LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

What Happened to the 3 Boys Who Married their Mother to 3 Girls, An Amazing Story.

 Hooyo ayaa waxay dhashay sadex wiil oo ay aad u jecleyd  noloshoodi yaraantood ay aad usoo bar baarisay , waxayna ahaayeen kuwo markasto ka caawiyo hawlaha guriga iyo sidoo kale hawlaha bananka loga baahan yahay, dabadeed waxay go'aansatay markay weynaaden in ay u guuriso waxa ay raadisay sadex gabdhoos oo ay saaxiibteed dhashay yacni gabar ay yaraanti isku fiicnaayeen, sadex gabdhood oo ayagana aad u dhaqan wanaagsanaa oo sida wiilasheeda oo kale ah.

Maamada waxay jeclaatay in ay wiilasheeda ay u xusho si ay nolosha ay hada ku jiraan ay ugu sii niraan wey u guurisay , balse guurka kadib maxaa dhacay, sanad markii ay kasoo wreegatay ayaa hooyadii dhashay gabdha ayaa u timi hooyadii wiilasha dhashay, waxayna ku tiri kawran gabdhahaygii, waxay ku tiri gabdhahaga wey wanagsan yihiin nolol wanagsana wey ku jiraan, lakin wiilasheydii ima weydiineysid miyaa waxayna ku tiri maxaa wiilashaadii ku dhacay.

Miyay dhinteen, maqaar baa dhawac ah ma dhibaato ayaa gaartay, maya ayay ku tiri lakin wiilasheyda wxay noqdeen sadex wiil, halka ay ahaayeen halwiil oo kaliya , waxay ku tiri sidee? wiilasheydu  id ka mid ah waxa uu noqday Amiir , midna Igudaa halka kan kalena uu yahay ina keen, markaasay hooyadii gabdhaha dhashay waxay ku tiri kuma fahmin maxad oola jeedaa dabadeed waxay ku tiri nakeen adaa fahmi doonee, waxa ay booqdeen labo ka mid ah lamaanihii, guryahoodii, markii ay guriga galeen ayaa aad loo soo dhaweeyay, si marxabo leh yacni dad hooyoyin kood usoo martiyeen.

Dabadeed wiilkii waxa uu la fadhistay hooyooyinkiis isagoo u sheekeenaya islaantii waxa ku dhahay orod ukeen hooyooyinkeen waxay cunaan iyo waxay cabaanba , markii ayay gabadhii jikadii gashay oo ay keentay wax ay cunaan iyo waxay cabaan, kolkii la dhargay oo la faajooday oomeeshii la fadhiyo ayuu soo sagootiyay ayuu ku dhahay hooyo ilaah ha idin nabad geeyo , markii ay bananka usoo baxeen ayaa hooyadii wiilasha dhashay ay ku tiri iska baro kani waa amiir, markaas ayay hooyadii ku tiri kuma fahmin ilaa hada maxaad oola jeeda.

Waxay ku tiri nakeen dabadeed waxay tageen gurigii kale halkii markay tageen ayaa aad losoo dhaweeyay si marxabo leh kadibna wxaa la fadhiisiyay qolka fadhiga waxaa lagu yiri inta noo fadhiya anagaa idin maamusi doone oo idin keni doono waxad cabtan iyo waxaad cuntaan, dabaded wiilii iyo gab dhii oo wada socdaan ayaa jikadii wada galeen, wax ayay soo wada kariyeen cabar kadib ayagoo saxamo waaweyn wadaan ayay ayay u yimaden halkii ayaa mar kale meshii wax lagu wada cunay

Kolkii cabaar la wad ajoogay ayaa  lasoo mac salameyay oo layiri alle ha idin nabad geeyo hooyooyin , kolkii ay gurigii kasoo baxeen ayay hadana hooyadii ku tiri iska baro kanina waa igu daa, waxay ku tiri ilaa hada kuma fahmin, waxay ku tiri nakeen adigaa i fahmi doone dabadeedna waxaa la tagay gurigii sadexaad sidii ookale ayaa loo soo dhaweeyay salan iyo ismar xabeen ka dib, wiilkii ayaa ku yiri heblo wey xanuusanaysaa wa caajizeysaaye ina keena maqayadan hoos ku taalo halkee ayay labdii hooyooyin soo raacen.

Oo waxaa la fadhiistay maqaayadii  halkii ayaa wax la wada cunay oo lagu sheekeystay oo waqti lagu qaatay dabadedna sidaas ayaa hooyooyinkii lagu soo macsalaameeyay, kolkaas ayay ku tiri kanina waa ina keen  hooyadii gabdhaha dhashay waxay ku tiri ilaaa hada kuma fahmin , dabcan adiga aqristaha ah waad fahan tahay dulucda laakin inta hooyadas oo kale inaa fahan siiyo sheekada  muhiimadeeda u fahmaan .

Kan koowad waa amiir markay hooyooyinka u tageen asaga ayaa ag fadhiistay gabdhii ayuu adeejiyay halkaas waxa uu u dhaqmay sida amiir oo kale ah waana sida ragbadan oo somali ah sida ay u dhaqmaan marka ay reerahooda ay joogan, kii labaad kolkii ay hooyoyinkii u tageeb neel ayuu fadhiisiyay mrkii uu soo dhaweeyay ka dib dabadeed islaantiisi ayuu jikada la galay wax lasoo kariyay howshii lasoo fududeeyay ayagoo wada jiro cuntadii u keenen hooyooyinkood kaasna waa igu daa oo markato hawlaha dhibka badan oo ay islaantiisu ay qaban karin dhaho igu daa waa sida raga qaar ay u dhaqmaan .


Wiilkii sadexad si la mid ah markii ay hooyooyinkii booqdeen si la mid ah kuwii hore ayuu usoo dhaweeyay balse waxa kaliya uu ooga duwanaa kuwa kale waxay ahayd halka uu jikada uu islanta u diri lahaa ama ay wada gali lahaayen ama uu isa gali lahaa uu bananka u waday dabadeedna uu meel maqaayad ah uugeeyay halkaasna ay waqtigii ay rabeen ku wada qaateen ku sheekeyteen halkaasna uu ku sagootiyay , kaasna wxa la yiraahdaa ina keen oo islaantiisa iyo asagaba waa labo kala daranwaa labo caajis layaal ah o iskuma waafaqsana in jakada la galo ama howsha guriga la wada qabto.  https://www.facebook.com/share/v/rbVJJyAfNsyRaHMz/?mibextid=w8EBqM

Oo ialaanta ma ogu in howsha guriga aya iyada u taalo asna ma ogo in la is caawiyo oo islaantiisu ay ka rabto caawimaad yacni  gurigooda ma ahan guri loo soo martin karo hadaba dulucda sheekadan ku jirto maxay tahay waa sadex faaiido . hadaba tan 1aad in qofku uu is badali karo nolosha guurka ka dib yacni sida soo sheeg nay wiilashaan waxay ahaayeen wiilal isku dhaqan ah  isku dabeecad ah marka guriga hooyadood joogeen laakiin markii ay gursadeen ka dib wey is badaleen oo midba waxa uu yeeshay sida uu islaantiisi uu ku arkay 

Post a Comment

0 Comments