LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qiso dhaxmartay wiil yar iyo nin xakim caqli badan qiso cajiib ah Part-|| A story Of a Young Boy and a Wise King

Qiso dhaxmartay wiil yar iyo nin xakim caqli badan a story of a young boy and a wise king prt-1

Qiso dhaxmartay will yar oo faqiir ah iyo nin xaakim ah oo caqli badan ahna nin alle uu ku maneystay  hanti xoolo iyo beero wiilkana waxa uu kasoo jeeday qoys faqiir ah sidoo kalena tuuladii uu kasoo jeedayna tuulo ay ku nool yihiin dad fuqoro ah aabihiis subaxii ayuu guriga ka tagaa siuu u usoo helo wax ay cunaan qoyskiisa oo ka kooban wiilkan yar iyo hooyadiis subixii ayuu baxaa si uu  usoo shaqeysto galab gaabadkii ayuu soo caraaba wuxuu mudo sidaa u harjadaba mudo sanado ka dib aabihii waxaa ka daba timid da oo wuxuu noqday odey waayeel ah wuu xanuusaday ugu dambeyn xanuunkii ayuu la geeriyooday.

Wuxuu geeriyooday asagoon qoyskiisa wax hanti ah ooga tagin qof u sheqqyana ma haystaan wiilkii yaraa talo ayaa ku cadaatay qoyskii asaga iyo hooyadiis ayaa isugu soo haray hooyadiisna waxay ahayd qof waayeel ah mana aysan awoodin in ay shaqo aado, wiilkii waxaa usoo baxday inasaga uu qoyskiisa uu masrufooouu dhaxda xirto madama uu aabihiis geeriyooday wiilkii waxa uu kagay tuuladii waxa uu aaday tuuladii dariskiisa ahayd si uu usoo shaqeysto maalinkasto waxa uu aadi jiray wadooyinka magaalada wuxuu ku meereysan jiray suuqyada si uu u helo shaqo uu ku masruufo hooyadiis iyo naftiisaba lakiin dadka markasto waxa uu kala kulmayay hal jawaab oo kaliya.

Waxay ku oran jireen adiga waad yartay waxba inooma qaban kartid, wuxuu bilaabay in wadooyinka uu istaago asagoo ka quustay noloshii oo dhan wxuu fadhiistay mid ka mid ah luuqyada magaalada asagoo la oynaayo isagoo la oynaayo dhibaatooyinka uu nolasha kala kulmay iyo da''yarida lagu ciilay,maalinkaa ka dib ayuu wiilkii isga tagay magaaladii wuxuu dib oogu noqday tuuladii uu ka yimid, markii uu kasoo fogaaday magaaladii tuuladiina uusan gaarin wuxuu bananka magaalada kula kulmay wiil dhalin yaro ah kaas oo daajinaayo ari.

Intuu isgay ayuu wiilkii ariga daajinaayay ku yiri walal ilaah ayaan kugu dhaarshee yaa iska leh arigaan i tusi cida iska leh arigaan waxaa laga yaaba inuu i adeegsado oo uu ishaqaalesto xitaa ha isiiyee xabad rooti ah oo aan ku masruufo hooyadeey ari jirihii ayaa ku yiri'' arigaan waxaa iska leh nin maskiin ah oo caqli badan kaas oo dagan magaalada waanin ay jecelyihiin dadka magaalada waana nin ladan haysto hanti badan, dabadeed ari jirii wuxuu ku dhahay hadad arigaan ila wado oo ila caraabiso aniga ayaa ku geynaayo guriga mulkiilaha arigaan.

Wiilkii yaraa ayaa ku dhahay waayahay maxaan ku diidaya arinkaan mudom waxay socdaanba waxay tageen magaaladii waxaa loo geeyay ninkii lahaa ariga, wuu soo dhaweeyay wiilkiiwuxuu ku dhahay beerteyda ayaad ka shaqeynaysaa , wiilkii inta uu farxay atyuu wuxuu ku dhahay waayahay, lacagta kuu ka helo wxuu u dirijayay hooyadiis si ay u masruufato, wiilkii waxa uu u shaqeeyay si aan caadi ahayn shaqadiisa ayuu ku mintiday wiilkii wuxuu arkay in ninkaa u leeyahay fikrado fiican oo guuleysta dadka magaaladana ay la dhacaan wiilkii waxa uu isku dayay in ninkaan caqliga badan uu ka barto fikradaha iyo caqliga saliimka ah ee uu leeyahay uu usoo bandhigayo dadka wuxuu ninka caaqilka ah uu la shaqeynayay mudo sanad ah, mudadaas waxa uu caaqilka ka bartay fikrado wan wanagsan iyo xeelado, sida wax loo beero sida wax loo xanaaneyo iyo fikrado kale oo nolosha quseeyo.

Malinkii dambe ninkii lahaa ariga waxaa kusoo booday xanuun mudo yar kadib wuxuu u geeriyooday xanuunkii balse waxa uu ka tagay warqad oo uu u reebay wiilkii faqiirka ahaa waxaa warqada ku qornaa, ''wiilkayga sanadkii aad iishaqeynaysay waxaan kaa arkay inaad tahay wiil runbadan amaanadka ku ad adag intaa waxa dheer inad tahay wiil run lagu qarsan karo malihi wiil wax iga dhaxlo balse waxaan rumeysanahay inaad tahay mid wax dhaxlo kan ugu qiimo badan, magaalada banankeeda waxaa ku taalo buur weyn oo kasamaysan dhagax gudaheeda waxa ku jiro waxa ugu qaalisan hadii aad si xeel dheer ah u qodo waad heli doontaa waxa aan kuu sheegay''.

Laakiin shardi ayaan kugu xiraaya marna ha quusan hana murugoon ku dhaqaaq wiilkii waxa uu dareemay murugo saa id ah waxadba mooda in uu geeriyooday qof familkiisa ah wuxuu qaatay faaska wax lagu qodo wxa uu u jeestay buurta uu u tilmamay caaqilkii wuxu bilaabay in uu la dhaco faaskii buurta si uu u qodo buurta guntana uu u gaaro wuxuu qabsaday in lagu gaarin xiliga jiilaalka ama xiliga qaboobaha 


Another funny story, Sheeko kale oo qosol badan

Nin boqor ah ayaa hada ka hor waxay dadka ku xaman jireen in naagtiisa ay u taliso, ninkii boqorka ahaa ayaa maqlay arinkii  laga sheegay boqorka oo ay dad badan hadal hayaan, maalintii dambe ayuu isugu yeeray ragii joogay magaalada oo dhan, wuxuu ku dhahay labo saf kala gala ,safka koowad inta ay xaaslooda ay u taliso ha galaan, inta ayaga xaasaskooda utaliyaana safka labaad ha galaan.

Ragii oo dhan waxa ay galiin safkii koowad, matka laga reebo hal nin oo geesinimo iska baaray oo galay safka labaad oo ah raga xaasaskooda u taliya, boqorkii ayaa siiyay min hal ukun ragii safka koowad ku jiray, ninkii kaligiis safka koowad taagna wuxuu ugu deeqay in uu kala doorto sadex faras midkood oo midba midka kale ka quruxda badan, waxayna kala ahaayeen sadexda faras, mid cad, mid madow, mid kafee ama qaxwi ah.

Ninkii wuxuu doortay midkii kafayga ahaa  waana lasiiyay wuxuuna la aaday gurigiisa, markii uu gurigiisa la aaday xaskiisa ayaa waxay ku tiri maanta faras ayaad wadaa ee halkee ayaad ka keentay, wuxuuna oogu jawaabay anigu waxaan ahay ninka reerkiisa u taliya sidaas adarteed waxaan soo qaatay faraskaan, wuxuuna boqorka ikala dooradsiiyay sadexfaras midkood midkaan ayaan doortay boqorkuna wuu isiiyay,xaaskiisa waxay ku tiri faraska wuu qurux badan yahay balse waxad kusoo bixi lahayd faraska cad hadad soo qaadan lahayd.

Ninkii ayaa yiri dhib malahan hada ayaan soo badalanaayaa, wuxuu kusoo noqday boqorkii wuxuuna u sheegay in faraskaan loogu badalo faraska cad, boqorkii ayaa weydiiyay sababta isbadalka keentay, wuxuuna oogu jawaabay in ay xaaskiisa ku tiri midka cad ayaad ku fiican tahay, boqorkii wuxuu ninkii kaqaaday faraskii kafayga ahaa, wuxuuna siiyay xabad ukun ah, kkkk

lasoco qeybta xigto mahad sanid Part-2 ....

Post a Comment

0 Comments