Gabar Qurux Badan iyo 3 Doqon Sheko cajiib ah
What Made 3 idiots Beautiful Story?
waxaa jirtay gabar aad u qurux badan, kana tilmaaman magaaladii ay daganeyd, gabadhaas aadka u quruxda badan ma aysan lahyn hooyo ,wayo hooyadeed waxay dhimatay ayadoo aad u dayar, waxaa soo bar baariyay aabaheed oo ahaa nin faqri ah oo anan haysan wax hanti ah, gabadhiisuna waxa uu kusoo bar baariyay nolol aad u adag, oo aad u liidato, barbaarideedii waxa ay noqotay gabar ka tilmaaman hablaha asaageed qurux lala cajabo ayay la hayd.
Maalin maalmaha ka mid ah gabdhii ayado wadad socoto waxaa arkay magaaladii ay daganeyd qofkii ugu hantida badnaaa, markii uu arkay waa uu layaabay sida ay u qurux badan tahay dawashada indhaha ayuu u dhmeen waayay quruxdeeda awgeed, dhankeeda ayuu usoo dag dagay, si uu oola haasawo ama uu oola hadlo , waxa uuna weydiiyay su'aalo faro badan. markii inbadan la sheekesanayay ayuu wuxuu la yaabay quruxdeeda marka laga tago aqlaaq deeda iyo dhowsananteeda ayuu la yaabay, ninkii hantiilaha ahaa waxaa damac waalan ka galay, gabadhaan quruxda badan in uu la aqal galo oo uu guursado, waxa uuna u bandhigtay guur, balse haweenaydii waxay ku tiri adiga waxaa tahay qofka ugu hantida badan magaaladani majirto gabar aad adiga soo doonatay oo ku diideyso, guurk aad isoo bandhigatyna aniga waan ogolahay , balse waxa aad u tagaysaa aabhay waadna i weydiisaneysaa, hadii uu isaga ogolaado aniga waan ogolhay, balse hadii u abhay uu kaa diido ha ii imaan hore usii soco ayay ku tiri gabadhiii.
Ninkii maal qabeenka ahaa asagoo layaban gabadhan quruxda aqlaaqda dhowrsanida barinimada u wada kulmeen ayaa wuxuu soo aaday dhankii uu daganaa aabaheed, markii uu u yimaaday ayuu wuxuu ka codaday gabadhiisa in uu siiyo, balse aabaha gabadhiisa aad ayuu u jeclaa wayo rafaad badan ayuu kusoo koriyay mana uusan ogoleyn in uu si fudud uu ku bixiyo, aabihii wuxuu ku yiri niyahoow gabadheyda waan kusiinaya, balse waxa aan wataa hal xujo, xujadeydana waxa ay tahay in aad igu soo wareejiso wax walboo hanti ah oo aad adiga leedahay markaas ayaan ku siin karaa .
Balse ninkii hantiilaha ahaa waxa uu aad oola dhacsanaa gabadha quruxdeeda ayadoo kaliya ayaana u muuqatay, waxa uuuna ku fikiraayay in uusan heleyn gabar u dhigmato gabadhaan waligiis, maxaa yeelay gabar dayar qurux aqalaaq xishood dhowr sani u wada dhamaystoran yihiin in la isku helo wey adagtahay, wuxuu ku fikiray in uu hanti badan uu markale shaqeysan karo,wuxuu gabdhii aabahed uu ku dhahay waan ogolahay shuruudaada, waan kugu wareeejinaaya hantideyda oo idil si gabadhaada aad ii siiso.
Aabihii waxa uu ku dhahay xitaa guryahaga waad i siineysaa oo meel kale ayaad raad saneysaa, hantiilihii asagoon ay u muqan wax hanti ah ayuu ku dhahay mar un gabadhaada isii, aabihiina wuu siiyay gabdhiii oo asagaa u shisay gabdha waayo ninkii wax hanti ah uma harin, ugu dambeyn waa uu guursaday balse dantu waxa ay biday in uu ka guuriyo magaaladii ay ku dhalatay , maxa yeelay magalaa kugu kuma uusan lahayn guryaheedana waa qali, waxa uuna la aaday gabadhii meel ka baxsan magaalada, ninkii hantida badnaa waxa ay danta ku qasabtay in uu xamaali noqdo, si uu u shaqeeyo waxa ay cuni lahaayeen isaga iyo haweenaydiisii, balse wuxuu ku qanacsanaa in gabadhan quruxda badan ay tahay xaaskiisa.
Hantidii badneed wuuba iska iloobay,asaga iyo xaaskiisa waxa ay haayeen kuwo malin helo malina qado, noloshoodiina aad bay u liidatay, mudo kadib malin maalmaha kamid ah waxa soo booqday aabihii gabadha oo la wareegay hantidii wiilkii ay gabadhiisa u dhaxday, balse gabdhii marna wey ku faraxday marna wey ka murugootay aragtida aabaheed, waayo mar wey ku farxdoo aabaheed oo mudo oogu dambaysay marna wey ka murugootay oo wax ay ku marti soorto ayaysan hayn, xitaa shaah lacabo ma aysan oolin gurigooda, taasna gabadhii ayay walwalka kusii ziyaadisay aabaheed oo gurigeeda yimid misna aysan waxba u hayn.
Bale waxa ay soo xasuusatay guriga dariskeeda ah in uu dagan yahay ni ugaarsato ah, maalin walbo uu soo ugaarsado ugaar, ninkii ayay u tagtay waxayna ka codstay, in uu siiyo ugaartiis mid ka mid ah, ugaarsadaha maalinkaas waxa uu soo ugaarsaday sagaaro faro badan, waxayna ka codsatay in uu siiyo hal sagaaro, si ay u marti soorto aabaheed, balse ugaarsadaha waxa uu mudo ku haminaayay mar un in ay la hadasho oo ay gurigiisa ay timaado, waxa uuna ku dhahay waan ku siinaya ugaadheyda aabahaana si fiican ayaad u marti soori doontaa, marti soorka ka dib waxaan doonaya in aad ii soo laabatid oo jirkaaga aad i siisid damac ayaa gabadhii ka galay , gabdhii waxay ku tiri wax walbo diyaar ayaan kula ahay ee sagaarada isii aabahay in aa si wanagsan u marti qaado ayaan doonaya, adigana sido kale wan kugu marti qaadaya imow gurigeyga ayay ku tiri.
Sagaaradii waa ay gawracday, waxa ayna u wacday ninkii dariskeeda ahaa nin keeda waa uu joogay , sido kale aabaheed wuu joogay, cuntadii markii ay diyaarisay markii ay u wacaysay ninkii dariska ahaa, ninkeeda iyo aabaheed waxa y ku tiri sadexdii doqomada ahaayow raashiinka waa diyaar, ee imaada ayay ku tiri gabadhii, balse waxaa yaabay aabhihii gabadha dhalay, wuxuu is dhahay gabadhada maxay doqon kuu leedahay, sidoo kale ninkii ayada qabay wuu yaabahay waligaa doqon kuma aysan dhihin doqon sababta maxay atahay, kama marna nin kii dariskeeda ahaa.
Raashiinkii ayay dul fadhiisteen, aabihii ayaa gabdhiisa u wacay wuxuu ku dhahay gabadheydiyeey sadexdeenub waxaad nagu tilmamtay inaa nahay doqomo ee maxay tahay sababta oo maxaad noo aflagaadeynaysa? gabadhii ayaa si dagan ugu jawabtay oo ku tiri sadexdinuba waxa tihiin doqomo aad u waaweyn aabihii ayaa la yaabay, oo maxaad ka wadaa gabadheydi ayay ku tiri, balse gabadhii ayaa ku tiri aabe adiga waad i dhashay aabahay ayaad tahay , waxaadna igu dartay nin balse maxaad samaysay ninkii aad igu dartay hantidii u lahaa oo dhan ayaad ka qaadatay xitaa guryihii uma aadan dhaafin ninkeyguna jeebkiisa shilin kuma aadan reebin , hadana adigoo sidaa og ayaad iisoo martiday, adigoo og in aan haysan wax hanti ah oo an kugu marti sooro, doqonimada aan kugu sheegayana waa taaas.
Odey giina waa uu garow saday in uu doqon yahay sidaa aytahayna gabadhii oo waxba haysan ayu u soo martiyay, hadna ninkii yada qabay ayaa weydiiyay wuxuu ku dhahy xaaskeygiyeey anigna maxaan doqon ku noqday bal iisheeg? waxayna ugu jawaabtay aniga waxaan ahay hal ruux waan dhiman karaa, maalintii aad i guursanaysay ayaan dhiman karay waxan ahay qof nafley ah , hantidaan waxbadan ayaad usoo rafaday waad usoo halgantay , markii uu aabhay uu ku weydiiyay si fudud ayad ku dhiibtay mana aadan reebin wax aad igu nafaqeeso awlaadii aan kuu dhalo aad ku nafaqeyso ma adaan reeban nolosha aan ku jirno waad u jeeda waa midan doqonimada aan kugu sheegayo.
Ninkiina waa uu ku qancay doqonimada lagu sheegay in ay sax tahay sidoo kale ninkii sadexaaad oo ahaa ninkii dariskeeda ahaa ayaa dhahay aniguna, maxaan doqon ku noqday haweenaydii waxay ku tiri anigunwaxaan ahay dariskaaga dariskana xaq ayuu isku leeyahay, waxaan ku weydiistay ugaartada mid kamid ah waxaadna isiisay ugaartii, waxaadna iska dhaadhicisay hadaad sagarada isiiso in aad helayso jirkeyga aan dambi kula sameyyo anigaa ah marwo la qabo ah, doqonimada aan kugu sheegayo waa midaas, ninkii ugaarsatada ahaa sidoo kale wuu qaatay qaladkiisa oo wuu ku qancay doqoni madii lagu sheegay
0 Comments