LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The most amazing country in the world, with many amazing laws and a strong decition president ,|Turkmenistan |Dalka ugu layabka badan aduunka

 The most amazing country in the world, with many amazing laws and a strong decition president,|Turkmenistan !

Caasimada dalka Turkimenistan wax yaalaha cajiibka ah ay leedahay waxaa ka mid ah si kasto aad oogu wareegto ma arkaysid guri uu midabkiisu uusan cadan ahayn xitaa gawaarida magaalada joogta dhamaantood waxay ka simanyihiin midabka cadaan ka ah, sababtu waa in madax weynaha dalkaan uu jecel yahay midabka cadaanka ah, taasi oo keentay dadka ku nool caasimada lagu qasbay adeegsigiisa kii ka madax adeegana wuxuu maraa ciqaab adag intaasi oo kaliya ma ahan, xitaa bilaha sanadka ee laga adeegsado dalkaan waa kuwo ka micno duwan bilaha aynu naqaano, xiligii uu madax weynaha ka ahaa  Saparmurat Niyazov bilaha sanadka waxaa lagu lifaaqay magacyada qoyska madax weynaha.

Tusaale ahaan bisha afaraad ee april waxay oogu magac dareen hooyada dhashay madax weynaha . madax waynihii talada haayay 15kii sano ugu dambaysay ka hor inta uusan ku wareejin inankiisa ma uusan ahayn madax weyne oo kaliya, wuxuu isku ahaa raysul wasaraha, gudoomiyaha sharci dajinta iyo taliyaha sare ee ciidanka ,madaxda dalkaani waxay caan ku yihiin soo saarista qawaanin layaab leh oo xiliyada qaar lagu tilmaamo dhaqamo caruureed 

Keydka dalkan 

Dalkaan ayaa leh keydka 4aad ee gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn caalamka hadana dadkiisu mar walba mar walba waxay wajahaan cunto yari, sabool nimo iyo nidaam kaligiis talisnimooo aad u sirgaxan.
Turkimenistan waa dal xiran oo dhaca bartahama qaarada eeshiya ''ASIA'', Wuxuu xuduud la leeyahay dalalka Iran,Afghanistan, kazakhstan iyo  Uzbekistan, bedkiisu wuxuu gaaraya 49000 o km square, waxaana ku nool dad ka yar 7m caasimada dalkana waa magaalada Ashgabat oo asal ahaan micnaheedu ulaabanayo luqada bershiyaanka oo ay ku noqonayso cish abaat oo ah magaaladii jecelka.

Turkimenistan waa dal ka mid ah 6da dal ee xorta ah ee ay leeyihiin dadka cirqigooda turkyga yahay sida Azerbaijan, kazakhstan, kyrgzstan, turkimenistan iyo uzbakistan, dalkaan wuxu leeyahay xadaarad ku qotanta isku xir adag oo k dhashay is dhaxgalka miiyiga iyo magaalada waana raad laga arki karo dhaqanka bulshoyinka dalkaan,qarniyadii dhexe dhulka turkamenistan wuxuu ahaa marin muhiim u ah jidka xariirta ee isku xiri niray ganacsatadii ukala gooshi jiray Bariga iyo galbeedka caalamka.

Raadad xaniun badan ayay kaga tagen dalkaan dagaaladii ey tataarka ku harqiyeen barthama iyo galbeedk Asia, silamid ah deeganka qabaabilada turkiga waxay qeybka ahaayeen ilbax nimadii islaamka ee sida xawliga ah ugu fiday bartamaha qaarada Asiaee soo saartay bartamo badan oo kamid ah culimadii waaweynaa ee diinta, bulsha turkimenistan suda rasmiga ah ee qoran intooda islaamka aha waa 93% inta islaamka ah, waxaana wali jiro dad miiyga fog jiro oo diimihii iyo caadoyinkii barshiyaanka ee hore  haysta.

Qarnigii 19naad iyon dalka Turkimenistan

qarnigii 19naad waxaa dalkaan xoog ku qabsatay boqortooyadii ruushka sanadkii 1925tana wuxuu ka mid noqday jamhuriyadihii sida xooga ah loogu daray midowgii soofiyeedka si la mid ah dalalka muslimka ah ee Asia yada dhexe ku yaala, kamid noqoshada soofiyedka waxa ay bulshooyinkaan u keentay inay koqdaan kuwo dib u dhacweyn ku imaado, waxaa saameyn ilaamanta laga joogo ku dhawaad 35 sano burburkii soofiyeedka ka muuqata dalalka turkida ee Asia yada  dhexe, tusaale ahaan hadii aad dhinic dhigto daalalka yurub ee soofiyeedka ku hoosjiray intooda badan maanta waa dalal furfuran oo dhaale ahaan iyo dad ahaan nolol fur furan sameeyaykana soo kabtay wax yeeladii uu soofiyeedka kaga tagay balse taas cagsigeed, dalalka Asia yada dhexe ee muslimka ah wali noloshoodu kama duwana sidii soofiyeedka intooda badan waxaa ka taliya dekteetaro ah kaadiriintii ka hartay soofiyeedka.

Tusaalaha ugu weyna waa dalka aynu ka hadleeno maanta ee turkimanistaan oo lagu tilmaamo dal godoon ah oo waxbdan aan ka duwaneen kooriyada waqooyi, waxaa intaa u dheer godoonkaan uu manta ku jiro uu yahay mid uu iskiis isku galiyay, si ka duwan kooriyada waqooyi mudo dheer ayuu dalkaan u haa soofiyeedka dal uu ka qaato shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah oo uu dalkaan hodan ku yahay.

Gaaska Turkimenistan

wax yaalaha ugu muhiimsan uu dalkan hodanka ka yahay waxaa kalmaha ugu horeeya ku jira gaaska iyo shidaalka dabiiciga ah ilaa mantana gaaska dalkan ee sanadkii lasoo saaro wuxuu gaara waa ku dhawaa 70 billion cubic miter, sadex meelood oo 2 ka mid ah waxaa loo iibgeeya ruushka, sanadkii 1991dii kadib burburkii soofiyeedka ayuu dalkaan ola soo noqday xoriyadiisa wuxuuna noqday jamhuuriyad madax banaan kahor dalwalbo oo kamid ah soofiyedka lahaa xukun hoosad u gaar ah.

Saparmurat Niyazov oo ahaa xiligii soofiyeedka madaxa turkimenistan ayaa noqday madax weynaha cusub wuxuuna talada hayay ilaa geeridiisii sanadkii 2006dii Niyazov wuxuu turkimenistan kusi hogaamiyay siyaasad u eg tii soofiyeedka xirxirnaan siyaasad ku dhisan kaligis talis musuq, ku tigrifal hantida dad weynaha iyo tilmaamkasta oo uu leeyahay hogaamiye kaligiis talis ah ayuu ku suntanaa ninkaan, waxaa intaa u dheera dhaqamo layaab leh mar ,mar caruurnimo u eg, marna waali lagu tilmaamo xiliyada qeebtoodana u eg inuu kala saari waayo maamulka dowlada iyo noloshiisa shaqsiga ah.

Wax kasta oo uu jecel yahay wuxuu ka dhigay sharci, wuxuu nebcaana waxa laga mamnuucay dalka oo dhan, dalka turkyga waxay kamaal ataturk u buxiyeen waliba barlamaanku ansixiyay in kamaal la siiyo magaca ''ATATURK'' oo la micno ah aabihii turkida, sapir niyazov isaguna wuxuu soo saaray sharci uu isugu magacaabay inuu yahay aabaha turkimenistanka wuxuuna la baxay turkimenbasher oo noqotay darajo magaciisa laga hormariyo ayqasabtahay, diiwanda rasmiga ahna kusoo baxa.

Sanadkii 2002dii wuxuu soo saaray xeer madax weyne oo uu ku bdalay magacyada maalmaha isbuuca iyo bilaha qaarkood wuxuu u bixiyay magacyada qoyskiisa sida bisha april oo uu ubixiyay magaca hooyadii qasabna ka dhigay in sidaas loo iibsado, qaraha oo uu aad u jeclaaayuu u sameeyay sanadkii maalin ka mid ah oo loo dabaal dago, maalinta qaraha  sidoo kale eyda oo uu necbaa ayuu mamnuuc ka dhigay in lagu arko caasimada iyo deeganada u dhow, mida ugu daran waa buug uu niyazov qoray oo uu ugu magac daray ''RUHAMA'' buuga ruuxda, buugan wuxuu ka dhigay waajib in lagu daro man hajka wax barashada sidoo kalna bulshada qasabku tahay in ay bartaan.

Qofwalba oo rabo in uu helo adeeg dawladeed in ay tahay in uu ka jawaabo wixii laga weydiiyo buuga Ruhama, taalooyin waaweyn aya buuga loodhisay wuxuuna amray in maktabadaha iyo masaajida la dhigo oo ay dadku aqristaan. sidoo kale wuu armay magaalo kasta in laga taago taalo asaga laga matalay oo dahab ah loo jeediyo dhanka qoraxdu kasoo baxdo si subaxdii arka qoraxdu ay soo baxdo ay u arkaan taalada dahabka ah, wuxuuna magaciisa raaciyay darajada ah madax weynaha aan dhicin 

Sanadkii 2005 wuxuu amray in la xiro dhamaan isbitaalada dalka marka laga reebo kuwa caasimada qofkii rabo adeeg caafimaadna waa inuu usoo safro ,mafaalada caasimada ah ee cishqi abaat.

Waxaa jiro dhaqamo layaab badan oo kwan an kuso shegay ka badan kuma soo koobi karo dalkaan dhaqamadiisa layaabka badan iyo madaxweynahaas.

Post a Comment

0 Comments