LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The Incredible Story of the Magician and the King Who Became a Bird

The Incredible Story of the Magician and the King Who Became a Bird

How Magic Transformed a Monarch into a Bird read more

 Bari baa waxa jiray nin saaxir weyn aha oo la oran jiray dhakalaas, wuxuu xirfada sixirka ka dhaxlay aabihiis iyo awoowyashiisa , wuxuuna caan ku ahaa sixirka , ma jirin qof kaga baaleyeysnaa dhanka sixirka dhakalaas marka loo eego dagmadii uu ku noolaa, wuxuu gaaray heer uu dadka u ekeesiiyo xayawaan xayawanadana shimbiro, shimbirahana dhagaxaan, dhagaxaantana dahab,dahabkana ciid,in kastoo uu hanti badan uu haytay , hadana xoolihiisa kuma raaxeysan , waayo wiilka kaliya uu dhalahay baa ahaa bahal damiin ah oo waxba aan baran ee ahaa dhaka faar oo aan cilmiga sixirka waxba ka baran.

Sidaa awgeed ayuu dhakalaas uga wal wali jiray xaalada wiilkiisa sidey noqon doonto kadib markii uu isaga dhinto, wax badan ayuu dhakalaas ugu fikiray siduu wiilkiisa ugu noolan lahaa nolol fiican, maalintii dambeayuu is yiri oo maad wiilkaaga ka dhigatid boqor awood badan lakin asagoo isticmaalayo sixirka sidee buu ooga dhigi karaa boqor waana arin u baahan fikir iyo xeelad, dhakalaas waa nin aan ka caaajisin qidadaha iyo qiyanoyinka sixirka , wuxuu dajiyay qorshe sare uu wiilkiisa kaga dhigiri karo nin ka u arimiya arladii uu ku noola.

Dhinaca kale waxaa jiray boqor aad iyo aad u jecel uruurinta wax laaha cajiibka ah ee mar iyo dhif la helo, maalintii dambe boqorkii oo fadhiya kursigiisa boqortooyada oo arin la gorfeynayo wasiirkiisa ayaa waxa u yimid asari ka mid ah ciidamadii boqortooyada oo si edeb iyo ixtiraam leh ugu yiri, mudanoow waxaa albaabka jooga taajir ka yimid dal shisheeye oo sida alaabooyin cajiib ah ee miyaan kuusoo daaya, boqorkii baa yiri soodaa bal aan arkee wuxuu sidee, waxaa soogalay nin garweyn leh oo madaxa ciroobay oo daal iyo duuf ay ka muuqato, wuxuu sitay sanduuq qafilan oo alaabi ay ka buuxdo, ninkii baa soo agfadhiistay boqorkii oo inta uu furfuray alaabtii oo sanduuqii alabtii ku jirtay soo saaray.

Boqorkii markiiba waxay ishiis qabatay baakad yar oo sanduuqii ku dhaxjiray dusha ay kaga qoran yihiin xuruufo af qalaad ah boqorkii baayiri war baakadkaan oo sanduuqa ku dhax jiro muxuu ahaa,ganacsadihii baa yiri mudanoow baakadkaan waxaa iga iibsaday ganacsade kale oo lacagtiisa ii hor mariyay lakin hadaad rabto adiga bilaash iyo lacag la aanba ku qaado, markaasuu boqorkii hoos isula hadlay uu iyiri, walee baakadkan waxa ku jiro waa wax layaableh oo sir ah, waa in aan qaata oo sirtana kala baxaa, sidaas buuna boqorkii baakadkii ku qaatay, dabadeed wuxuu u yeeray turjumaankiisa oo afafbadan yiqiinay, wuxuu ku amray in uu u fasiro , markii turjumaanka afkii mariyay ,ayuu yiri mudanoow wa xuruufo lagaga hadlo afafka qalaad ee hindiya.

Boqorkii baa yiri ii heeg micnahooda xiiso weyn baan u qabayee , turjumaankii baaku jawaabay, mudanooow waxaa ku qoran '' ruuxii hantiya oo gacanta ku dhiga baakadkaan sixirka ah wuxuu ka helayaa awood dheerad ah gudaheeda waxaa ku jira ciid qafiif ah oo hadii hawada la raaciyo oo uu qofka dhaho{MUTA'ABIR ,MUTA''ÁBI} wuxuu qofkaas isu badali doona xayawaankii uu doono wuxuuna fahmi doona afafka xayawaanada, hadhoow markii uu rabo idiisii in uu kusoo noqdo waxa uu umeesan doona qorax kasoo baxa markaas oo uu dhihi doono{ MUTA''ABIR  MUTA'' ABI} 2JEER wuxuuna kusoo noqon doona sidiisii hore. 

Boqorkii baa aad u qoslay oo yiri isagoo wasiirkiiisii la hadlayaa war waa inaa si wada jir ah u wada tijaabinaa qorshahaan ashaqaraarka ah, oo maxaa inoo diidiya inaynu hawada sare u duulno inagoo sixirka shimbiro ina dhigaayo , markaaso shimbiraha hawada duulo aynu dhinac duulno inoo waliba fahmayno afkooda, wasiirkii oo yaaban warkii boqorkana madaxa u ruxay oo wuu ku raacay soo jeedintiia maalintii dambe ayaa boqorkii iyo wasiirkii bananka tamashleyn ugu baxay mallintaasoo hawada aad u wanagsaneyd markii mgaladii cabaar ay ka fogaadeen ayay arkeen labo shimbirood oo qurux badan oo geed dheer dushiisa ku shekeysanaayo markuu inta boqorkii istaagay buu yiri '' alla shimbirahaas wanagsanaa.

wasiirkii baa yiri waa runtaa oo waa shimbiro wanagsan oo waa ay sheekeysanaayan, boqorkii baayiri hadaan garan lahaa waxan weydiin lahaa suálo badan waxaan dhagaysan lahaa waxay ina yirahdaan boqorkii wuxuu sheeda ka arkay shimbir kale ood aruuraha duuleysa markaasoo isagoo amaanaya wuxuu yiri''shimbiryahoow daruuraha dabaylaha dhaxmaraya daaínkii ku uuma orod kugu dawgalay , isla markiiba boqrkii wuxuu xasuustay baakadkii yaraa ee sixirka ku jiray uu turjumaanka u sheegay hadii ciida hawada u seyro inuu xayawaan ama shimbirtii uu doono noqonayo markaasuu inta jeebka kala soo baxay ayuu ku yiri wasiirkiisii waxaan filaaya inaynu hada tijaabino baakadkan iyo waxa ku jiro.

Wasiirkii ayuu ku yiri mudanoow adigaa amarka leh,  dabadeed boqorkii ayaa furay baakadkii oo ciidiina raaciyay dawaysha iyagoo wada jir u dhahaya{ MUTA''ABIR  MUTA''ABIR} waxyar ka dib boqorkii IYO wasiirkii waxay noqdeen labo shimbirood oo aad u quruxbadan, wasiirkii baa eegay boqorkii markuu inta madaxii uu ruxay ayuu yiri '' kuwanagsanidaa shimbirnimada boqoroow quruxdaada iyo haybadaada hada ayay soo baxday, boqorkii asagoo isku bogaaya wasiirow ma sidaas ayaan oogu quruxbadanahay shimbirnimada . wasiirkii baa yiri mudanoow run moyee waligey been masheegin,boqorkii amaanta wasiirka aadbuu ooga helay wuxuna yiri bal ina keen aan u tagno shimbirahaas oo aan maqalno waxay ina yiraahdaan.

Dabadeed bqorkii iyo wasiirkii baa soo duulay oo ku dagay laan ku dhaweyd meshii shimbiraha saarnaayeen waxay dhagaysteen haasawaha labo shimbirood waxay maqleen shimbir ku leh tan kale waa inayno qoob ku ciyaar ku maaweylinaa martidaan ina soo agdagtay boqrkii iyo wasiirkii oo fajacsan ayaa aad u daawaday dhaanto shimbireed aad u wanagsan, boqorkii ayaa arkay wasiirkii oo amusan wuxuu weydiiday maxaaddan oogu raaxeysaneyn qoobkuciyaarka shimbiraha nagu soo dhaweeyeen, wasiirkii ayaa ku jawaabay waxaan ilaaway kalmadihii turjumaanka inoo sheegay ee inoo celineysay sideenii hore bqorkii baa carooday oo yiri bal waxaad noongeysatay bal eeg sideebad ku ilowdy kalmadihii an ku dhahay inoo xifdi oo qalbiga ku haay, ma waxad rabtaa inaa waligeen shimbiro ahaano.

Wasiirkii baa yiri mudanoow ceebta taa kasii daran waxay tahay waligeyba waxaan ilaway ma xasuusan, boqorkii iyo wasiirkii waxay isku taxluujiyeen inay kalmadihii soo xasuustaan, kalmdihiina waxay noqdeen kuwo qalbigooda ka baxday oo ay dib u xasuusan waayeen sidaas ayayna bqorkii iyo wasiirkii ku noqdeen labo shimbirood oo durka konool waligood.

Post a Comment

0 Comments