Qiso ay indhuhu la ilmaynayaan, caqligii ay hooyo kula dhaqantay wiilasheeda iyo gabdhaha ay sodohda u tahay, sheekadan waxaa ka sheekeynaysa hooyo dhashay saddex will ay dhashay misna ay u guurisay sadex gabdhood, sheekadan waxa ka sheekenayso hooyadas waxayna leedahay.
Waxaan lahaa saddex wiil sadexduba wey wada guursadeen, waxaan booqday midkii ugu weynaa waxaan ka codsaday in aan la dago oo la noolado waligey asaga, subax subaxyadii ka mid ah ayaan xaaskiisa ana gabadha aan sodohda u ahayn ka dalbaday in ay ii keento biyo aan ku weyso qato, markii ay ii keentay waan weyso qaatay waana tukaday, markii aan tukaday biyihii weysada kasoo haray ayaan ku shubay sariirtii an ku jiifanaayay, subax nimadii markii ay ii keentay shaah ayaan waxaan ku dhahay, gabadhey diyeey tani waa xaalka dadka dada waaweyn, waxaan ku kaadiyay firaashka da iyo waayeel nimo iga daba timi awgeed.
Xaaskii ayaa kusoo jeesatay sodohdeed weyna ku qeylisay sidaran hooyadii waxay tiri waxay i maqashiisay hadalo aaad u kulkulul, waxayna iga dalbatay in aan dhaqo firaashka kadibna aan nadiifiyo, waxayna igu tiri markale ha u laaban arintaan ookale, waxay leedahay maamadii waayelka ahayd iyadoo sii wado qisadii, waxaan muujiyay caro daran waxan dhaqay firaashkii, waana qalajiyay, waana baxay si aan oola dago wiilkeyga dhaxe yacnii midkii weynaa kan ku xigay.
Waxa tiri maamadii waxaan sameeyay isla sidii aan sameeyay sidii hore, oo firaashkii ayaan ku shubay biyo, xaaskiisii wey xanaaqday weyna qeylisay, wexeyna arinkii u sheegtay ninkeeda, oo ahaa aniga wiilkeyga, ma uusan aamusiinin mana uusan dhibaateynin, iyada iskaba daaye asagaan ka arin ficilkaan ka filaayay,waxay tiri waan kasoo tagay agtooda, si aan oola soo dago wiilkeygii ugu yaraa, yacnii sadexdii wiil midkii ugu yaraa.
waxay tiri maamadii waxaan imid guriga wiilkeygii ugu yaraa, waxaana sameeyay isla sidii hore ugu sameeyay labadii wiilal xaasaskoodii, midkii weynaa iyo kii dhexeba , markii ay iikentay xaskiisa shaaxa subaxnimadii, kadibna aan u sheegay in aan ku kaadshay firaashka, waxay igu tiri dhib malahan hooyo, tani waa xaalka dadka dada ah,imisaan kusoo kaadinay korkiina inagoo aad u yar yar, kadibna waxau qaaday firashkii weyna dhaqday kadibna wey wanaajisay ayadoo hadalo naxariisleh kula hadlayso.
Maamadii waayeelka ahayd waxay tiri, waxaan ku dhahay xaaskii wiilka qabay gabadheydiyeey waxaan leeyahay saaxiib waxayna ii dhiibtay lacag waxayna igu tiri waxaad isoo iibisiii waxyaalaha ay dumarka isku qurxiyaan, sada dahabka oo kale saxibteydaas cabirkrda waa cabirkaaga oo kale, ee ii dhiib dahabka gacanta kuugu jiro, dabadeena way u dhiibtay gabadhi, maamadii waayeelka ahayd waxay aaday suuqa, waxa ayna haystay lacag aad u faro badan lacagtii oo idilna waxa ay kusoo iibisay dahab iyo wax yaabaha ay dumarka isku qurxiyaan.
Kadibna waxay isugu yeertay wiilasheeda iyo xaasaskooda, waxayna soo bixisay dahabkii iyo wax yaalihii la isku qurxinaayay, waxayna u sheegatay in ay biyo ahaayeen waxi ay ku arkeen sariirahooda oo ay ku shubtay maamada, balse aysan ahayd kaadi sida ay moodayeen ayaga kadibna waxa ay dahabkii wada galisay gacanta xaaskii wiilkeedii ugu yaraa, waxayna tiri maamadii waatan gabadheyda taas ooo aan ku badbaadayo agteeda inta aan waayeelka ahay xaaladkastoo isoo wajahda cumrigeygana aan ku dhamaysanaayo iyada agteeda.
Labadii xaas ee kale aad ayay u naxeen waxayna shalaayeen shalayto midii ugu xumeed, ''ALLE subaxanhu watacaala kor ahaayee wuxuu yiri samaan abaalkeeda ma waxan ahayn samaan'' wanagu sidiisuba wanaag ayuu dhalaa wanaag samee si badalkeeda aad u dhaxashid wanaag, wanaag samee alle dartii adigoon badalkeeda amaal gud aan cidna ka sugeyn alle mooyee , mideda kale waa lidka ha cananan hana ku oran hadal xun oo ay dhibsadaan ogoow in aan xaqa waalidka la gudi karin.
Hadaad labadaada waalid aad soo garto ama midkood aad ka kasbban weydo janno waxaad tahay mid khasaaray aduun iyo aaqiraba, Amarka waalidka oo aad diido waxaad ku mutaysan naar, Camal waxa ugu fiican salaada oo waqtigeeda la tukado, camalkaas kan xigo ama qodobka labaad waa waalidka oo loo asxaan falo Xaqa hooyada ayaa saex jeer ka weyn xaqa uu aabha kugu leeyahay { xaqa 1,2,3, waxa kugu leh hooyada , xaqa 4aad waxa kugu leh aabaha } halkaa waxa kaga cad in hooyada ay ka xaq weyn tahay ama ka xaq badan yahay aabaha anan la gudi karin.
Baari u noqo aalidkaa waxa ay jecelyihiina jecloow baari u noqo u asxaan fal fulina amaradooda oo dhan marka laga reebo ku xadgudub diinta islaamka
0 Comments