LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

She Hid illness From Her Husband For 3 years, Then What Happened?

 Ninkeeda ayay ka qarinaysay cudur mudo saddex sano ah kadib maxaa dhacay 

Ninkeeda ayay ayay ka qarineysay cudur uu qabo mudo sadex sano ah ilaa heer uu garo in uu dhaho xaaskale ayaan guursanaya dhamayso sheekadan aadka u cajiibka badan.

Ninkaan iyo haweenaydiisu waxay is qabeen mudo shan sano kabadan nolosha ay ku noolayeen ayaa ah nolol ku dhisan dulqaad iyo adkeysi , ninkaan mudo sadex sano laga joogo waxaa laga soo sheegay cudur, laakinse wuxuu qabay haweenay aad u wanagsan taaso ugu dulqaadato hagar damoyinka iyo dhibta markasto oga timaado dhankiisa , markasto ninkaan waxa uu ku qeylin jiray haweenayda uu qabo , asago mar walbo ka sheegto cuntada aysiiso, cuntadaada ma macaano, cuntadaada cusbada ayaa ku yar, waxay dhihi jirtay adiga ayay dhadhanku kaa maqan yahay cuntadan dhadhan iyo cusbaba wey leedahay.

Aad ayay isugu wareereen oo malin kasto waxay u keentaa raashiin uusan ku qanacsaneen, isaguna wuu ku qeyliyaa waxa uu u sheegaa in uu guursan doono maalin uun hadii ay sidaan kusii wado, wuxuuu dhagteeda ku shubaa in ay ka wanagsanaayeen haweenkii hore uu soo guursado waayo waxa ay siin jireen raashiin dhadhan leh oo cusbada laga dareemayo , mudo dhoor sano markii ay saan ahaayeen wuu adkeysan waayay waxa uu dhahay saan ima anfacdo, sidaa darteen waxa aan rsbaa in aan guursado, naag akle oo adiga kaa cunto macan.

Iyaduna waxa ay tiri fasax ayaad tahay samayso waxa aad doonayso , ninkii waa uu baxy waxa uu u tagay nin saaxibkiis ah waxa uu ku dhahay war niyoow xaaskeyga iima kariso cuno dhadhan leh, marka maxaa sameeya? wuxuu ku dhahay waxaad soo qaada dharkii taashka ee loogu tala galay aroska una sheeg xaaskaaga in aad biri auur saneyso,ninkii waxa uu soo kireystay dharkii taashka arooska loogu tala galay waxa uuna keenay gurigii uu xaaskiikale ku qabay, waxa uuna u sheegay dharkaan in uu usoo kireeyay xaaska kale ee uu guursan doono, waxayna ku tiri wax walbo oo aad samaysnayso waa wax adiga qiyaarkaaga ah, waxa uu saaray sariirta waxa uuna ku dhahay magalad ayaan wax kasoo qabsanaya ee halkaas ha ii sii yaalan.

Gabadhii markii uu ninkii baxay ayay waxay qortay warqad aad dheer kadibna waxa ay ku dhax laab laabtay dharkii ninka uu keenay ee loogu tala galay in ay xirato aroosada , dabadeed ninkii ayaa imaaday goor casar gaabadkii qoraxda ay sii dhacayso waxa uu qaatay dharkii si uu oogu celiyo meshii, balse markii uu geeyay meeshii uu kasoo kireestay ayaa waxaa ka soo dhacay warqad , dadkii meesha ka shaqeynaayay ayaa ku dhaheen warqad ayaa kasoo dhacday dharkii aad keentay.

Dabadeed waxa uu soo qaatay warqadii wuuna aqriyay, hadaba ma taqana waxa ku qornaa warqada, warqada waxa loo qoray looguna tala galay gabadha uu guursan rabo ninkaan , waxaan qortay xaaskiisa , waxa ayna leedahay haweenayda la ola guursan raboow ninkayga waxa uu qaba cudur uula nool yahay mudo sadex sano ah , cudur kaasi waxa halis ah in uu u dhinto hadii uu cuno cuntada cusbada leh, waxaan rajeynaa adigu ka fikiraayo cafimaadka ninkaaga iyo keyga in aad ka ilaaliso raashiinta cusbada leh aadna u dulqaadato hadalada xun xun waa hadii aad dooneyso lajirka iyo la noolasha sanadaha soo socdo hadii ilaaahay u qoro.

Ninkii markii uu arkay warqadaas aad ayuu u qiirooday ilin ayaa ilmihiisa soo dhaaftay markuu arkay ilaa heerka ay ka fikireyso cafimadkiisa iyo rali ahaan shaheeda, dabadeed waxa uu kusoo laabtay gurigiisa isaga oo cafis weydiistay islaantiisa wuxuuna ku yiri waxa aan kaa galay qalad waliba mid aad u weyn waxaan kaa dalbanaya cafis maanta ka dibna ma dhici doonto inaa kugu dhaho hadal xun waxaan rajeynaya in aad i cafin doonto.

Shekadan waxaan ka baran karnaa marmarka qaar in aad dhibsato ama aad dhib u aragto kuwa ku wanaajinaayo , hadaan xasuustada aan dib u celiyo mararka qaar inaad dhibsato ama aad u malayso in ay ka xun yihiin hormarkaaga kuwa adiga hormarkaaga ka shaqeynayaan  xogaa hadaan dib kuu celiyo laga yaba in aad wali dadaan ad ku jirto kawran maxa xasuusataa markii hooyada ama aabaha ay kuu kcin jireen in aad aado dugisga ama schoolka ama jaamacada adigoo rabo in aad sexato rabo in aad iskana sii hurado ama aadan aadin , madhibsan jirtay oo ma dhihi jirtay maxay hurada iiga kicinayaan schoolkan iyo waxaan ma nalaga daayo  bal qiyaas hada nolosha ad joogto kawaran hadii maalintaas la iska kaa deyn lahaa lagunma dhihi lahaa iska seexo sidee ayad maant noqon lahayd laga yaab ain aad manta marxaladas  ku jirto macaanida iyo muhiimadeeda waxa hareemi karo kuwa maanta miraheeda guranayo .

Waxkasto oo aqtiga aad ku jirto ku xanuujinayao ma ahan wax kasto oo noloshaada dhib u keenayo ama lid ku ah sababtoo ah somalidu waxay dhahdaa waxaan lagu dhibtoon laguma dheefsado waxaa laga yaaba in aad ku jirto saacado ama waqti cariiri ah ama uuqof kugu haayo cadaadis laakin waxa laga yaaba caadiska aad manta ku jirto in uu beri kuu yahay faa idadaada amaba uu yahay faa idada noloshaada dambe TUSAALE waxa aad qaadaneysaa daawo taas oo aad dhibsaneyso ama aad u qaraar lakin waxa laga yaaba hadii aad iska dayso ay noloshaada ay qatar gasho, wax kasto oo waqti xaadirkaan dhib kugu haayo waxay noqon karaan wax noloshaada dambe kuu wanaagsan.



Post a Comment

0 Comments