LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

A wonderful story, a proud king and a wise minister || Boqor kibir badan iyo waziir caqli badan

 A wonderful story, a proud king and a wise minister || Boqor kibir badan iyo waziir caqli badan

Qisadan waxay ka hadlaysaa cafinta dadka hadaba qisada wxay ku bilaabanaysaa sidaan.

Beribaa waxaa jiray boqor aad u kibir badan manaxe ah aanan aqoon wax cafin ama naxariis la dhaho, maalin maalmaha kamid ah ayaa boqorku wuxuu amar ku bixiyay in saldhiga boqortooyada lagu soo xiro toban eeyo oo dadcun ah hadafkiisa ama hadafka uu ka leeyahay eeydaan dad cunka ahna waxay ahayd in uu ku tuuro cidkasta oo boqortooyada qalad ka gasho ama asaga kasoo horjeesta ilaa uu ka dhinto taasina waziiradiisa ama dadkii u dhawaa waxay u noqotay ciqaab ilaa ay wiiziiradiisa ay k noqdoon kuwo si daacad ah ugu shaqeeyo had iyo jeerna waxay ahaayeen kuwo awaamirtiisa si sax ah u adeeco.

Maalin maalmha ka mid ah waziir u dhow ugow boqorkii ayaa ka hor yimid hadaladiisa ku saabsanaa arimaha boqor tooyada boqorkii ayaa carooday wuxuuna ilaaway in waziirka uu ahaa mid u dhow kagana dhawaa dadkoo idil wuxuuna amar ku bixiyay in lagu tuuro meesha eeyada dad cunka ahaa, waziirkii ayaa rumeysan waayay amarkii boqorka silaayab leh oo ay cabsi weheliso ayuu ku dhahahay boqorkii, boqoro keygiyoow waxaan kusoo shaqeynaayay mudo ka badan toban sano10 markastana waxaan ahaa mid qaato awaamiir taada kuna adeeco.

Hada ma waxaad sidaan iigu samaynaysaa rayiga kaliya aan dhibtay? miyaadan xasuusan wanaagii faraha badnaa aan kusoo sameyn jiray si''aad iig aabaak mariso wanageygii hore micnaha wuxuu ka wadaa i cafi madama aan wanag badan hore kuugu soo sameeyay wuxuu intaa u raaciyay miyaadan xasuusan xadiiskii nabigeena muxamed nabad galyo iyo naxariis alle korkiisa hayeelee{ Qofkii wax wanaag ah idin sameeyo awaalmariya hadii aad weysaan wax aadku abaal marisaan uduceeya} boqorkii ayaa aad u dhagaystay hadalkii waziirka wuxuu ogaaday waxa uu ku hadlaayo waziirka in ay yihiin wax sax ah, laakin cabsi uu u cabsanaayo in ay sharaftiisa hoos u dhacdo go''aankiisii kama usan laaban.

waziirka muxuu ka codsaday boqorka

Waziirkii ayaa waxa uu ka codsaday boqorkii mudo toban maalmood ah inta uusan fulin xukunkaan boqorkii ayaa aqbalay codsigii waziirka, waziirka waxa uu aaday meeshii lagu xanaaney naayay eeydii dad cunka ahaa ninkii ilaalinaayay eyda waxa uu ka codsaday in mudo 10 maalmod ah uu wax siiyo eyda ninkii waardiyaha ahaa ayaa la yaabay waziirka waxa uu ka codsanaayo ninkii waardiyaha ahaa waxa uu qaatay fasax mudo toban cisho .

Waziirkii waxa uu bilaabay in uu ilaaliyo eydii oo uu quudiyana oo uu siiyo waxkasto ay u baahan yihiin kadib waxaa is guray oo dhamaaday tobankii maal mood waxaa dib usoo laabtay waardiyihii, boqorkiina waxa uu amray in xukunka lagu fuliyo waziirka kadib waxa lagu tuuray xeradii ay ku jireen eeyada dadcunka ahaa boqorkii iyo xubnahii la socday waxay sugaayeen eeyda gaajeesan sida ay yeelidoonan waziirka, waxaa dhacday arin layaab leh eydii dad cunka ahaa waxa ay yimaadeen waziirka agtiisa iyadoo aanan wax dhaawac ah aysan gaarsiin waziirka.

Boqorkii ayaa aad oola yaabay arintii meesha ka soctaywuxuuna amar ku bixiyay in waziirka lasoo saaro markii hortiisa lasoo istaajiyay ayuu weydiiyay boqorka maxaad ku samaysay eyda?, waziirkii ayaa ku jawaabay boqoroow eydan waxaan wax siinayay mudo 10 cisho kaliya mana aysan iloobin wanaagii aan usoo sameeyay balse adiga waxaan kusoo shaqeynaayay mudo ka badan 10 sanowax kasto oo aan kusoo sameeyay waxaad ku ilowday ilbiriqsiyo marna ma xasuusan wanagii an kusoo sameeyay waxaad tirtirtay wixii fiicnaa ee na dhaxmaray waxayna ahayd inaad cafis ii fidiso alle kutaabkiisa qur aanka wuxuu ku leeyahay  { قال تعالي

وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا إِلَّا تُحِبُّونَ أَن يَغْفِرَ اللَّهِ لَكُمْ

وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ } Ha cafiyeen hana dhaafeen miyeedan jecleen alle in uu idin dhaafo alle waa midka dhaafida badan o naxariista badan''

Boqorkii ayaa aad u xishooday wuxuuna amarku bixiyay boqorkii in dhaafo oo la daayo sidookalena wuxuu amar ku bixiyayin laga saaro eydii qasriga, wuxuuna fahmay in aanay wax faaiido la hayn in qofkii hal qaladba ka dhacaa uu eydaas ku fasxo waayo ma qaldame waa alle bani aadamkuna waa daciif oo qalad wuu ka dhici karaa cafiskuna waa wax marwalbo loo baahan yay oo aan la iska indho tiri karin.

hadaba waxaa halkaas noogu dhamaaday qisadeenii 

Another wise and fufnny story

Ninbaa hada ka hor go''aansaday in uu wax badan ka ogaado dhagarta dumarka, si''uu arintaas oga dhabeeyana wuxuu galay safar dheer, in mudo ah markii uu socday ayuu wuxuu galay islaan waayeel ah oo ceel dultaagan, inta ceelkii biyo ka cabay ayuu islaantii weydiiyay, eedo sirnaaged iyo dhagar dumar waan maqlee wax ma iiga taaban kartaa,islaantii uma jawaabin balse wadaantii ceelka ee biyaha ku jireen inay isku bilbisho ama isku shubtay ayay qeylo ku dartay.

Ninkii oo aad oola yaaban falkii ay samaysay islaanta ayaa halmar ka war helay 4 nin oo dultaagan kuwaas oo islanta meesha joogatay ay dhashay ay goobta yimaadeen ayay ku tiri wiilasheeda, celkan ayaan ku dhacay balse ninkaan ayaa i badbaadiyay, nimankii ayaa bilaabay in ay ninkii u mhad celiyaan, talaabadii uu hooyadood ku badbaadiyay, intaas kadib islaantii ayaa ninkii inta usoo dhawaatay ku tiri, hadaan ku dhihi lahaa ninkaan ayaa ceelka igu turi rabay naftaada ayaad halkaan ku weyn lahayd, dhagarta dumarka waa sidaan ookale 

Haweenaydu erey afkeeda kasoo baxay bay kugu dili kartaa sidoo kale erey afkeeda kasoo baxay ayay kugiu badbaadin kartaa, dumarku waa balaayo aan baabkoodu la gali karin hadana waa balaayo loo baahan yahay, mar waa dahab iyo dirac marna waa dab iyo babin an laga baxan karin, waayo horaa loo dhahay sir-naaged lagama salgaaro kay wax u maleegto ayaa dagan kay key u naxariisataa raxmad arka.

Dhanka kale markaan ka fiirino haweenka waxaa la dhahaa markii laga fiiriyo dhanka noosha iyo nolol lawadaagista ama markaad nolol ka rabto hadal dakii hore ay dhihi jiren oo hadal murtiyeed ah [ yey najeclaan nalagama karee yeynan nanicin nalaguma karee].

waxaan si sharafleh kaaga codsaneynaa in aad sii gudbiso ama aad appska kala duwan sida fecebook whats app aad kusii share gareyso si dad badan noogu soo xirmaan mahad sanid.

hadad noo hayso sheeko xikmad ama maad ama sheeko faneed iyo kuwo kale whats appka nagala soo xiriir mesha yar ee whats appka geeska midig kaaga soo baxaayo mahad sanid markale 



Post a Comment

0 Comments