LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Story Of Waterman and Wisdom King Great Novel Qiso dhaxmartay wiil yar iyo nin xakim caqli badan qiso cajiib ah Part-2

 Qiso dhaxmartay wiil yar iyo nin xakim caqli badan prt-2 

-Waxay inoo maraysay qeytii koowad isoo qodaya buurta si uu u gaaro gunta hoose buurta inta aan lagu gaarin xiliga jiilalka ama xiliga qaboowaha ah, laakin nasiib xumo howsha ma ahan howl uu qaban karo qof kaliya wuxuuna ku qasbanaaday in uu helo shaqaale la shaqeeya balse xiligaas ma ahan xili la raadsan karo shaqaale waayo waxaa bilowday xiligii jiilalka shaqadiina halkaas ayuu ku joojiyay wuxuuna go''ansaday in uu suuqa ka shaqeysto inta laga gaarayo xagaaa, si uu u helo lacag uu ku masruufo shaqaalaha la shaqeynaayo ama buurta la qodaayaan micnaha xiliga jiilalka uu suuqa ka shaqeysto xiliga xagaagana uu buurta qodo.

Cidna muusan u sheegin arinkiisa oo in buurta uu ku wado qodmo ilaa uu gunta ka gaarayo ama halka uu doonayo inta uu buurta qodaayay waxa uu masruufanaayay aerigii tirada badnaa waxaa arigii kasoo haray labo neef oo kaliya wuuxna dhaxda u xirtay in arigaan uu balaariyo waxna uu ku daro dadkiina waxa uu usoo bandhigay qibrado aad u cajiib ah oo uu ka dhaxlay ninkii caaqilka ahaa si uu u helo dhaqaalo faro badan maalin iyo habeen ayuu shaqeynaayay lacag kasta uu helana wuxuu ku iibsanaayay ari si uu shaqdiisa u balaariyo.

Wuxuu samaystay xoolo faro badan si uu ugu masruufo shaqaalaha uga shaqeyn doono buurta qodisteeda waxaa lasoo gaaray xiligii xagaaga ee ay qodi la haayen buurta, wiilkii iyo shaqaalihiiba waxay bilaabeen in ay qodan buurta waxay qodeen godad badan laakin waxaa lasoo gaaray oo dhashtay xiligii jiilalka waana xili qaboowe ah oo aan waxba la wadi karin halkii yay ku joojiyeen markale wuxuu naftiisa ku dhahay intaan msii qodi kartid si aad u gaarto gunta hoose waa inaad heshaa shaqaale faro badan.

Balse wuxuu go''aansaday in uusan niyad jabin ilaa uu kagaarayo hadafkiisa sanadkii xigay wiilkii waxa uu sii noqday taajir hantidiisii wey siyaaday wuxuu ku guuleystay ganacsigiisa, markale waxaa lasoo gaaray xiligii xagaaga ee qodi lahaayen godka shaqaalihii ayay badsaday wuxuu rafadaba sidii ookale xiligii qaboowaha ayaa kusoo galay iyagoon wali waxba gacanta kuhayn laakin asaga marna maankiisa muusan galin in uu quusto, mudo sanado ah ayuu sidaas ahaa wuu tagayay shaqaalo faro badan ayuu geynaayay laakin wuxuu soo labanayay asagoon waxba soo faaiidin.

Hada wuu haystaa lacag faro badan uu noloshiisa ku maareeyo waana hantiile kaliya wuxuu iska ilaalinaaaya in uu quusto sanado kadib waxaaa imaaday sanadwato musiibo wato qabow iyo roobab mahiigan ah iyo fatahaadyo badan xitaa cuntadii la cunaayay ayaa yaraatay dadkii ganacsatada ahaana waxay bilaabeen hal siyaasad taa oo ah inay hanti wadaagaan waxay haystaana ay isku darsadaan intii wax haysatayna wey is raadsadeen balse waxaa meel cidlo ah soo istaagay dadkii masaakinta ahaa ee fuqarada ahaa.


Wiilkii waxa uu dhax istaagay caqabad mar waxa uu fiiriyaa dadkii masaakinta ahaa marna waxa uu fiiriyaa siyaasadan cusb ay dag sadeen ganacsatadii ma wuxuu badbaadin doona naftiisa oo kaliya si uu ooga gudbo sanadkaan musiibada ah ise waxa uu sameendoona sida ay dadka kale ganacsatada ah ay sameeyeen wiilkii wey u cuntami weyday inuu sameeyo sida ay ganacsatada sameeyeen, wuxuu dhaxda u xirtay siduu uu ugu gargaari lahaa dadkaan masaakiinta ah wuxuu iiyay cunta iyo gargaar wuxuu bilaabay sayaasad kale oo gaar ah, raashiinkii uu iibinaayay oo dhan ayuu qiimahooda hoos u dhigay dadkii ganacsatada ahaana waxay ku qasbanaadeen iyagana in ay sidaas si la mid ah aya sameeyaan sababtoo ah hadii ay sidaa sameyn waayan waxay weynayaan dad wax ka iibsadaan.

Intaas kadib wiilkii waxa uu kasbaday quluubta cid kasta oo magaaladii kunooleed intaa ka dib waxaa laga baxay sanadkii qlafsanaa waxaana la galay xiligii xagaaga ee ay qodi jireen godka laakin waxa dhacday arin ka badalan tii hore waxaa u imaaday nimankii magaalada joogay oo dhan waxay ku dhaheen dhamaanteen waxaan diyaar u nahay in aan kula qodno buurtii aad qodeysay sanadihii lasooo dhaafay wiilkii ayaa ka ogolaaday waxayna isku raaceen dhankii buurta waxay bilaabeen in ay qodaan oo wey qodeen oo qodeen waxay qodaayeen maalmo isdabo joog ah ninkamid ah dadkii wax qodaaayay ayaa dhahay soo carar waxbaan arkee wiilkii iyo dadkii ayaa xagiisa usoo cararay.

Waxay arkeen god yar wuxuu geynayaa gunta hoose ee buurta wiilkii yraa ayaa galay godkii waxaadba moodaa in uu royoonayo waayo wuxuu helay wax uu sanado badan usoo harjadaayay laakin wiilka madoonayo lacag waayo asaga ayaa heysto lacag kaliya waxa uu doonayay in uu oofiyo balankii ninkii xaakimka ahaa iyo in uu arko hantida ugu qaalisan ee halkaan ku jirto wuxuu arkay sanduuq yar oo ku jiro godkii wuxuu gartay in uu helay wixii uu raadinaayay sanado badan sanduuqii ayuu furay si taxadar iyo cabsi ku dheehan tahay qofkastana waxa uu u hanqaltaagaya waxa ku jiro sanduuqa dhaxdiiisa laakin maxaa laga helay sanduuqa?

Waxa hudihiisa ku jiray sanduuqa koob malab ah iyo warqad!! hada waa wixii uu sanado badan uu usoo rafaadayay intaas oo shaqaalo ahna uu usoo kaxeystay kaliya wuxuu noqday warqad iyo koob malab ah, warqada waxaa ku qornaa ''wiilkeyga hadii aad aqriso warqadaan waxaad heshay waxa dunida ugu qaalisan sanduuqan aad heshay waa sidii lacagta oo kale waan ogahay inaadan u baah neen lacag laakin halkaan waxaad ka gaartay guul midii ugu sareysay fiiri hareerhaaga dhamaan dadk ku nool magaalada dhamaantood adiga ayay ku jecelyihiin.

Qofkastana adiga ayuu ixtiraam kuu hayaa sida wanaagsan aad oola dhaqantay awgeed iyo xikmadii quruxda badneed aadku maamushay awgeed waax ku kasatay jeceyl iyo ixtiraam wiilkeygiyoow wax la tabcado waxa ugu wanaagsan dadka intaad nooshahay dadka waanaji si badalkeeda laguu wanaajiyo garab istaagna aad u hesho markaad garabka u baahan tahay.

Inaad sheeko qorto waqti galiso u dhafarto ma ahan wax yar  ama wax sahlan waayo waxa aad bixinayso waa energy kuu dheertay inaad saacado aad dul fadhido computer, maba xumo inaad waqtigaas oo dhan aad bixiso hadd haysato had kugu dhiiro galiyo waxaad kasii qaadi lahayd firfir cooni dheerad ah, marka aqyaarey hadii qormadan idin soo gaarto website ka ii share gareeya hadii fikir ama su''aal aad qabtaan xaga midig whatsappka saaran igala soo xiriira appyada kala duwan ee social media igu share gareeya idinkoo mahad sanan amar ma ahan waa codsi salan gobeed

MAHAD SANIDIIN

DHAMAAD 

Post a Comment

0 Comments