LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The world's most dangerous and expensive colton mineral || Macdanta ugu khatarta badan aduunka uguna qaalisan, macdanta coltan

The world's most dangerous and expensive colton mineral || Macdanta ugu khatarta badan aduunka uguna qaalisan, macdanta coltan

Halkaan waa jamhuuriyada demuqradiga ah ee congo wuxuu ka mid yahay dalalka ugu dagaalada badan qaarada africa sidoo kalena ugu saboolsan, waxa ku jiro dulkiisa mid kamid ah macdanta ugu qaalisan qaarada africa iyo guud ahaan dunidoo idil looguna raadinta badan yahay taleentonka aad hada ka aqrineyso iyo taleen walba oo yaalo aduunkan ma shaqeen karo macdantaan la''aanteed waxaan ka wadaa macdanta loo yaqaano colton.

maxay tahay macdantaan maxase loogu tilmama inay tahay macdanta ugu halista badan adunka?

Maxaa kadhigay shirkado badan sida Apple, Samsung iyo Tesla kuwo ku duldagaalamo dalkaan saboolka a? su''aalahan oo dhan waxaan ku ogaaneynaa qormadeena maanta 
 magaceygu waa mohamed liiban halkaanina waa MOHANSOYAN.COM 

Qaarada Africa waxaa lagu naanees inay tahay qaarad dulman qaarad uu alle ugu deeqay macdano iyo qeyraad aysan jiri lahayn la''aantood dhamaan tecnologyada iyo refaahiyada  aduunka maanta ku jiro xiliyadii hore waxaa lagu dagaalami jiray oo duunka kuwooda ugu cudada badnaa ku loolami jireen si ay u bilili qeestaan macdantii dheemanta ahayd ee dalka Sierra leone oo aan dhamaanteen ognahay maanta halkuu ku dambeeyay dalkaas waxaa ka dilaacay dagaalo iyo xanuuno kareebay dalkaan dalalkii asaagiisa ahaa.

The cacoa tree '' Geedka cacoa''

Cacoa waa geed aad ooga bixi jiray dalka Sierra leone xiligii gumeysiga english ay gumeysan jireen dalkaan dadka beera leyda dalkaas ay haayeen kuwo aad u beerta dalkuna aad uu ugu tiirsanaa waana geed laga sameeyo shukulaatada , dhaqaalaha dalal badan oo aduunka ku yaala sida dalka Sweazerland dalka oogu badan ee geedkan Cocoa da laga soo saari jiray dhulkiisa , wuxuuna ahaa dalka ivory coast isaguna wuxuu maanta la daala dhacaa gaajo, sabool nimo, iyo xasilooni darojoogto ah.

Waxaa sidoo kale xiliyadii dambe kusoo biiray macdanadaan la isku dagaalayo macdanta loo yaqaano colton oo ay ku hardamaayan shirkadaha ugu waaeyn aduunka ee soo saaro taleefonada gacanta gaawarida korontada ku shaqeeya iyo sidoo kale computerada.

What is colton and what is it used for? wamaxay colton maxa lo isticmala?

Macdanta loo yaqaano colton, waxaa laga soo saara curiyayaal lo yaqaano Tantalum iyo Niobium,sideenu soo sheegnay keydka ugu badan macdantaan coltondalka jumhuuriyada demuqradiga ah ee congo, waxaana gacanta ku haysaa shirkad la yiraahdo SMB hayada sahminta Geology ee dalka mareykanka  ayaa sheegy in sanadkii 2019 jamhuuriyada congo ay sheegtay kaligeed 39%macdanta colton ee loosuuq geeyay sanadkaas aduunka oodhan, macdantaan lacagta kasoo baxda ayaa lagu maalgaliyaa maleeshiyaadka iyo jabhada dagaalka sokeeye kawada jamhuurioyada dimuqraadiga ah ee comgo.

gudiga badbaadinta qaradama midoobe 

Gudigaas ayaa sheegay in dagaalka ka socdo dalka congo uu galaftay nolosha in kabadan 5.4M oo qof toban 10kii sano ugu dambeeyay, colton waxaa loo adeegsadaa sidaan hore usoo sheegnay soo saarista curiyaasha loo yaqaano tantaalum iyo niobium,curiyaashan ayaa loo adeegsadaa waxa loo yaqaano wax afka qalaad loo yaqaano Capacitors oo loo adeegsado aalado bada oo lectronic ah.


Aaladan ayaa mid mid wax keydiso sida baterry, colton waxa uu muhiim u yahay soo saarida taleefonada gacanta iyo capacetriska tentalium,iyo nooc walbo oo electironic ah sida bikaacooyinka ,ama lenseska cameroyinka ,qalabka wax lagu daawaco iyo qalabyada caafimaadka wadnaha iyo kuwa maqalkaba sidoo kale waxaa loo adeegsadaa soosaarida computarada iyo adeegyada raadiyaha ssida majdaha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban.


Colton sidoo kale waxaa loo isticmaala in lagu sameeyoaalado heerkulkooda aad u sareeyo iyo kuwo heerkulkooda hooseyo, soosaarista marow xadaha sida kuwa diyaaradaha iyo kuwa caadiga ah aan isticmaalno, astaamahan muhiimka ah ee ay leeyihiin labada curiye ee laga soo saaro macdanta colton ee kala ah tantalum iyo niobium, waxay waxtarkooda la jaanqaadayan caalamka cusub ee aadamaha, dalal badan oo hormaray iyo shirkado badan oo caalami ah in ay raadoyaan macdantaan qaar kamid ah shirkada isticmaalaa macdanta colton ee iibiya alaabta electronic ah ee maraykanka iyo aduunka oo dhan.

Shirkadaha isticmalo macdanta colton

Waxaa ka mid ah shirkadaha iibiya shirkada AMD,  Shirkada Apple, Shirkada Dell, Microsoft, Motrola, Nokia iyo shirkada canedianka ah ee loosoo gaabiyo RIM shirkadan ayaa ah shirkad soo saarto aaladaha loo isticmaalo isgaarsiinta waxayna caan ku tahay talephonka blackBerrys.

Shirkadahan waxay qaaden taloobooyin kasta oo ay ku heli kareen ama gacanta ugu dhigi lahaayen una baartaan macdanta colton, waxayna riixeen sharciyo badan waxayna gacansaar la leeyihiin hogaanka iyo madaxda dalka si ay ayagna ugu sahlaan helida ama qodista macdanta colton , marka aad joogto dalka jamhuriga congo macdan qodista waa habka ugu haboon ee aad daqli ka heli karto sababtoo ah shaqadaan waa mid si joogto ah wax looga heli karo xitaa hadii ay tahay in 1$ malintaa laga helaayo sidoo kale shaqadaan waa mid aad u adag macdan qodayaashuna waxay u samraan qodista maalmo iyo bilooyin.

cilmibaaris la smeeyay ayaa lagu ogaaday in qaarbadan oo reer congo ah ayka tagaan tabcashada beeraha sababo la xiriiro in ay si dagdag ugu baahan yihiin inay lacag ku helaan mana sugi karaan inta ay dalagyada ka koraayaan kana soo go''ayaan sidoo kale falashadu beeraha waa mid caqabadoodu badan tahay  sidaa awgeed waxay doorbidan qodista macdanta walow dhib ay tahay balse waxay naftoodu ku sasbaan in waxyar ay qodaaan faaidadeedu ay tahay qiimo badan.

Dahabkii ugu horeeyay ee laga helo Africa 

Dahabkii ugu horeeyay ee laga helay waxa lagu sheegay koonfur Africa sanadii 186 xiligaas wixii ka dambeeyay qodista habaka waxay noqotay sanco door muhiim ah ka qaadatay qaarada Africa wax soo sarka dahabka ayaa aad u kordhaayay tan iyo 2008 in kastoo qiimaha dahabka uu hoos u dhacay tan iyo 2012kii 

Dalalka ugu wax soo saarka badan qaarada AFrica top 1o

1- dalka koowad ee qaarad Africa uguna dahabka badan waa Ghana oo 142.4 soo saara sanadkii cel celis ahaan waa mid ka mid ah wadama ugu horeeya dahabka e qaarada Africa 

2- dalka so galay kalinta labaad waa dalka konfur  Africaoo soo sara 118 tan oo dahab ah sanadkii dahabka koofur Africa hoos u dhac weyn ayaa ku yimaaday 80kii sano ee lasoo dhaafay tani waxay keentay in uu lumiyo kaalinta koowad ee africa oo ay hada haysato dalka Ghana wuxuu hoos u dhahay 100%18 

3- waxa ku jiro dalka Sudan oo sanadkii soo saaro 76..6 tan dahab ah celcelis ahaan balse dowlada suudan ayaa sheegatay mid intaas ka badan oo gaaraysa ilaa 200 tan in ay soo sooran mido sanado ah ayay ka mid ahayd wadamada ugu badan soo saro dahabka sanadlaha 

4- waa dalka Mali wuxuu sanadkii soo saara 71 tan oo dahab ah celcelis ahaan dalkaan ayaa dhaca waqooyi galbeed 

5- waxaa ku jiro congo oo ah targetka maanta qormadeena, wuxuu sanadkii soo saara cel celis ahaan 39 tan oo dahab ah 

6- waxaa ku jiro Tanzania oo cel celis ahaan soo saara 36 tan oo dahab ah marka laga soo tago in tanzania ay tahay dalka kaliya ee soo sara dhagaxanta ugu qaalisan dunida 

7- waxaa ku jira dalka Burkina faso oo cel celis ahaan soo saro 35tan oo dahab ah taaso inta badan doorwen ka ciyaarta dhaqaalaha dalkaasi 

8- waxaa ku jira dalka Zimbabwe waxa uuna cel celis ahaan soo saara 16 tan oo dahab ah laga soo bilaabo sanadii 2017kii 

9- dalka Ivory coastoo hadii si sax ah loo maamuli lahaa qofkasta oo dalkaasi kunoool ka dhigi kartay maal qabeen dalka Ivory coast sida wadamada dhaca galbeedka africa dhul balaaran oo hodan ku ah macdanta iyo waliba qeyraadka kala gedisnoo uu ku jiro dahabka wax soo saarka aya labo jibaar may in tii u dhaxaysay 13kii 15kii isoo kor u booday 23.5tan oo dahab ah, warshadaha ivory coast ayaa hela taakuleyn joogta ah 

10-Dalka Guinea oo sanadkii soo saarta 16 tan oo dahab ah, dahabka ugu badan dalka Guinea waxaa laga helaa dooxada ugu sareysa nature gobalkaasi juur ee waqooyi bari ee dalka guinea balse keydiisa waxaa lagu qiyaasa 70tan oo dahab ah 

Post a Comment

0 Comments