LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

A smart shoemaker and a thief, a funny story|| Kabo tolihii caqliga badnaa iyo tuug sheeko qosol badan

A smart shoemaker and a thief, a funny story

kabo tolihii xariifka ahaa iyo tuugii sheeko cajiib ah 

Sheekadan waa sheeko cajiib ah misna caqli cajiib ah xambaarsan kana wararamayso kabo tole faqiir ah aad u xariif ahaa kuna noola tuulo yar  koobkiina shaha soo qata kabogasho wacan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu kasoo rawaxay suuqa asagoo wato dameerkiisa wato lacagna wato asagoo wadada kusoo jiro ayaa waxa kasoo horbaxay nintuug ah kabo tolihii ayaa naxay waxa uuna ka baqay in uu lacagta ka dhaco, kadib waxa maskaxdiisa kusoo dhacday fikrad cajiib ah si lacagtiisa uu u badbaad sado lacagtii uu watay ayuu dameerka u galiyay qoorta dameerka, tuugii ayaa bilaabay in uu barto markii uu lacag kawaayay ayuu isku dayay in uu ka qaato dameerka, laakiin kabo tolihii wuu baryay wuxuu ka codsaday in aanu dameerka ka qaadan.

Wuxuu baryabo oo uu baryaba  dameerkii ayaa ciyayk adibna lacagtii ayaa kasoo dhacdaytuugii ayaa ka yaabay waxa uuna mooday in dameerka uu lacag sameeyo  markuu dameerka ciyo ama uu qeyliyo tuugii wuxuu ka codsaday kabo tolihii in uu dameerka ka iibsado kadibna wuu ka iibsaday kabo tolihii gurigiisa ayuu tagay asagoo lacag badan sito, tuugina gurigiisa ayuu tagay asagoo dameer wato habeenkii oo dhan ayuu sugaayay in damerku uuu lacag sameeyo markasto oo uu ciyo  ama uu qeyliyo dameerka laakin bilaa faa''iido dameerka mid lacag sameynaayo muusan ahayn.

Aroortii markii ay gartay tuugii ayaa xanaqay wuuna damcay in uu lacagtiisii soo ceshto dameerkana uu u celiyo kaba tolaha tabo tolaha waxa uu sii ogaa in uu tuuga iman doono gurigiisa si uu lacagtiisa usoo ceshto kadib islaantiisii ayuu ku yiri waxaan tagayaa beerta hadii cid ikaa weydiiso waxaad isoo dirtaa eyga xaafada tuugii ayaa imaaday gurigii kabo tolaha islaantii ayuu weydiiyay halka uu jooga ninkeeda islaantii ayaa u yeedhay eygiii oo ku tiri orodoo u yeer kabo tolaha .

Eygii ayaa tagay beertii in yar ka dibna waxaa la arkay kobo tolihii iyo eygii oo soo wada socda tuugii wxa uu layaabayay sida uu eyga waxa u fahmaayo kadib waxa uu maqlay in uu ka iibsado eyga waanu ka iibsaday maalintii dambe ayaa damcay in uu tuugii sooqa tago waxa uuna rrerkiisii kula sii balamay hadii cid ii timaado iisoodira eyga, wax yar ka dib tuuga saaxibadiis ayaa guriga timid waxayna weydiiyeen meeyay odeygii reerku sidii uu horeba ugu sheegay reerkiisii waxa losoo diray eygii si uu ugu yeero laakiin eygii waxa uu toos u tagay xaafadii kabo toloha ninkii  tuuga ahaa ayaa kusoo noqday gurigiisii waxaanu xaqiiqsaday in la qiyaamay mar labaad oo aanu ahayn eyga sidii uu moodayay .

Waxa uu go''aansaday in uu ka aargoosto kabo tolaha kadib waxa uu u yertay nin kale oo ay saaxibo yihiin isla markaana ayaga tuugo ah isaga iyo saaxibadiis ayaa tagay xaafadii kabo tolaha laakin markaan umuusan socon in uu lacagtiisa soo ceshado balse waxa uu usocday in uu kabo tolaha kaga taqaluso oo uu dilo waxaa uu damcay in uu kabo tolaha uu jawaan ku rido kadibna uu wabiga ku tuuro si aan loo helin meydkiisa tuugii waxa uu sameeyay waxa uu rabay iyagoo waddii kusii jiro oo sita jawaankii kabo tolaha lagu riday ayay yaro luloodeen waxayna is yiraahdeen xogaa yara gam a si aad socodkiina usii wadataan.

Nimankii tuugta ahaa oo wali hurda kabo tolihiina jawaanka u ku jiro ayaa waxa wadad soo maray ninsocoto ah oo hanti badan wata isla markiina kabo tolihiina waxa maskaxdiisa kusoo dhacday fikrad cajiib ah isagoo ku dhawaqaya ''i badbaadi i badbaadi '' ninkii socotada ahaa ayaa weydiiyay sababta jawaanka loogu riday kadib kabo tolihii ayaa ugu jawaabay wxaan ahaa nin boqor ah tuulo ayaan maamuli jiray waan kasoo baxaday waxaan rabaa in nolol caadi ah aanku noolado laakin dadkii tuulada ayaa isoo xirxiray waxayna rabaan in aan wali boqor u ahaado ee meesheyda adi gal oo boqor u noqo.


Ninkii socotada ahaa ayaa la dhacay hadalkiisii waxa uu ka fur furay jawaankii kadib kabo tolihii ayaa ku xir xidhay jawaankiin ninkii socotada ahaa saacado kadib tuugtii ayaa soo toosen markaasay qaaden jawaankii markii ay gaareen wabigii ayay ku dhaxtuureen wabigii iyagoo faraxssan oo moodaya in ay dileen kabo tolihiii ayuuba kasoo hor baxay asagoo wato hantidii ninkii socotada ahaa oo ah kii wabiga lagu tuuray tuugii ayaa fajaceen aad ayay oola yaaben waxayna weyrdiiyeenxageebad kasoo baxday se xageebad ka keentay hantidaaan aadka u faraha badan kabo tolihii ayaad si fudud oogu jawaabay wabiga hoostiisa waxaa ku jiro dahab iyo dheyman waxaano hanti ahna waxaan kasoo helay wabiga hoostiisa ayaan kasoo helay.

Nimankii tuugta ahaa xamaasad ayaa qaday waxayna ka codsadeen in uu dhamaantood jawaan ku xirokadibna uu wabiga ku tuuro ninkii kabo tolaha ahaa sidii ay ka codsadeen ayuu sameeyay kadibna gurigiisii ayauu kusoo noqday asagoo bad qabo hanti badana wato.

  sheekadan waxay na tuseysaa caqliga wanagsan mar walbo asga ayaa guuleysto nimanka tuugta ah waxay isku darsadeen tuugnimo iyo aqli xumo marka hore ayay tuugnimada imanka ka qaaday hadan caqli yari ayaa u dheered.

Sheekada labaad.

Sheekadan waxaa ka sheekeynayo ninkii ay ku dhacday, wuxuu leeyahay anigoo suqa maraayo ayaan waxaa arkay gabar aan sheekaysan jirnay 3sano kahor oo wiil la socoto suuqa isla markiiba waan gartay in uu yahay saaxibkeeda ama ninkeeda, isla markiiba waan kala wareegay oo waxaan galay supermarked  gadaasheyda ku yaala xoogaa ka dib wey iga soo daba gashay iyada iyo saaxibkeedba isbariidin salaan ka dib, sijees jees ah ayay ii dhahday.

Gadaasheyda gabar dambe ma aadan helin sooma ahan ana intaan dhoosha ka qoslay ayaan ninkii supermarkedka ku jeestay ayaan ku dhahay waxad iga iibisaa kartoon xafaayado ah iyo caanihii ay ciyaalka ay cabi lahaayeen, lacagtiina waan siiyay, anoo afka taagayo ayan kasoo dhaqaayay meeshii, saaxibadeydii horana iyadoo indhaha taageyso bey iga sii daba hadlaysay laakiin umanse jawaabin wuxuu dhahay hada guriga ayaan jooga waxan doonaya cid iga iibsato kartoonkii xafayadaha iyo kartonkii canaha ilmaha, waayo cid isticmaalayso majirto, kuxumeeys ayay iga ahyd lacagtana waxaan rabay inaa ku iibsado kabo, barna timaha kusoo jaro, hada hooyadey iyo xaafada oo dhan waxay igu wareeriyeen waatuma naagtaan aad qabto oo aan ogeyn caanahaan ilmihii cabi lahaa meeyay.

Walee ni nkaas waxbaa helay intuu lahaa is giiji oo ,madaxa carada ka cesho naagta iska buus 

Post a Comment

0 Comments