LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Siyaad Barre the 3rd president of somalia's, Patriot or Dictator? The Duality of Somalia’s Longest-Serving Leader" prt 1

Siad Barre the 3rd president of somalia's, Patriot or Dictator? The Duality of Somalia’s Longest-Serving Leader" prt 1

 Waxa uu ahaa madax weynihii 3aad ee somalia iyo midkii ugu xukunka dheeraa 21 sano ayuu ahaa hogaanka dalka iyo xoghayaha guud ee xisbiga hanti wadaaga  wuxuu lahaa sifooyin iska soo horjeedo wadani dalkiisa jecel hormar badan gaarsiiyay iyo hogaamiye dhisay ciidan baxad weyn leh, halka dhinaca kale uu ahaa kaligiis taliye  xukun jacayl ku sifeesan aad u neceb dadka ka fukirka duwan.



Maalin cad diyaaradihii dagaal dalka ku duqeeyay iyo dadkiisa, sidoo kale gudmugdi ah ku tuuray dalkii uu mudada dheer dhisaayay.

Qormadeena manta ayaan ku dul istaagi doona taarikhda muranka badan ee jaale siyaad bare.

Waqtiga iyo goobta uu kudhashay ila hada ma jirtoxog sax ah oo taariq yahanadu isku raacsan yihiin, diiwanka xisbiga kacaanka iyo xogaha kale taarikhda waxa u diiwan gashay in jaale maxamed siyaad barre in uu ku dhashay gobolka gedo sanadkii 1919kii halka taarikh yahanada kale ay qoraan in uu kudhashay aag laaska cal oo kamid ah deeganka loo yaqaano ceel gaab oo  maanta ka tirsan degmada shilaabo dowlad degaanka somalida 

Goorma ayay geeriyoodeen siyaad barre labadiisa waalid?

intii u dhaxaysay 1915kii iyo 1916kii labadiisa waalid ayaa geriyooday iyagoo aad u da''yar waxaana korimadiisa la wareegay adeerkiis xirsi barre, sanadkii 1933dii ayaa xirsi barre  lagu dilay dagaal reero dhaxmaray halkaas ayuuna markale ku waayay adeerkiis oo laf dhabar u ahaa noloshiisa sanadkii 1936dii  ayuu maxamed siyaad barre kasoo tagay baadiyaha waxa uu yimid dagmada dhuuso mareeb wuxuuna uga sii gudbay maaalada baladweyne.

Wuxu iska diiwan galiyay ciidamo tawabar ku galaayay xerada tawabarada ee baladweyne sanadki 1936dii markii uu tawabarka dhamaystay waxa loo wareejiyay magalada caasimada ah ee muqdisho, si uu tawabar dheeri ah uu u qaato waxaa la geeyay xerada ciidamada ee ku taalay degmada xamar jajab.

Gorma ayuu katgay shaqadiisa ciidan nimada, muxusa oga tagay?

Maxamed siyaad bare shaqadiisa ciidan nimo waxa uu katagay sanadii 1939kii kadib markii loo soo sheegay geerida labo adeeradiis ah oo kala ahaa Jaamac barre iyo Maxamed barre,  wuxuuna aaday deeganka ulasan oo ka tirsan degmada dhuuso mareeb oo ay qoyskiisa dagnaayen, sanadkii 1941, Markii uu enlishka kala wareegay awoodii dalka somalia taliskii taliyaaniga ee dagaalkii labaad dunida lagu jabiyay.

Maxamed siyaad barre wuxuu ku biiray ciidankii eglishka wuxuuna dalacaadi ugu horeysay oo ahayd alifle helay sanadii 1941 dii akifkii labaad wuxuu qaatay 1944tii waxaana wax barasho loogu diray dalka kenya nairobi dugsiga la yiraahdo genny school, tawabarkaasikadib ayuu noqday koormeeri koowad.

Markii talyaaniga uu dalka kusoo noqday 

markii uu talyaaniga uu dalka kusoo noqday maxamed siyaad barre oo saddex xarigle waxaa loo qaaday dalka talyaaniga sanadkii 1952dii tawabarkaasi ayuu ku qaatay Xidigtiisi ugu horeysay wuxuuna noqday sarkaal sanadkii 1955tii ayuu u dalacay labo xidigle.

2sano kdibna wxuu u dalacay darjada dhame,1958dii markii la dhisay ciidanka booliska soomaliyeed waxa siyaad barre loo magacabay taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed ee gobalka banadir kadibna wuxuu usii wareegay xafiiska guud ee ciidanka booliska soomaliyed.

Goorma ayaa ladhisay ciidanka xooga dalka soomaliyeed?

Waxaa la dhisay 12kii bishii 4rdsanadkii 1960kii waxaana taliye looga dhigay janaral daa''ud abdule xirsi Maxamed siyaadna waxa loo magacaabay taliye xigeenka ciidanka xooga dalka,

Dagaalkii Ethiopia iyo Somalia ee sanadkii 1964tii ciidanklii xooga oo markaasi waqti yar jira ayaa dagaal la galay quwadii Ethiopia si geesinimo leh ayayna oga difaaceen xuduudaha dalka, mudo kadib 1965tii Jeneral daa''ud ayaa xanuun oogu geeriyooday magaalada MOSCOW ee dalka Russia, Maxamed siyaad barre ayaana loo magacaabay inuu noqdo taliyaha ciidanka xooga dalka soomaliyeed, wuxuuna u dalacay darajada sareeye guuto.

Intii u dhaxaysay 1969kii ilaa 1969kii waxaa dalka ka talinaysay dowlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay, nidaamka siyaasadeed ee dalka ayaa ka koobna xisbiyo aad u tiro badan oo ku dhisnaa hab qabiil ah, hananka maamulka casriga ah oo somalda ku cusbaa iyo adeegsiga qabiilka oo aad u xooganaa, ayaa keentay dowladnimadii cusbayd ay noqoto mid habac sanan badan leh haylkii dowliga ahaa uu noqdo mid qabiilku uu sitoos ah uga dhax muuqdo .

Dilkii madax weynihii dalka cabdirashiid ali sharmaake 

wuxay arintii qaraaratay october 15keedii 1969kii markii magalada laascaanood lagu dilay madax weynihii dalka abdirashiid ali sharmaake, dalkuna uu galay qalqal amni oo aad u xooganaa, ciidan ka qalabka sida aayaa faruqa maamul ee dalka ka dhacay  ka faa ideystay waxayba 6 maalmood uun kadib geerida  madax weyne abdirashir ali sharmake, gaar ahana 21/10/1969 kii taladii dalka ay afgambi kula wareegeen, waxaa afgambiga hogaaminaayay 20 sarkaal oo xooga dalka soomaliyeed ah iyo 5 sarkaal oo boolis ah.

Waxayna ku dhawaaqeen in dalku uu galay gacan militaryxukunkana ay la waregan ciidamada qalabka sida waxaa la kala diray baarlamaankii dastuurkii ayaa meesha laga saaray waxaana la mamnuucat xisbiyadii siyaasada, madaxdii dawladii rajidka ahaydna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dadweynaha ayaa kusoo dhaweeyay caleemo qoyan iyo reyn reyn ,ciidamadii qlabka siday oo hormuudka u ahaa afgambiga waxayna u arkeen talaabo geesinimo leh oo hore looqaday.

  Ciidankii hogaanka la wareegay ayaa ku dhawaaqay golaha sare ee kacaanka uu hogaaminaayay jaale maxamed siyaad bare kuwaasi oo noqonaya hayada ugu sareysa dalka, sidaasi ayayna taladii ooga baxday faraha shacabka nidaamkii dimuqraadiyadeed ee curdinka ahaana meesh looga saaray 

Sadax bilood kadib maxaa dhacay?

Sadex billod afgambigii kadigaasi waxaa la yagleelay hay ada nabad sugida qaranka soomaliyeed waxaana madax looga dhigay xubin ka tirsan golaha sare ee lacaanka oo ahaa Ahmed saleban dafle, sidaaso kale waxa la sameeyay maxkmada sare ee qaranka waxaana garsoorayaal ka ahaa xubno ka tirsan golihii sare ee kacaanka, sidoo kale golihii kacaanku.

waxay sameeyen golo waziiro ah oo rayid ah oo lagu xulay aqoon iyo karti ''waxaan lagu dhawaaqay in shaqaalaha dawlada  lagu dooran doono maxaa taqaana ee aan lagu saleen doonin yaad taqaana'',Shacabka ayaa ku farxay dardarka xooga leh uu kacaanku lasoo shaac baxay.

Falsafada uu kacanka ku shaqeynaayay.

Falsafada uu kacaanka ku shaqay naayay waxay ahayd hanti wadaag, lgasoo min guuriyay fayla suufyadii KARL MAXL  oo germalka u dhashay, iyo Vladimir Lenin oo ahaa aasaasihii midowga soofiyeedka,wuxuu fikirkaan ku dhisnaa hab dadku ay isku dawaqad  yihiin, wax kastana ay dowlada leedahay.
Waxaa la hergaliyay nadaam iskaa wax u qabso ah oo lagu dhisay wadooyin, dugsiyo, xarumo bulsho, iyo cisbitaalo......

Lasoco qeyta xigta oo tan ka xiiso badan...


Post a Comment

0 Comments