Sheekadii muraad iyo aabihiis iyo boqor kibir badan
Taarikhihii hore waxaa laga qoraa ama laga sheekeya bariga aasiya gaar ahaan dalka mangooliya aya dhaqaan ahaan waxbadan ka duwananjireen qomiyadaha aduunka ee kala duduwan dhaqamaha cajiibka ah ay lahaan jireen waxaa kamid ah in ay dilijireen qofka da ahaan markii uu gaaro dada lixdan sano 60, iyadoo loo sabababeynaayo in uu caajisay ama uu howl gabyahay bulshadana uuu ku dhaxnool yahayna uusan wax faaido ah u lahayn,sheekadeena maanta waxay ku saabsan tahay siduu u dabar goáy dhaqankaas layaabka leh ay lahaayeen mangoliyiinta iyo cidii ka qeybqaadatay, soo dhawoow aqriste koobkaaga sheexa soo qaado.
Bari hore oo aan dhaweyn waxaa jiray tuul ka mid ah tuulooyinka mangooliya waxaa ku dhaqanaa dad reer guura ah tuulada waxaa xukumi jiray boqor aad u goáan aday kaligiis taliye ah dadkiisana ku ad adag, wiil kamid ah dadka aadka ugu dhaw dhaw boqorka magaciisuna la yiraahdo muhaari ayaa aabihiis gaaray dada lixdan 60 jirka ah waxaana wajib ah in lamariyo sharciyaha iyo nadaamka, madaama uu dhaqan kooda yahay in 60jirka la dilo.
Wiilka yar markii uu gurigooda kusoo noqday habeenkii aabihiis wuxuu u sheeegay in uu gaaray lixdan jir 60 isla markaana uu dilo caawaisaga oo hurdo, laakin muhaari kuma uusan farxin arinkaan, kuma uu dhiiran in uu dilo aabihiis balse wuxuu ku fikiray kulana tashaday aabihiis in uu qariyo askartana uu u sheego in uu dilay, aabihiis ayaa wuxuu u sheegay hadii aad i qariso ciidamada boqorka wxa ay raadin doonan meedkeyga si ay u hubsadaan in aad i dishay iyo in kale.
Aroortii markii lagaaray muhaari wuxuu la imaaday fikir kale oo cajiib ah uu ku marin haabiyo askarta boqorka , wuxuu ka dhigay in uu dilay aabihiis meedkiisana uu gubay, markii ay askarta ay weydiiyay sababt uu u gubay meedka , waxa uu u sheegay in aabihiis uu qabay cudur qatar ah oo fidaa ah sidaas darteed uu diidana in uu tuulada ku faafo askartiina wey aamineen, aabihiisna sidaas ayuu ku qariyay oo uu ku badbaadiyay, maalmo kadib ayadoo la aamin san yahay in muhaari aabihiis uu dhintay
Tuulada waxaa soo weeraray ciidamo duulan ah oo doonayaan in ay qabsadan tuulada iyagoo aan isticmaaleyn awood ama wax hub ah laakin suáal weydiinaya boqorka hadii uuu sisaxan ooga jawaabo suáasha wey iska tagayaan iyagoon cidna dhibaato u gaysan hadii uu garan waaya waa in uu is dhiiba boqorka ciidamadana waxay qabsanayan tuulada boqor tooyadana wey la wareegayaan ,
ciidamada waxay soo qaadayaan jirid geed ah oo gamuuran oo aan wax caleem ama laan ah aan la hayn markaas ayay weydiiyeen sheeg ahalka uu xididka kaga yaalay jirida, maalin ka dib ayaa laga rabaa jawaabta boqorka ciidamadiina wey iska tageen boqorka wuxuu isugu yeeray dhamaan dadkii u shaqeen jiray oo uu ku jiro muhaari waxa uuna amray in uu midkastaa kasoo fikiro shuáasha caawa barina jawaab la imaado, muhaari markuu gurigoodii kusoo noqday waxa uu aabihiis ooga sheekeyay waxa dhacay aabihiis waxa uu ahaa odey indheer garad ah xikmadu ay ku dhantahay waxbadana garanaayo.
Waxa uu u sheegay jiridu in ay tahay dhanka culus halka uu xidika kaga yaalay waxaadna ku garan kartaa dhanka culus adoo biyo ku dhax rido jirida dhinaca quusta waa dhinaca uu xididka kaga yaalay dhinacada biyaha dulsabeeya waa dhinaca oo fuudud waa halkii laamaha kaga yaalay, muhaari ayaa u tagay boqorkii waxa uuna u sheegay jawaabta boqorkuna wuu ku qancay, maalintii dambe ciidamadii waxay usoo diyaar garoobeen in ay qabsadaan tuulada laakin boqorka wuu gartay suáasha wuxuuna kaga jawaabay siduu muhaari sheegay
Ciidamadiina wey iska tageen balse maalin kale ayay ciidamadii soo noqdeen iyagoo wato maroodiyo suáal kalana u hayo boqorka boqorkii tuulada ayaa soo hor istaagay waxa ayna weydiiyeen xayawaanka uu ka baqo maroodiga isla sidii suáashii hore hadii uu ka jawaabi waayo maalin gudaheed waxa uu ku qasban yahay boqorka in uu is dhiibo tuuladana lala wareego, boqorka markaan waxa uu u yeeray muhaari oo kaliya waxa uuna ku yiri adigaa suáashii horeba ka jawaabee tana ka jawaab, balse tookadan boqorka waxa uu dhhay kama tagi kartid caawa qasriga ilaa aadka jawaabtid su''áasha.
Muhaari waxaa ku adkaatay in uu aabhiss soo weydiiyo sidii uu habeenkii oo dhan u fikiraayay aroortii ayay ku gaartay waxaana soo dhawaatay xiligii ay imaanayeen ciidamada boqorkii ayaa wuxuu muhaari weydiiyay ma heshay jawaabta, balse muhaari wuxuu ugu jawaaby maya ciidamadii markii ay yimaadeen boqorkii wuxuu u sheegay in uu haynin jawaabta hishiiskana wuxuu ahaa hadii uu garan waayo jawaabta in uu isdhiibo tuuladiisuna ciidamada qabsadaan.
Muhaari waxa uu u tagay aabihiis waxana uuna weydiiyay xayawaanka uu ka baqo maroodiga aabihiis waxa uu ooga jawaabay in uu maroodiga ka baqo jiirka, muhaari inta uu soo uruuriyay jiir yar yar ayuu ku siidayay maroodiyadii iyo ciidamadooda kadibna maroodiyadii.
Midka mid ah sheekoyinkii juxa ee qosolka badnaa
Juxa oo mar ahaa garsoore maxkamadeed ayaa waxa u yimid labo nin oo dacwo isku haysta, eedaysanihii ayaa bilaabay oo wuxuu dhahay, mudane garsoore anigoo rootigeyga sita oo jidka iska lugeynaayo waxaan soo agmaray maqaayada ninkaa, waxaa i joojisay oo isoo jiitay caraf caeaftaaso ah ah hilib la shiilayo , markaas waxaan bilaabay carafta hilibka intaan sankeyga ku jiido, oo inta aan rootigii goosto inaa ku cuno aan niyeysto hilibka iyo rootiga inaa isku cunaayo, markaan rootigeyga dhamaystay ayaan waxaa bilaabay inaa dhaqaaqo.
Mise waxaan ka warhelay ninkaan oo faraqa igu dhagan, wuuna igu amray inaa iska bixiyo qiimaha carafta hilibka, mabixinaayo markaan dhahayna wuxuu idhahay dacwd ayaan kuu qabaa ee maxkamada ina keen, juxa oo la hadlaayo ninkii maqaayada lahaa ayaa yiri saan saan ku gud waaye, ee imisaad ku doonaysaa carafta hilibka, maqaayadlihii wuxuu dhahay 5 shilin mudane.
Juxa wuxuu ku jeestay rootilihii carafta hilibka rotiga ku cunay, wuxuu ku dhahay soo bixi shan shilin oo dhulka ku tuur, ninkii eedaysanaha ahaa sidii ayuu yeelay oo shilimaadkii ayuu dhulka kutuuray, shilimaadkii waxay sameeyen dhawaaq, juxa wuxuu dhahay maqaayadloow dhawaqa shilimaadka waad maqashay sooma ahan, maqaayadlihii wuxuu dhahay haa mudane waan maqlay, juxa inta soo booday kulaa dhawaqa shilimaadka aad maqashay, waa qiimihii urta hilibka, sankiisa ayuu hilibkaagii ku cunay adiga waa adigaas xisaabtaadii dhagtaadii ku qaatay hhhh.
0 Comments