ayaa leh caqli aad uga sareeya xayawaanada kale, tijaaboyin lagu sameeyay si loo ogaado caqligiisa ayaa tuke lagu xiray qafas ay yaalan labo quraaradood ama labo dhalo oo mid ka mid ah ay biyo ku jiraan, biyaha ku jiro quraarada ayaa ah kuwo uusan gaari karin oo uusan cabi karin, hadab tukihii ayaa dhagaxyo meesha yaalay mid mid ugu guray si ay biha kor ugu soo kacaan oo ay soo gaaran meel uu ka cabi karo, 

Sidaasi oo kale tuko kale ayaa isagana lageeyay qafas ay cunto taaalo cuntadii waxaa la galiyay meel god ah waxaana meel xooga u jirta la dhigay qori, markii uu arkay in uusan cuntada lasoo bixi karin qorigii ayuu soo qaatay kadibna kula soo baxay cuntadii, tijaabooyinkan ayaa muujiyay heerka uu gaarsiisan yahay caqliga shimbirkaan iyo sida uu ooga faa iideyso agabka markiiisi ag yaalo.

Dhqan ay banii'adamka ay ka siman yihiin

Dadka daraaseeyo qaab dhaqanka xayawaanada ayaa sheegay in tukayaasha aya leeyihiin maxkamado lagu kala xukumo kuwooda ka horyimaado qawaaniinta ay ku wada noolyihiin si la mid ah bani aadamka, wuxuuna dambi kasto leeyahay ciqaab u gaar ah, tusaale ahaan dadka daraaseeya waxay sheegaan tukihii isku daya in uu qaato tukayaasha yar yar cuntadooda ee aan xooga lahayn lagu ciqaabayo in tiro badan oo tukayaal ah ay ka rifaayaan baalayaasha, ay gaarsiiyaan heer uusan duuli karin si uu oola mid noqdo tukayaashii yar yarka ahaa ee uu cuntada ka xoogay ee aan awoodin in ay duulaan.


Hadii hanka kale uu tuke duulaan ku qaado ama uu wax u geysto buulka tuke kale waxaa lagu ciqaaba in buulkii uu dumiyay uu dhiso.

Cashir uu bani aadamka ka bartay tukaha 

Tukaha ayaa ah shimbirka banii'aadamka baray qaabka loo aaso qofka dhinta, qisadii lagu xusan qur''aanka ee qaabiil iyo haabiil, ,arkii uu qaabiil dilay walaalkiis kadibna markii uu medkii walalkii uu sanooyin badan dusha ku watay isaga oo garan la waxa uu sameeyo, maadama haabiil uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee la dilo, ilaahay ayaa qaabiil usoo diray tuke tusinaayo qaabka uu u aasayo walaalkiis, tukihii ayaa aasay walalkii oo baqti ah.

Qaabiil ayaa yiri ma waxaan garan waayay waxa uu gartay tukahaasi oo ma waxaan asturi waayay meedka walaalkey, kadibna sidi ayuu ku aasay  hadaba tukaha ayaa ah xayawaanada faro ku tiriska ah ee aasta baqtigooda, waxayna dadka daraaseyaan xayawaanada taqasusna u leh cilmiga xayawaanada iyo dabeecadahooda iyo hab dhaqama dooda kala dudu wan, waxay sheegan tukayaasha in ay bixiyaan dhawaq marka uu qabtiyo tuke ama uu ka baxo tuke sida inay isku habar wacanayaan kadibna marka ay isku yimaadaan ayay aasaan tukaha baqtiyay.

Tukaha gaar ahaan kan leh midabka cadaanka iyo madowga isku jiro ayaa ka mid ah shanta xayawaan ee uu nabiga naxariis iyo nabgelyo kor kiisa ha ahaatee uu amray in lagu dilo meel kasta lagu arko xitaa xaramka gudihiisa, sababta ayayna culimada ku sheegaan in shantaasi xayawaann ay yihiin kuwo dhibaato iyo hagar daamo u geesta bani adamka iyo xayawaanada kaleba.

Cidna kama badbaado dhamaan waxkastoo nool bani aadam ama xayawaan xitaa shimbiraha ka awooda badan sida gor gorka ayuu ku dhiiradaa in uu dhibo ama uu ka rito ugaarta uu soo ugaarsaday mar marka qaarna wuxuu sameeya hada sare asagoo gor gorka duulayo in uu dusha sare ka koro ama uu baalasha kaga dhago waa xayawaan u samaysan hagar daamo waana sababta uu suubanaheena muhamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu u amray in meelkastaa lagu arko lagu dilo dhibkiisa awgeed.


Post a Comment

0 Comments