The hungry man found the bead of diamond Great Story
Waxa jiray nin sheekh ah la oran jiray abuubakar al ansaari ninkaas wuxuu jaar la ahaa Makka oo uu ku noolaa, maalin maalmaha ka mid ah waxaa haysay gaajo aad u daran wuxuu sameyo asoon aqoon ayuu soo baxay wuxu soo aaday dhankii kacbada, isagoo rabo inuu helo wax uu cuno wax un uu beerka ku qabsado, isagoo wadadii socdo ayuu wuxuu helay kiish kasamysan xariir, kiishkii ayuu qaatay gurigiisii ayuu la tagay , markii uu kiish kii eegay, mise kiishkii waxaaba ku jiro dahab aad u qaaliya iyo lu'lu kuul kuwa dumarka loo xiro oo lulu ka samaysan , oo aad u qaali ah ayaa ku jirto.
Maalintii dambe ayuu soo baxay isagoo dhinicii kacbada usoo baxay ayaa waxa uu arkay nin yaboohinaayo oo leh waxa iga lumay kiish ninka helaa oo isiiyan 500 oo diinaar ayaa siinaya, abuubakar ninkii ayuu u yeeray wuxuu weydiiyay sifooyinka uu lahaa kiishka ka lumay, ninkii sifooyinkii ayuu u sheegay waliba wixii ku dhaxjiray, markii uu arkay in uu isaga leeyahay uu sifaadkii oo dhan uu sheegay, ayuu kiishkii siiyay, kiishkii markii uu siiyay ninkii aad ayuu oogu farxay, markii uu ku farxay ayuu wuxuu damcay in uu siiyo lacagtii uu balanqaaday inu siin doono cidii kiishkiisa usoo hesho, kadib 5tii boqol ayuu usoo taagay, markaasu dhahay maya ha i siinin , waxba ha i siinin , sababtoo ah xaq uma lihi ilaah ayaan ku haraaya oo ilaah dartii ayaan kuu siiyay , waana waxaagii.
Ninkii wuu ku celceliyay wuuna ka diiday, sidii bay ku kala tageen, mudo kadib baa waxaa dhacday ninkiin sheeqa aha ee abubakar ayaa wuxuu damcay in safro dooni buu raacay bad ayuu ku safray badii baa waxaa dhacday in ay kacdo doonidii ay qalib mato dadkii ninba meel ku dhacay wax dhintay iyo waxkaleba ilaahay ayaa wuxuu qaday in sheeqa uu ka bad baado, wuxuu kusoo baxay jasiirad yar markii uu soo badbaaday ayuu jasiirada gudaha usoo galay wuxuu tagay masaajid ku yaalay jasiirada masajidkii markii uu fariistay ayuu wuxuu bilaabay inuu qur'aanka aqriyo markasa waxa dhacday dadka ku nool jasiirada uu yimid waxna ma aqriyan waxna ma qoraan, qur'aanka ma yaqanan.
Markay arkeen ninkan oo aqrinaayo quraanka ayay kusoo xoobmeyn wey u yimaadeen waxay ku dhaheen qur'aanka nabar, sheeqii wuxuu bilaabay in uu qur'aanka dadkii uu baro oo uu u faa'iideyo asna uu ka faa'iido malintii xigtay ayay waxay arkeen asagoo wax qoraayo markaas ayay weydiiyen oo waxna ma qortaa , wuxuu dhahay haa waxna wan aqriyaa waxna waan qoraa , waxay bilaabeen in ay dhahaan qoritaankana nabar, wuxuu bilaabay qoritaankiina in uu baro, kadib waxaa isu yimid dadkii jasiirada oo dhan waxay go'aan sadeen inay u tagaan oo ay ku yiraahdaan jasiirada inaad dagto gabar yar oo agoon ah aabaheed ka dhintay oo lacag haysato ayaan kuu guurineynaa.
Sheeqa bilowga wuu ka maagay wxuu dhahay iga daaya lakin markay ku dirqiyeen oo ay ku celceliyeen wuuka aqbalay, maalintii dambe ayay gabadhii ay rabeen in ay u guuriyaan ayay usoo dhiseen aadbaa losoo qurxiyay ayaa loo keenay iyadoo ay reerkoodii ay wadaan iyo odayaasheedii, gabadhii markii uu sidaa u eegay aya waxay qoorta ku xiran tahay kul , kuushii ay watay ayuu sidaa u eeegay indhuku hayay, dadkii baayabay , dadkii waxay weydiiyeen maxaan ku dhaxay sheeq inanta yar maba eegeysid? kuusheeda qorta unbaa eegaysaa maxaa ku dhacay?
markaasu ku yiri kuushan iyo aniga qisaa ina soo kala dhaxmartay , kuushan waxan ka helay kacbada , wuxuna ooga sheekeyay qisadii o dhamaystiran oo ahayd kiishkii uu helay iyo ninkii uulahaa in uu siiyay isagoon waxba uusan ka qaadin ayuu ooga sheekeyay ,markii qisadii uuga sheekeyay halmay ayaa odayashii iyo dadkii mesha joogay oo dhan takbiirta ku dhawaqeen oo ay wad qeyliyeen ''ALLAHU AKBAR'' Sheeqi wuu yaabay wuxuu ku dhahay maxaa idinku dhacay, waxay dhaheen kuushaas aad heshay oo aad gabadhan ku aragtay waa kuushii ad kacbada ku aragtay gabadhana waxaa dhalay ninkii aad kiishka siisay , laakin waxa layaabka leh waxa weeyan ayay dhaheen odeygaas makuu kasoo noqday makka kacbada magaladan uu yimi, maalin kasto wuxuu nagu oran jiray kacbada waxan ku arkay nin mu'min ah oo qof la mid ah aanan waligeey arag ilaahna waxaan ka baryayaa inuu isu keen keyno si aan ugu guuriyo gabadheyda, waxay dhaheen ninkaas mar walbo wuxuu ku duceysan iray in uu alle mar kale la kulan siiyo ninkii kiishkiisa u ilaaliyay amaanadana ku fiican.
Maantana nasiib wanag waxaa dhacday inantii in aad heshay, ducadii ninkaasna in la aqbalay ayaa dhacday taasana ku faraxsanahay tasa la sacbineynaa, intaas ka dib ninkii gabadhii wuu guursaday labo caruur ah ayay u dhashay kadib waxa dhacay in ay gabdhii dhimatay sidoo markii ay weynaaden labdii wiil ayay geeroyoodeen kiishkii na wuxuu dhaxal ahaan ugu soo wareegay ninkii sheeqa ahaa in uu asaga hantiyo, waa kiishkii uu diiday markii uu kacbada joogay alle wuxuu qadaray inuu asaga dib ugu soo noqday asagoo xaran ah ayuu iska diiday in uu qaato balse hada asagoo xalal ah ayuu hantiyay DHAMAAD
0 Comments