Sodohdeed ayay sunsiisay si ay nafta u dhaafiso sheeko cajib ah
Koobkaga shaaha soo qado shedan si fiican u aqriso wa hubaal waa sheeko ku cajab galin doonto
Nin dhaqtar ah ayay u tagtay si ay ooga soo qadato suntii ay ku dili lahayd sodohdeed balse maxaa dhacay, wixii ku sababay iyo arinta ku dhacday sheekadaan ayaad ku ogaan doontaa .ee soo dhawoow .
Gabadhii madama ay wiilkaan jeclayd wax walbo waa ay ku qaadatay oo waxa ay tiri aqbal iyo gudoon, intaa ka gadaal arooskii iyo meherkii iyo wixii oo dhan ayaa dhacay, dabadeedna gabdhii gurigii ayaa la geeyay, mudo dhoor bilood markii laga soo wareegay ayaa waxa iska hor yimid gabdhii iyo sodohdeed yacni gabdhii iyo wiilkii hooyadiis aya iska hor yimid meeshii booq ayaa ka dhashay dagaal iyo isla ficiltan challengi waxbay isku sameeyeen.
Dabadeed waxay timi meel farmashiye ah nin dhaqtar ay u timi waxayna u sheegtay arintii oo dhan waxay ku tiri duq sodohdey ah oo cirka laga soo tuur ah oo nafta ii keentay ayaan rabaa inaa gabigedba ka taqaluso o nolosha dhan aan dhaafiyo, guri yar oo sadex qol ah aniga iyo ninkeyga aan ku jirno ayay nagu cariirisay , ninkii dhaqtarka ahaa wuxuu dhahay armaad nin kale u tagtay dhaqtar kale u tagtay , waxay ku tiri maya adiga un baan kuu imid dhaqtar kale ma utagin.
Wuxuu ku dhahay arintaan qofkle hala wadaagin aniga iyo adiga bis ayay noo dhaxaysaa islaantaana waan ka taqaluseynaa , wuxuu ku dhahay isoo laabo sadex maalin ka dib gabadhiina wey kasoo tagatay ayadoo faruuryo qaniineyso ciil dartii sugi kari la sadexda maalin uu sunta soo siin doono , dabadedna sadex maalin ka dib ayay u tagtay dhactarkiina waxa uu soo siiyay dhalo yar oo ay wax ku jiraaan dabadeedna waxa uu ku dhahay markastoo aad hilib siinayso ama digaag ama hilika geela ama loda ama arigaba korka oogu dar dar sadex ama afar mar ku dhibci, dabadeedna ayada sii oo ninkaaga xitaa yuusan la cunin ayada bis ku ogoow , waxay ku tiri waa balan waad igu ogtahay.
waxay dhaqtarkii intaas oogu dartay marabo in ay hore ka dhimato waayo waa la iga shakinaaya waxaan rabaa in ay tartiib tartiib u dhamaado jirkeeda sidaas ay ku dhimato , wuxuu ku dhahay haa sidaas ayay daawada u shaqaysaa ee sidaas samee oo mudo lix bil ah ayaad jawaabteeda helaysa yacni ay dhiman doontaa ,lakin wuxuu ku dhahay bishardi inta ka horeysa oo ay socoto lixdaan bilood waa in aan adiga lagaa dareemin oo maxaad samaynaysaa hooyadaan wax walbo oo ay ku dhahdo waa maqlaysaa oo waad la saaxiibaysaa wax kasto aqbaltu ayaad dhahaysaa naxariis ayad u muujineysaa si aan lagaaga shakin oo hadhow loo dhaho gabadhan iyo sodohdeed wey is jeclaayeen, sida darteen oo aan la helin wax lagaaga shakin karo hadhow oo soo dhaweyso.
gabadhiina waxay ku tiri waad igu ogtahay, dhaladii yarta ayay soo qaadaytay subax kasto waxay samaysaa hilibka ay siineyso ama wax kasto ay siineyso ayay ugu dartaa si lamid ah sidu uu dhaqtarka uu kula soo dardaarmay ayay samaysaa ayadoo barinimo kula dhaqanto lugaha u riix riixdaa yacni si gabar nimo in ay ad u jeceshahay, mudadii ay howshaas socotay gabadhii iyo sodohdeed waxay noqdeen saxib aad isugu dhow o hooyadiina sidoo kale gabdhii naxariis ayay u muujisaa , labadoodii wey is dhaxgaleen.
Ninkii gabdha qabayna arintas aad ayuu ugu farxsamaa wayo xaaskiisa iyo hooyadiis aya si wanagsan u wada dhaqmaayo islantii waxkasto ay haysato ayay siisa sida gabadheeda oo kaled ,gabadhii mudo dhoor bilood ah gabadhiiwayo dhaqtarkii ayay u timi waxay ku tiri dhaqtaroow waxaad iga caawisaa wax suntaas ka hortagayo ma rabo in ay hooyadeey iga dhimato sababtoo ah waan jeclahay hada waxay ii noqotay qof aad iigu fiican ani iyo sodohdeey ma dagaalano buuq nagma dhax tagno wan hishiinay hada waxaan rabaa inay ii noolato la aanteed cidlaan dareemayaa waxay tiri mataqaana wax looga hortago isii icaawi.
Waxyaalo saas ah ayay ku tiri ayadoo aad u wal walsan oo oynayso, dhaqtarkii wuu dhoola cadeeyay markaas ayuu ku yiri hagag hadiiba ay sidaa tahay hooyadaa qadarta alle ka soke kaama dhimaneyso oo waxa aan kunsiiyay waxa ay haayeen biyo sababtoo ah waxa idin ka dhaxeeyay kaliya inay yihiin qilaaf kaliya cadaawad aad isku dishaan aysan jirin hada sida aad oola dhaqmi jirtay oola sii dhaqan hooyadaana uurkeeda wax sun ah kuma jiro .
gabadhiina wey ku farxday wixii la siiyay in aysan aheen sun sidaas ayay kusoo laabatay gurigii sidii ayuuna reerkii kusooo dhaqanaday.
FAHAMKA SHEKADA
hadaba qofka aad rabto in uu ku wanaajiyo marka hore adiga wanaaji qof walba sidaa adiga oola dhaqanto ayuu kuula dhaqmaaya hadii qofka aad ka aaminto in uu cadowgaga oo aadan kula dhaqanto ficil guracan asagana sidaaspoo kale ayuu kuugu falcelinaya, sababtoo ah sheyga aad dabka saarto kama sugeysid tabashadiisu in ay noqoto qabooow
0 Comments