Waligaa ma isweydisay bani aadamka ka hor yaa ku noola dhulk?
Nolol maka jirtay hadii ay jirtay yay ahayd cida ku nooley? xagee ku dambeeyeen, maxaase ku dhaca? sidoo kale ma isweydiisay halka uu ka yimid ibliis, sidoo kale inuusan ahayn malag oo uu ahaa jin ku nool cirka oo la joogay malaa-ikta.
Hadaba sidee ku yimid xirka xageese ka yimi? Qormadeena maanta waxaynu ku dul istaagi doona noolayaashii ku noola dulka bani aadamka kahor, noolayaal ku suntanaa madax adeeg,dil iyo qaribaad, allena SW, uu ku saliday jinka, waxaa dhaxmaray dagaal oo sababay in gabi ahaan laga ciribtiro dhulka , kadibna alle subxanahu watacala u abuuray dhulka nabi aadan iyo duriyadiisa oo ilaa qiyaamaha ku noolanaya.
Hadaba yay ahaayeen qofmkani? waa su''asha aan ku ogaan doono postigena maanta.
Kadib markii uu alle abuuray dhulka culimada taarikhda iyo kuwa tarsiirka ku xeel dheer ayaa xusay in uu alle abuuray qoom la oran jiray '' Xin iyo Bin'' umadaan ayaa lahaa sifo ama qaab kaduwan sida uu u samaysayn yahay bani aadamka, waxayna culimada badan kood ka siman yihiin ama isku raacsan yihiin in labadaan umadoon ay ahaayeen cidii ugu hordagtay dhulka mudo markii ay kunolayeen waxaa lagu saliday Jinka oo ahayd umada labaad oo dagi doonta dhulka.
Jinka
Jinka oo ahaa umad ahaan xin iyo bin kuwo ka nolol dambeeyay ma lahan lafo, oo waxay ka samysan yihiin dab ama naar, waxay culimada mufasiriinta sheegan in jinka uu dhulka ku noola mudo aad u dheer waxay caabudi jireen alle subxanahu watacala, waxayna ahayeen kuwo u hogaan san amarada alle laakin mudo markii ay joogeen waxay bilaabeen sida umadii ka horeysay ay is dilaan waxa ku batay dambiga, waxayna noqdeen kuwo alle ka fog si la mid ah umadii ka horeysay iyagana waxaa lagu saliday maalikta oo ka awood badneed.
Waxay galeen dagaal kadibna malaaikta ayaa dhulka ka ceyrisay jinka waxayna maciin bideen badaoo ilaa manta ay ku noolyihiin, waxaa dhacday intuu dagaalka socday mid ka mid ah jinka oo aad alle u caabudi jiray raalina aan ka hayn waxa ay samaynaysay umadiisu markii uu dhamaaday dagaalkii fuliyeena malaaikta amarkii alle, jinkaan alle ka cabsiga badnaa ayay hore usii kaxeeyeen isaga oo la geeyay cirka, wuxuuna la joogay malaaikta, jinkaan aya lo yaqaanay Cazaaziil, mudo ayuu ku noola samada sare, wuxuu ahaa caabid aad u cibaado badan.
Abuuristii nabi Adam ''cs''
waxaa dhacday in alle uu doonay in uu abuuro noole cusub, oo badala noolayaashii kunoola dhulka ee fasahaadka iyo dilka ku suntanaa, alle subxanahu watacaala ayaa u sheegay malaaikta in uu dhulka u abuurayo noole cusub oo ka samaysan dhoobo ama ciid, malaaikta oo ogeyd wixii ay sameyen umadihii hore oogu noola dhulka ayaa alle subxanahu wata caala ku yiri ma waxaad u samaynaysaa kuwo fasa haadiya oo dhiiga ku daadiya dhulka? alle subaxanahu watacala ayaa ugu jawaabay '' waxaan ogahay wax iidan ogeyn'', waxaa bilaabatay in la abuuro noolahan cusub isbadalo badan oo ka bilowday dhooboayuu maray intuu samaysmayay.
Jinkii la dhihi jiray cazaaziil wuxuu ahaa mid daawanaayay wuxuuna hoos iska lahaa, waxaa laguu diyaarinaaya arin aad u weyn asga oo uu ula jeedo noolahan cusub wuxuu ogaa inuu imaanayo noole kula tar tama acmaashii suubaneyd ee uu sameyn jiaray, wuxuu bilaabay in uu xaasid nimo u qaado noolahaan aan wali la abuurin, laakin xaasid nimadan wuu qarsanaayay dabcan alle subxaanahuu wata calaa wuu la socday, waxa uu qarsanaayay cazaaziil ee qalbigiisa ku jiray, kadib waxaa la gaaray xiligii uu alle subxanahu watacaala uu ku afuufi lahaa ruuxda jirka noolahan cusub oo loo bixiyay aadam ahna aabaha umada cusub ee dhulka dhaxli doonta.
Alle subxanahu watacaala ayaa ku dhahay maalaiktii joogtay samada iyo cazaaziil marka aan ku afuufo ruuxda usujuuda, malaiktii ayaa fulisay amarkii alle una diyaar garoowen inay u sujuudan noolahan cusub markii uu alle ku afuufo ruuxda, waalagu afuufay ruuxdii waana loo wada sujuuday marka laga reebo ahl qof oo ah cazaaziil alle subaxaanahuu watacaala oo og sababta uu u sujuudi waayay ayaa weydiiyay cazaaziil maxad u sujuudi weyday? hadii aan ku amray, wuxuu ku jawaabay asaga oo kibir iyo isla weyni ay ka muuqato wuxuu ku jawaabay ''waan ka kheyr badanahay waxad iga samaysay dab ama naar sidee ugu sujuudaa noole laga sameeyay dhoobo sideen ugu sujuudaa''.
Cazaaziil ayaa si bareer ah ugu soo saaray bananka xasidnimadiisa iyo kibirka uu u qabo nolahan cusub, wuxuu kibirkiisa gaarsiiyay in uu ku caasiyo alle subxanahu watacaala, ilaahay aya naxariistiisa ka fogeeyay waxaa laga ceyriyay samada iyo janadii uu joogay, inta aan laga ceyrin ayaa asaga oo mowqifkiisi ku dhagan walina kibirsan ayuu alle subxanahu watacaala ku yiri '' waxaan wacad kumarayaa inaa wado kasto u fadhiistou qurxiyo dhulka aan dhankastana uga imaado, waxaan ka dhigaaya kuwo badalo abuurtaada hantidooda iyo ilmahooda, waana lumin doona oo baadiyeen doona .
Cazaaziil sidaa yaa looga fogeeyay janada waxaana magaciisa lagu badalay ''Ibliis'' oo noqonaysa somali ahaan kii laga ceyriyay naxariista alle ama kii ka quustay naxariista alle, waxaana halkaan ka bilaabanaya dagaal cusuboo markaan ku dhaxmaraayo dhulka Aadam iyo tafiirtiisa oo ah umada dhaxashay dhulka oo dhinac ah iyo ibliis iyo caruurtiisa oo iyagana dhinac ah.
Nolahan cusub ee uu alle abuuray oo loo bixiyay Adan oo micnahiisu noqonayo Adiim oo somali ahaan ciid, halka laga sameeyay farka mid feerihiisa noole kale oo lamaane u noqda oo ah xaawa oo iyaduna mgaceedu ka yimid nolol madaam laga abuuray jirka qof nool oo ah Adam ilaahay wuxuu baray adam luuqada lagu wada xiriiro iyo sidoo kale magayada wax kasta, waan arinta ka yaabin doonto malaaikta, waxaa la dajiyay janada inta aan losoo dajin dhulka si logu diyaariyo nolosha sugeysa, alle subxanahu watacala ayaa faray inay iska ilaaliyaan geed cayiman oo ku yaalay janada.
Waxaa loo ogolaaday wax kasta oo janada yaala marka laga reebo geedkaas, wuxuuna sidoo kale alle ooga digay sheydaanka iyo in ay dhagaystaan si aysan janad ooga bixin, wuxuuna aha imtixaankii ugu horeysay ee la marsiiyo.
Kasoo saridii janada nabi adam iyo xawo sababtii ibliis
Ibliis wuxuu u qalabqaatay siduu dagaal furan oola gali lahaa, yoolkiisa koowad wuxuu ka dhigtay inuugeetkii laga mamnuucay uu u qurxiyo si ay u cunaan, wuxuu ugu dhaartay in hadii ay geetkaan ay cunaan ay noqonayaan 2 mid midkood, mida koowaad hadii aad cuntaan in aad noqonaysaan boqoro iyo tan labaad in aad waareysaan ayuu dhahay, damcan markii uu ku dhaartay magaca alle wey rumeysteen oo nabi aadam marnaba ma is dhihin cid ayaa ku dhiiraneysa magaca alle been inay oogu dhaarato, laakin markii uu ugu soo cel celiyay magaca alle wey aamineen, oo wey cuneen geedkii, kadibna waxa is badalay waxkasta, mrkii ay Adam iyo Xawa ay cuneen geedki waxa ay ku warheleen iyagoo la feyday cawradooda.
Waxay bilaabeen calemihii ku yaalay janada in ay isku daboolaan si ay cawradooda u qariyaan, iblii wuxuu dareemay in uu guuleystay markaa, nabi aadam iyo xawana waxay ogaadeen in ay dambi weyn galeen oo geedkii laga reebay ay cuneen, alle subxanahu watacala ayaa la hadlay oo ku yiri '' miyaanan idinka reebin cunida geedkan oo nan idinkaga digin dhageysiga ibliis? waxay ugu jawaabeen allow waxaan dulminay nafteena hadii aadan noo dambi dhaafin noona naxariisan waxaan nahay kuwo qasaaray, alle subxanahu watacaala ayaa u dambi dhaafay nabi aadam iyo xaawa, wuxuuna amray inay u wada dagaan dhulka iyo ibliis nacalad haku dhacdee wuxuuna u sheegay in ay cadow isku yihiin oo uu dagaal ka dhaxeeyo aadam iyo tafiirtiisa iyo ibliis iyo tafiirtiisa , waxaana labada dhinac u bilowday labada dhinac dagaal socon doono ilaa maalinta qiyaamo
0 Comments