LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The leader who denied sleep to the kings of Europe, who had power over the sea for 60 years || hogaamiyihii hurdada u diiday boqorada reer yurub

 Ninkii hurdada u diiday boqoradii yurub, waxa lagu naanesaa libaaxii bada mediterranean sea.

Mudo dheer ninkii ka hortaagnaa inay saameyn ku yeeshan waqooyiga Africa, waxaa jirtay oraah caan baxday waqtigiisii oo ahayd doomaha iyo dakadaha yurub, ma jirikaraan inta uu joogo Barbaroosa badmaaxi xoreystay bada madoow ilaa bada mediterraneanka, nin kasoo jeedo qoys hurdada u diiday ciidamadii bada ee yurub ugu dambayn noqday taliyaha guud ee ciidanka bada khilaafadii cusmaaniyiinta iyo amiirka guud ee waqooyiga africa u qaabilsanaa cusmaaniyiinta.



Ninka aan ka hadleeno waa kheyrudiin barbarosa ee aan ku dulistaagi doono taarikhdiisa, waqtiyadii ka horeeyay xukunkii suldaan suleymaan alqaanuuni qilaafada cusmaaniyiinta awood badan kuma laheyn ciidanka bada inta badan duulanada ka imaada ciidanka nada dhaq dhaqaaqyadii saliibiyiinta waxay ka imaan jireen bada, waxaana xiligaas caan ahayd in la kireysto badmaaxe hubeysan oo ilaalisa maraakiibta sha''nadaha sida kahor inta uusan caalamka mar qura ku baraarugin awooda ciidan ka bada cusmaaniyiinta oo cirka isku shareertay.

halkii markii hore ay ka ahaayeen kuwo ka cabsi qaba in dhanka bada laga soo weeraro, waxay noqdeen kuwo iyaga laga baqo boqoradii yurubna hurdada u diiday.

So ifbixidii kheyrudiin barbarosa 

xiligaas waxaa soo baxay oo hogaanka u qabtay ciidamada bada muslimiinta taliye markii hore si gaat ah u leh ciidan badeed hubeysay oo la oran jiray kheyrudiin barbarosa, kheyrudiin waxa uu ku dhashay jasiirada lesvos, oo manta ku taal gereeca oo xiligaas hoos imaan jirtay khilaafada islaamka, aabihiis ayaa lahaa dooni uu laabaha ugu kala gudbiyo jaziiradaha kala fog halkaas ayayna kusafarka bada xirfad ooga yeesheen, isaga iyo sadex wiil oo ka weyneed asal ahaan waxay ahaayeen qoys isarkooda ka yimid gariiga turkey iyo albaaniyan waxayna lahaayeen timo casaan xigeen ah taasi oo keentay in lagu naaneeso magax bar baroosa oo marka la micneeyo noqoneysa ''Gar-gaduud ama gar case''.

waxaana markii hore magacaan caan ku ahaa aruush oo ahaa curadka reerka, waqtigii dambana waxay noqdeen dableey hubeysan oo maraakiibta ilaalo ahaan usii kireystaan si ay difaac ugu noqdaan, weeraradii  boqoradihii ka baxsanaa jasiiradaha dowlada cusmaaniyiinta ilaa markii dambe ay si toos ah askar u qorteen noqdeena kuwo hubeysan oo doomo waaweyn leh, waxay xiliyada qar aadi jireen deegan xeebedyada fog fog ee spain si ay halkaas uga soo daabulaan muslimiintii kasoo baxsaneysay dhulkaas kadib burburkii andulus, waana markii dhoorjeer bada maneteneanka isku dagaaleen ciidanka spain iyo kuwii reer barbaroosa.

waxayna ugu dambayn ciidankii reer barbaroosa ugu hubqaateen sidee ay dagaal ugu qaadi lahaayeen xulufadii spain talayaniga iyo faranciska ilaaa ugu dambayn ay ka saareen dhulka algeria,tunis, ilaa liibiya, kadib ay la wareegeen oo ay kadhiseen maamul oo ay iyaga ka taliyaan, waana markaan markii ay boqorad yurub ay sitoos ay u arken cabsida weyn ee kusoo wajahan, dagaal xoogan ayay kusoo qaadeen algeria waxaana dagaalka ku dhintay huruush barbaroosa oo ahaa hogaamiyihii ciidanka balse xulafadii yurubiyaanka ayaa ku guuldarestay inay algeriya iyo guud ahaan xeebaha waqooyiga ay gacantooda kusoo celiyaan.

Kadib geeridii huruush barbarosa 

geeridii hurush bar baroosa kadib waxaa la filaayay inay kala tagi doonan ciidankii xukunka spain sida yaabka leh kaga saaray algeria, balse ma dhicin sidii la rajeenayay waxaana xukunkiialgeria iyo bada la wareegay kheydar oo guushaas kadib suldaankii cusmaaniyiinta saliim kii koowad ubixiyay magaca kheyrudiin oo ay u raacday naaneestii qoyskaee ahayd barbaroosa, waxaana saaxada kusoo biiray ninka harsiga iyo huyaadka u diidi doona ciidamadii bada yurub ee kheyrudiin barbaroosa.

Ninkaan wuxuu ahaa ilaa yaraantiisa mid ku dhaxjira dagaalada doomaha iyo sida loo fahmi karo xeeladaha dagalka ee bada mudo 2sano ah uu xeebaha mendeteneanka uu u diiday ciidamadii yurub in ay helidooda ku riyoodaan, wuxuu cazuumad ka helayy Suldaan suleymaan oo waqtigaas xilka ku wareegay kadib geerida aabihiis Suldaan aliimkii koowaad, suleymaan ayaa aad usoo dhaweeyay Barbaroosa waxaaan lagu hishiiyay in ciidanka barbaroosa lagu daro ciidamada cusmaaniyiinta si loo xoojiyo awooda muslimiinta oo waqtigaas dagaal adag uu kaga imaanyay cidamadii spain iyo burtaqiiska oo doonayay in ay la wareegan dhulka waqooyiga Africa.

Damaanad buuxda ayuuna kala soo tagay istanbuul, kheyrudiin barbaroosa waxa uu mindi dhuunta kaga taagan ku noqday reer yurub, gaar ahaana safaradii ganacsiga, kuwii dhul raadiska ku dhisnaa iyo sigaar ah meesha ugudaran oo ahaa dagaaladii saliiniyiinta ay ku doonayeen qabsashada dhulka muslimiinta, oo noqday kuwo laga cabsaday, kadib saro u kacidii ee awooda ciidanka cusmaaniyiinta oo isku xirtay bada madoow ilaa bada mendteneanka.

Faatikaanka iyo ololihii ay abuureen

 faatikaanka oo arintaan aad ooga carooday ayaa abaabulay ololo diimeed lagu kicinaayo boqoradii yurub si loo helo ciidan weyn oo burbia ciidanka muslimiinta ee uu horkacaayo bar baroosa, waxaa soo shiraacday 120 doomaha waaweyn oo ay saaran yihiin 3000 kun oo madfac iyo  ciidan gaarya 6k oo askari waxaana kala hogaaminaayay bobkii faatikaanka iyo amiirkii jasiirada janawa oo hada ka tursan taliyaaniga, balse waqtigaas oo ahayd dowlad madax banaan oo dagaalada bada ku xoogan, halka ciidanka barbaroosa ay ahaayenkaliya  8k oo askarioo haystay 100 doomood iyo 300 oo madfac.

Ciidamadii gaalada oo awoodood aad kalsooni ugu qabay ayaa dhoor jiho kasoo weeraray ciidankii muslimiinta, qibrada barbaroosa uu uleeyahay dagaalada bada ayaa maalintan si weyn usoo caanbaxday, wuxuu baabi iyay in badan oo hubkii iyo domihii ay wateen cidamadii  yurubiyaanka isoo oo ay doomihiisa hal ka mid ah aysan waxba ka gaarin, 36 doomood ayauu ka qabsaday iyo 3k oo askari, amiirkii janawa iyo boobkii baxsashadoodii wuxuu sii ceersaday ilaa meer u dhow jasiirada malta.

Casharkaan lama iloowaanka ah ayaa joojiyay in mudo ah in yurub aysan ku riyoon wax weerar ah ay ku qaado dhulka ay ka taliso qilaafada cusmaaniyiintu, barbaroosana waxa uu taarikhda ku galay hogaamintiisii qab jabisay kuwii awooda is biday,wuxuu xukunkii yurub ka tirtiray dhulka qaarada Africa ee ku teedsan bada mendeteneanka sida tunusia, algeria,moroco, iyo jasiirado badan oo u dhow oo maanta hoostaga taliyaaniga iyo spain kadib guulan is daba joogay ee kheyrudiin barbaroosa waxaa loo dalacsiyay in uu noqdo amiirkii khilaafada ee guud ahaan waqooyiga frica iyo jasiiradaha udhow iyo admiraalka guud ee ciidanka bada cusmaaniyiinta.

Waxaa sidoo kale lasiiyay darajo maamuuseedka baasha oo mgaciisa la raaciyay, darajada baasha waxaa uu ahaa mgac lagu lifaaqijiray magacyada raga ugu sareeya dowladioi cusmaaniyiinta, waxayna ahayd darjo aan sahal lagu gaari karin.


Post a Comment

0 Comments