What happened to the arrogant man who used to trouble his wife
Shekadan waxaa ka sheekenaya ninkii aY Ku dhacday qisadan wuxuu dhahay waxaan ahaa nin dhalinyaro ah waxaan ahaa nin xoogbadan oo jirkeygu aad bu u xoog badnaa islamar ahaantaana nin carabkiisa aad u adag yahay , maalinkastana qofbaan dilaa ama qof baan caaya ama qobaan dhib u geystaa, wuxuu dhahay waxan ahay nin sidaa kusoo koray, anigoo sidaa ah oo xoog is bidaayo maalin maalmha kamid ah waxa igu soo baxay nin oo xaaskiisa la socdo ayaa igu soo baxayoo hablihiisii wato , ninkaasi waxkale iguma uusan sameyn kaliya baabuurkiisa ayuu baabuurkeyga usoo dhaweeyay , soo dhaweyntii baanka xanaaqay, waan ku xanaaqay ninkii anigoo kalmado ad adag ku oranaayo oo aad u fool xun , ninkii asagoo ay ka muuqato maskiinimo ayuu inyuu aamusay ayuu kalmado aanan aniga markaa maqley carabkiisa ka yiri.
Waan iska dhaafay oo wan iskaga tagay ayuu yiri, markii dambe ayay igu soo dhaceen waxan is weydiiyay taloow kalmaduhuu yiri ma habaar ayay haayeen ,waan iska tagay ayuu yiri aabahay ayaan u tagay aabahay ayaan ooga sheekeyay wixii maanta dhacay, aabahay wuu igu xanaaqay wuxuuna igu yiri ninkaa waxad ku smaysay waxaan rajaynayaa ilaahay inaau aaqiro kaa jarin ee aduunkan kaaga jaro taasa labadoodu kuu fudud.
Wuxuu dhahay waxaan ahay nin dhawaan guursaday, maalin maalmaha kamid ah ayaan aniga iyo xaaskeyga suuqa wada tagnay, xaaskeyga marklaan suqa wada tagnay wan is qilaafnay, anigana xaaskeyga wey iga baqataa ayuu yiri, markaasan iskugu daray hanjabaad iyo caay, markaas ayadoo aad tacbaan u ah oo naxsan ayaan baabuurka soo raacnay, anagoo wadadii saaranay gurigiina ku socono ayuu baabuurkale na hor galay, baabuurkii ayaa dhaqaaqi waayay,baaburkii kale markuu dhaqaaqi waayay ayaan xanaaqay ayaa waxa dhacday inyar kadib in baaburkii dhaqaaqo waxyar ninkii watayna nosoo fidiyay gacantiisa , isagoo ka wada raali iga haada.
Anigoo xanaqsan ayaan soo dagay xaaskeyga waxaan ku iri kaas cashar ayaan usoo dhigaaya adna kadib ayaan kuu dhigaya, iyadoo ay leedahay ha dagin, maan dhagaysan ninkii baan u tagay, ninkii baa i yiri war niyoow baaburkii ayaa iga xumaaday, inaatu hadalka ii siiwadin ayaam qabad siiyay feer ayuu dhahay, imtaas markaan ku dhuftay ayuu ninkii halmar is badalay markaasu feer anan garaneyn meel uu ka yimaaday ayuu igu bilaabay , waxaan is arkay anoo dhulka yaalo .
Ninkeygaan aanan lataaban jirin ee xooga badnaa anoo dhulka yaalo ayaan is arkay, waan soo kacay ayuu dhahay ninkii oo sii socdo ayaan is iri ka dabatag, hadana laag ama darbo aan fileyn meel ay ka timi aanan aqoon ayuu igu dhuftay hadana dhulkaan galay, waxaan sooo baraarugay iyadoo xaaskeyga ay labada dhaban ay haysato oo dadkiina ay isku soo uruureen ninweyna uu leeyahay war kan xun waa kibraani ku yaroo muxtarim ah halkaan iska maraayay ayuu doo doontay kadibna cashar ayaa loo dhigay, intaas ayaan kusoo baraarugay.
Kdib aayar ayaa la isoo qaaday baaburkeygii baa la isaaray wan iska soo tagnay gurigii baan nimaanay , gurigii markaan xaaskeyga galiyay waan gali kariwaayay waan soo noqday waan war wareega buu yiri anigoo ka caraysan kii yaraa siduu ii galay maanta, kibirkeygii buu jabiyay ayuu dhahay, gurigii baan markii dambe kusoo noqday awal xaaskeyga markaan guriga soo galo wey soo boodi jirtay wey iga hor iman jirtay, waxaan arkay xaaskii oo iga hor imaneyn halkeedi ayay iska fadhidaa ana alaabtan siday ayan dhigay qolkeygii ayaan iska galay iska yara jiifso ayaan is iri , hordo waaba ay ii iman weyday.
Anigoo kala kacsab ayaan soo baxay ayuu dhahay aabahay ayaan u tagay abahay ayaan qisadii ooga sheekeyay abahay wuxuu igu yiri waad mutaysatay in maanta sidaan laguu galo, intaa markuu igu dhahay ayaan is iri maxaad ugu sheegatay, kadib aabahay waxaan ku iri xaaskeyga waan furaaya, intaas markaan u sheegay ayaan iska soo baxay gurigeygii ayaan imid hadana xaaskeygii ayadoo moobelkeedii iskaga jeedo oo aad u qosleyso ayaan imid, aniga markaas niyadeyda waxaa kusoo dhacay adaa lagaa shekesanaya hablaha ay saxibada yihiin iyo reerkooda ayay ku leedahay ninkii manta cashar baa loo dhigay, madama ay iyadu iga baqan jiratay dhib badana aan u geysan jiray hoos ayay ka faraxsan tahay , laakin ma rabto in ay farxadeeda ay ii sheegto , qolkeygii baan iska galay.
Mudo kadib aabahay ayaa soo galay gurigii markasuu wiilkiisi iyo xaskii uu qabay oo wada taagan ayuu ku dhahay wiilkeygiyoow manta dalabkeygu waa in la aqbalaa rabitaankega wa inad ii aqbashaa, ninkii ayaa dhahay inankii yaraa ee aad manta isleyseen aabhiis iyo rerkiisii oo wada socdaan ayaa ii imaadeen iyagoo raban in aan adiga shafeeco kuu noqdo oo leh inankaaga waxaan rabnaa in aad naga celiso ooad nagala hadasho oo aad tiraahdo iska cafi inankaas ayaanu kaa rabnaa lacag 10k oo doller ahna qaado ayay i dhaheen lacagtaana wey isoo dhiben oo naga sab sab.
Ninkii ayaa yiri maya ma aqbalaayo ninkaas asagan kaw kasiina ama anigu kaw iga siina odeygi baa yiri aabe ni ninkaan waa ninka koowad ee ugu fiican karateeyga 5 ama 6 nin oo waaweyn ayaa halmar dhulka dhigaa ayadoo ay sidaa tahay asaga iyo aabihiis iyo reerkoodi oo dhan ayaa maanta yiri war maanta cafis baan kaa rabnaa iyagoo wali baqanaya oo adiga kaa baqanaaya, ee waxaan ku oran lahaa cafis sii wuxuu dhahay maya , xaaskiisa halkaan kasoo booday waxay ku tiri ninkeygiyoow waan ku baryayaa ee ninkaa iska dhaaf oo iska cafi , intaas markay tiri ayuu dhahay aabahayoow adiga dartaa iyo anoo ilaahay jar ka rajeynayo ayaan ninkaa iska sii deynayaa.
Odeygii baa dhahay baskooladii aad u qaadatayna isoo saar ina marki ayuu oranayaa markii ay baabuurkii ay tageen ayuu ku oranaya waryaa axmaqyahoow , ma fahantay darsigaan kuu dhigay , markaasuu dhahayaa aabe waan fahmay oo waxaad tabtay in xaaskeyga horteeda aad iga dhigto ninrageedi ah in aad iga dhigto xaaskeyga horteeda in ninka uu aniga iga baqday in aad dib usoo saarto magaceygii iyo muuqal keygii oo ninm jiro aad iga dhigto, ana waxaan kuu balan qaadaya in aan dib dambe inan ku noqoneyn manta ka dib inaan xumaan sameyneyn xaaskeygana waan hagaajinaya.
Halkas ayay sheekadii ku dhamaatay
MUHIMADA SHEEKADA
isla weynidu inaaanay fiicneen in aaqirka aad la kulmeyso cawaaqib xumo
0 Comments