A story of a waterman and a wisdom king
Waxaa jiray nin dadka waraabiyo oo la oran jiray maxamed dadka ayuu ka iibin jiray biyo asaga ku wareegayo wadooyinka iyo suuqa dadkoo dhan wey jeclaayeen aqlaaqdiisa wanagsan iyo nadaafadiisa awgeed ,maalin maalmha ka mid ah ninkaan dadka biyaha ka iibiya ee maxamed waxaa maqlay boqorkii wiziirkisa ayuu ku dhahay orodoo ii keen ninkaas biyaha iibiya, waziirkii ayaa soo baxay asagoo ka raadinayo wadooyinka iyo suuqyada ilaa uu kla helay maxamed boqorka ayuuna u keenay maxamed.
Boqorkii ayaa ku yiri maanta laga bilaabo kama shaqeynaysid qasriga dibadiisa waxaad ka shaqeyndoontaa qasrigeyga waxaadna waraabin doontaa martideyda kadibna waxaad soo fadhiisanaysaa agteyda adigoo ka sheekenayo sheekoyinkii aad ku caanbaxday,maxamed ayaa ku yiri haye boqorood waan qaatay hadalkaaga wana ku adeecay, maxamed wuxuu imaaday gurigiisa asagoo xaaskiisa ugu bishaareenayo warkii farxada lahaa, maalinkii xigay wuxuu xirtay dharkiisii kuwiisii ugu quruxda badnaa. wuxuu dhaqay ama uu xalay weelkii uu martid kusiin lahaa biyaha wxuna soo aaday dhinicii qasriga kadib wxuu soo galay qasrigii.
Wuxuu u tagay boqorka agtiisa oo ay fdhiso marti badan wuxuu bilaabay in martida boqorka uu siiyo biyaha dabadeed wuxuu bilabay in uu fadhiisto boqorka dhiniciisa asagoo ooka sheekenayo sheekyin qosol badan marka lasoo gaaro gunaanadka maalinta waxaa lasiin jiray lacagtiisa waxa uu soo aadi jiray gurigiisa mudo ayuunma sidaas ahaa u qasriga imaan jiray martida boqorka ayuu biyo siin jiray kadib wuxuu fadhiisan jiray boqorka agtiiisa asagoo u sheekenaya ilaaa ay timi maalin uu waziirkii boqorka u dhawaa uu ka maseyray maxamed wuxuu is dhahay maxamed waxaa jeclaaday boqorkiiadigana sidaa ayaa booskii lagaga tuuray boqorka hada kuuma baahno.
Maalintii xigtay maxamed asagoo gurigiisa u socdo waxaa qabtay waziirka wuxuna ku dhahay niyoow boqorka waxa uu dhibsaday urta afkaaga kasoo baxayso maxamed ayaa rinkii aad oola yaabay waziirkii ayuu su,aal weydiiyay wuxuu ku dhahy maxaan sameeya? si aan ooga ilaaliyo unta afkeyga boqorka wziirkii ayaa ku yiri waxaad samaysaa marka aad qasriga imaaneyso maro afka kusoo xiro, maxamed wuxuu ku dhahay waad igu ogtahay maalintii xigtay markii ay soo baxday qoraxda afkiisa uu kusoo xirtay maro wuxuuna soo qatay weelkii uu biyaha dadka ku waraabin jiray wuxuuna soo aaday qasrigii sidii cada ayd boqorki yaala yaabay arinkii maxamed.
wxuu arkay maxamd oo markii hore iman jiray asagoo aan waxba afka oogu xirneyn oo manta afka kusoo xirty maro laakin boqorkii wuu iska aamusay oo waxba kumusan oran maxamd ayaa joogteeyay arinkii maalmo badanmaalin maalmha ka mid ah boqorkii waxa uu u yeeray waziirkii wuxuuna ku dhahay maxamed muxuu ka wadaa sidaan oo muxuu afka wax oogu soo xiranayaa waziirkii ayaa ku yiri boqoroow waxaan ka baqayaa hadaan kuu shegosababta uu sidaan u samaynaayo maxamed in aad qoorta iga jarto.
Boqorkii ayaa ku yiriwaxaan kusiiyay amaan maganteyda ayaad ku jirtaa kumana dilaaayo ee ii sheeg waxa jiro waziirkii ayaa yir iboqoroow maxamed waxa uu kasheeganaaya urta afkaaga kasoo baxayso , boqorkii ayaa aad oola yaabay wuuna argagaxay boqorkii wuxuu aaday dhanka xaaskiisa wuxuuna u sheegay arinkii xaaskiisa ayaa ku tiri qofka hadalkaan sheegay beri waa in qoorta laga jaraa si ay tusaale iyo cibro oogu noqoto dadka kle ayna u ogaadaan awoodada .
Boqorkii ayaa yiri waa rayi fiiican markii uu waanga baryay qoraxdana ay soo baxday boqorkii waxa uu u yeeray ninka dilka u qaabilsan ee dadka qoorta ka gooya ninkii ayuu amar ku siiyay hadii aad aragto cid ka baxayso albaabka qasriga ee sidata ubax maxada ka gooy ninkii wuu iska soo tagaywuxuuna soo aaday xaghii albabka qasriga si uu howshiisa u fuliyo dabadeed sidii caadada ahayd waxaa yimid maxamed sidoo kale boqorkiii ayuu u tagay agtiisa ayuu fadhiistay asagoo ooga sheekeynayo sheekeyinkiisa lagu bartay.
Markii ay soo dhawaatay bixidiisii boqorkii ayaa maxamed siiyay ubax wuxuuna ku yiri wa hadiyay ee qaado maxamed ubaxii ayuu qaatay wuuna iska soo tagay markii uu ka bixi rabay qasriga waxaa qabtay waziirkii wuxuu ku dhahay yaa ku siiyay ubaxaan maxamed ayaa ku yiri waxaa isiiyay boqorka wziirkii ayaa ku yiri isi aniga ayaa kaaga xaqnimo badan maxamed ayaa siiyay ubaxii waziirka wuuna iska tagay sidaa ayuuna ooga baxay albaabkii qasriga asoo aanan waxba la gaarsiinin.
Markii uu damcay in uu baxo waziirka ilinkana uu taagan yahay nin kii uu soo adeegsaday boqrka uuna ku yiri cidii aad argto ayadoo sidata ubax qoorta ka gooyninkii ayaa meel dheerka arkay nin sito ubax intuu u tagay ayuu qoorta ka gooyay maalintii xigatay suvbaxii markii lagaaray waxaa qasriga imaaday maxamed sidii caada ahayd asagoo afka xiran sito weelkiisii biyaha boqorkii ayaa la yaabay maxamed oo qasriga yimid wuxuu na is yiri maxamed wala dilee sidee ku nool yahay boqorka agtiis ayuu imaaday boqorkii ayaa ku yiri niyoow maalinkasto afka ayaad soo xirataa waxa aad afka usoo xirato bal maanta ii sheeg.
Maxamed ayaa ku yiri boqoroow waziirkaaga ayaa ii sheegay in aad dhibsaneyso urta afkeyga kasoo baxayso wuxuuna igu amray in aan afka kusoo xirto marosi aysan kusoo gaarin urta afkeyga kasoo baxayso markle ayuu boqorkii maxamed su''aal weydiiyay aaway ubaxii aan kusiinayay, maxamed ayaa ku yiri waziirkii ayaa iga qaataywuxuuna igu yriri isii aniga ayaa kaaga xaqbadan boqorkii ayaa dhoola cadeeyay wuxuuna ku yiri dhab ahaantii asaga ayaa kaaga xaqnimo badnaa .
aqriste qisadii quruxda badneed halkaas ayay ku egtahay
Sheeko Arday edeb daran iyo perfasore caqli badan.
Macalinkii inta soo jeestay oo jeestadii iska dhigay ookiyaalihiina miiska saartay muxaadaradii intaas bay noogu egtay laakin sheeko ayaan idin sheegayaa, ardeydii inta aamuseen bay soo wada jeesteen iyagoo ku faraxsan muxaadarada la kancelay iyo sheekada lagu badalay perfsorkii oo shekada u bilaabaya ardaydii wuxuu dhahay habeen baaa inta ay hurdada iga soo dhici weysay baa inta kacay oo gaarigeyga kacsaday oo garaneyn halkaannu socdo waxa aan gaarigii hadba wada ka leexiyo, waxaan arkay islaan waayeel ah oo alaab culus sidata inta aan ag istaagay baan weydiiyay hadii ay caawinaad u baahan tahay.
Isla markii uu perfsore ka intaas yiri ardaydii oo dhan baa ardeygii foorinaayay wada fiiriyeen,perfasorekii baa inta uu soo boday baa wuxuu ku dhahay soo istaag yaroow, ma waxaad mooday PHD in aa suuqa bakaaraha kasoo iibsaday, hhhh.
0 Comments