LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Nin imaam ah oo lagu nabay in uu lacag ka xaday qooys uu la afuraayay maxaa ku dhacay qiso cajiib ah

 Qiasadan waa qiso layaableh waxay ka dhacday mid ka id ah wadamada carabta ah ayaa waxa ku taalay tuulo, waxaana tuuladaas ku yaalay masjiod aan sidaas u weyneen, masajidkaasna waxaa imaan ka ahaa nin  xifdisan quraanka kariimka, sidoo kale diinta wax ka yaqaano, sidoo kale wuxuu wax ka yaqaanay luuqadaha maxaliga ah wuxuuna tuulada ka ahaa sheeq,dadka tuulada ahna waxay ahaayeen kuwo ixtiraamo oo cizeeyo imaanka, markastana wey wanaajin jireen, qofkastana gurigiisa ayuu ku marti qaadi jiray jaceyl loo qabo dartii , gaar ahaan marka lasoo garo bisha barakeysan ee ramadaan,qoyskasto wuxuu ku hamin jiray in uu mar un la afuro imaamka , habeen kastana guri gooni ah ayaa looga yeeri jiray, sii uu oola afuro.

Mudo ka dib habeen habeenada ka mid ah,waxaa marti sooray ninkii imaamka ahaa qoys ka mid ah qoysaskii daganaa tuulada, markii uu soo oogay saladii maqrib ka dib ayuu u imaaday reerkii, si fiican ayay usoo dhaweeyeen una marti sooreen, waliba si aanan hore loo arkin, markii uu afurkii dhameystay ayuu isaga tagay reerkii, asagoo u duceynaayo qoyskii, mar wadii qoyska guriga sheega lagu marti soo ray ayaa waxay soo xasuusatay in ay lacag saaratay miiskii lagu cunteenayay, lacagtii ayay ka raadisay miiskii , ma aysan helin , sidoo kale waxa ay ka raadisay dhamaan qolalkii ku yaalay guriga oo dhan waa ay weysay.

Ninkeedii markii uu kasoo noqday salaadii taraawiix kadib waxay u sheegtay arintii, waxayna ku tiri ma aragtay lacagtii oo ma adigaa meeshan ka qaaday?, ninkeedii ayaa ku yiri maya waxaba ma arkin, xaaskii ayuu ku tiri gurigeena cidna ma soo galin marka laga reebo imamka, asaga oo kaliya ayaan kaga shakisanahay, nin kii wuu xanaqay wuxuuna ku yiri sidee ayuu arintaan imamka u samaynaaya? anaga ayaa gurigeena ugu wacnay oo marti soornee, soo imaanka waa jibkuma ahan in uu dadka tusaale u noqdo.

Inkastoo uu ninkii saaid uu u xanaqay hadana wuu ka xishooday in uu sidaan imaamka ku wajaho, lakin ninkii wuxuu bilaabay in uu imaamkii uu ka fogaado, si uusan u salaamin ama uusan oola sheekeesan, markii arintii ay kasoo wareegatay sanad lana soo gaaray bishii kale ee ramadan, waxaa timi habeenkii ay qoyskii ay marti soori lahaayeen imaamka, si uu oola afuro, ninkii waxa uu soo xasuustay dhacdadii taas oo ahayd tuhunkii ay ku tuhmaayen in imaamka uu ka xaday lacag,ninkii waxa uu latashaday xaaskiisii, taas oo ahayd haweeney wanagsaneed  wuxuu ku dhahay maxaan ku smaynaa imamka? waxay ku tiri iska daa waxba haku sameyn waayo waxaa laga yaaba in imaamku ay u geysay daruuf, sidaa awgeedna uu u xaday lacagteena waan isk cafin doona alle ayaa anagana nacafin doono.

Afurkii ka dib ninkii waxa uu u yeeray imaankii waxa juuna ku yiri miyaadan ogeyn in aan badalay sidii hore aan kuula dhaqmi jiray, ramadaankii hore ilaa ramadaankan waxaan ahaa mid aan si wangsan kuula dhaqmin sabab jirto awgeed, imaamkii ayaa ku yiri haa waan dareemay  lakin ma daba galin mashquul aan ahaa awgeed,ninkii guriga lahaa wuxuu ku yiri wax ayaan rabaa in aan ku weydiiyo ee si wanagsan iigu jawaab hadalkiisii asagoo siii wato ayuu wuxuu ku yiri , xaaskeyga waxay weyday lacag faro badantaas oo saarneed miiskii aan ku cunteeneynay,lacagtiina waxa ay weyday markaad baxday ka dib, meelkastana waan ka weynay ee adiga miyaa qaatay, ninkii imamka ahaa ayaa ku yiri haa aniga ayaa qaaday, ninkii guriga la ahaa aad ayuu u yaabay asagoo eegayo imamka, imamkii oo hadalkiisii siiwato ayaa yiri, lacagtu waxa ay taalay daaqada agteeda daqadana wey furned, daqadan waxa kasoo galay hawo taas oo kala firdhisay lacagtii,anigana waan isku soo uruuriyay si aysan u kala dhumin, waxaan idin galiyay kutaabkaas quraanka ah, si eydaan u waayin oo radunteeda idinkugu adkaanin.

Imaamkii ayaa madaxiisi hoos u dhigay asagoo bilaabay in uu aad u ooyo, markaas ayuu ku yiri magaraneysaa sababta aan u oynaayo, lama oynaayo shakiga aad iga qaadeen awgiis, laakinse waxaan la oynaya in qoyskiina qof ka mid ah uusan aqrin sanad dhan qur'aanka kariimka ah, kitaabka musxafkana uusan kala furin, hadii aad kutaabka qur'aanka ah mad kaliya furi la haydeen waxaad heli lahaydeen lacagtiina, markasto waxaan idin dardaarmaa aqrinta qur'aanka, wuxuuna xasuusiyay xadiiska rasuulka NNKH oo ahaa [aqriya qur'aanka maalinta qiyaamo wuxuu imn doona asagoo idin doodi doono ama idin shafeeci  doono asxaabtii aqrin jirtay, maalintaasna waxaa kuu doodi doono qur'aanka.

Ninkii guriga lahaa wuxuu u orday dhankii kitaabka wuxuuna furay kutaabka, wuxuu ka helay lacagtii aan waxba ka mqneyn, wuu ooyay wuxuuna usoo noqday imaamkii, wuxuu ku yiri waxaa igu balan ah in aan maalin kasto aqrin doono qur'aanka waliba si aan kala golahayn


Post a Comment

0 Comments