Siad Barre the 3rd president of somalia's, Patriot or Dictator? The Duality of Somalia’s Longest-Serving Leader" prt 2
Waxay inoo maraysay xalqadii kowad iyaduu la sameeyay nidaam iskaa wax u qabso ah oo lagu hirgaliyay wadooyin, dugsiyo, xarumo bulsho iyo isbitaalo, sidoo kale dowladu waxay lasoo wareegtay maamulka faro ku haynta bangiyada iyo shirkadaha muhiimka ah war shado wax soo saran waala hirgaliyay , waxaa hormar ,uuqdo lagu sameeyay wax soo saarka wadanka, dhaqaalaha, wax barashada, caafimaadka iyo shaqoyinka ayaa si xawli ah u kray.
Somalia ayaa noqotay dal ka dhax ifaya dalalka qaarad Africa, dhinac kastana hormar ka samaynaya, ciidanka xooga dalka ayaa si fiican loo hor mariyay waxay noqdeen kuwo aad u awood badan qaarada Africana kaga jiro safka hore dhanka tayada, qalabka awooda ciidanka intaba
Kacaanka hortiis wadanka .
Kacaanka hortiid waxaa wadanka wax lagu qori jiray oo xafiisyada dowlada ka shaqeyn jiray waxna lagu baran jiray afaf kala gedisan, sida Carabi ,taliyani,iyo enlish, maamulkii kacaanka ayaa magacaabay gudi kasoo talo bixiya qorida afsomaliga oo ka koobnaa 21 xubnood doodo iyo aragtiyo kala duwan kadib waxaa la meel mariyay in la qoro farta rasmiga ah ee luuqada somaliga, waxaana bilowday ololo lagu baahinaayo qoraalka farta somaliga, ololuhuu wuxuu bilowday bishii 3aad sanadkii 1974tii si loo helo awoodii shaqaale ee howsha qaban lahayd .
Dugsiyadii ayaa la fasaxay mudo halsano ah kudhawaad 1 milyan iyo 300kun oo qof oo isugu jiro ardeydii dugsiyada iyo macalimiintii ayaa lo kala diray daafaha dalka gaar ahaana baadiyaha si ay u baraan dadka baadiyaha ku nool u baraan far somaliga sidoo kalana sare loogu qaada heerka qorista iyo aqriska ee dadka somaliyeed, dhanka kale kacaanka kahor wax barashada waxa ay ku koobneed in yar oo u badan dadka talada haya iyo dadka maal qabeenada ah, dugsiyada dalka ka dhisnaayeena aad ayay u koobnaayeen mana jirin aqoon heer jaamacadeed ah oo ka jirtay gudaha dalka.
Sibaayaha loo daboolo waxaa la furay jaamacadii Umada soomaliyeed oo 15 kuliyadood ka koobneed, wax barashadii waxaa laga dhigay lacag la''aan waxaana la dhisay dugsiyo badan hormaradaan baaxada leh waxaa lagu gaaray intooda badan 7dii sano ugu horeysay ee kacaanka, amaanta ugu weyna waxaa qaatay hogaankii kacaanka oo ahaa jaale maxamed siyaad barre, wuxuuna noqday halyeey umada usoo baxay waqti ay u baahneed.
Dagaalkii 1977 soamlia iyo ethiopia
Marka laga soo tago hormarka baaxad leh ee uu dalka gaarsiiyay hadana maxamed siyaad barre waxa lagu sifeeya inuu ahaa kaligiis taliye misna neceb dadka ka aragtiyo duwan, bilowgii horeba waxay is qoonsadeen saraakiil ka mid ah kuwii ugu saameynta badnaa madaxdii kacaanka labo sanad kadib curashadii kacaanka, maxamed siyaad wuxuu xiray dadkii ugu sareeyay kacaanka , sida general Salad kaba yare iyo general maxamed ceynaanshe, labada ninba waxaa laga saaray golaha sare ee kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay gaaradadii ay heysteen, markii dambana labadooda waxaa lagu toogtay iskuul buluusiya.
Waxaana lagu eedeeyay inay ka soo horjeesteen mabaadiida kacaanka, jaale siyaad bare wuxuu si indho la aan ah u qaatay afkaartii shuuciyada oo markaasi si xad dhaaf ah oogu baahaysay dunida sadexaad.
Jaale siyad barre iyo xeerkii ay la fajaceen dhaman umad somliyed
sanadkii 1975tii ayuu soo saray xeerka qoyska kaasi oo simay dhaxalka qoyska raga iyo dumarka, sidoo kalena qeexayay shuruucyo badan oo maqaasida diinta lid ku ah shacabka ayaa aad u kacay kana dhiidhiyay arinkaan cusub, culimada ayaa diday xeerkan cusub ahaana kuwa oogu badan diiday xeerkan, 10 ka mid ah kuwii ugu cad cadaa ayaa lasoo istaajiyay maxkamada bad baadada qaranka, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.'
Halka 18 klena lagu xukumay xabsi 20 ilaa 30 sano u dhaxeeya 23kii bishii koowad 1975tii raadiyow muqdishoo ayaa laga siidaayay war argagax leh, in dil toogasho ah lagu fuliyay 10kii wadaad ee max kamada badbaadda qaranka ku xukuntay dil toogasho ah, kadib guul daradii dagaalkii 1977dii waxaa dalka soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed, xaga dhaqaalaha wxaa si xad dhaaf ah u batay deymihii dibada iyo kuwii gudaha, waxaa meesha ka baxay kalmadii dhaqaale iyo midii military e midowgii soofiyeedka, gudaha dalka waxaa bilowday guux dadweyne iyo caro xaga ciidanka ku baaxday 1978dii waxaa dhicisoobay afgambi lala maaganaa in lagu wiiqo xukumadii siyaad barre.
Waxaana la toogtay 17 ka id ahaa ragii afgambigaas lagu toohmay, wixii xiligaas ka dambeeyay dalka wuxuu galay jahwareer siyaasadeed iyo jabhado dagaal ku ah dowlada, maxamed siyaad barre ayaa wajahay waqti aad u adag oo ku aadan dib u dhac ku yimaaday saaxibadii caalamiga ahaa ee ay lahayd somalia iyo arimahii dibaoo hoos u dhacay, dhaaqalaha dalka oo burbur ku dhawaaday iyo nolosha dadweynaha oo ciriiri aad u blaaran gashay, sanadihii 80meeyadii ayaa waxa si qeeb qeeb ah u daciifay tiirarkii dowladnimda sida amniga cadaalada xaka meynta dhaqaalha maxamed siyaad barre oo aan ahayn mid ku suntay xatooyada xoolaha dadweynaha ayaa hadan awoodi waayay boobkii hantida dadweynaha ee sida xowliga ah ku socotay.
Qabyaalada ayaa gaartay heerkii ugu sareysay, rerkasta waxa uu samaystay jabhad magac qabiil ah huwan oo dagaal kula jirto xukunkii jaale maxamed siyaad barre, gadoodka ugu badan wuxu ka dhacay goblada waqooyiga ee dalka wuxuna halkaas dagal adag ku dhaxmaray dadkii deegaankaas iyo ciidankii dowlada ee ka amar qaadanaayay siyaad barre, maxa,ed siyaad barre ayaa awood xad dhaaf ah u adeegsaday goblada waqooyi iyo oo aan loo kala meel dayin ciidan iyo shacab tooona.
Diyaaradihii ciidanka soomaliyeed ayaana duqeymo arxan daranm loogu geystay magaalooyinka iyo tuloyinka deeganadaasi, shacab aad u bahan oo aanan waxaba galabsan ayaa si arxan daro ah loogu gumaaday halkaasi, bilowgii sanadkii 1990kii maamulka dalku wuxuu ahaa mid qalfoof ahaan un u jooga dalka meel kastana waxa laga daree mayay musiibada soo dhow iyo mugdiga sii baahaya , dilka iyo fowdada ayaa caadi noqtay, jabhadihii aya magaalooyinkii waaweynaa irdaha u fadhiistay, macluusha iyo dhaqaali yarida ayaa dhaxdka sii dhaaftay...
0 Comments