LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The daughter of her father asked the man she would marry, what did the father say to one of the two men GREAT STORY

Sheeko 

Gabadhii abahed weydisay ninkii ay gursan lahayd iyo jawab tii layabka lahayd.

Maalin maalmaha kamid ahayd ayaa gabar aabahed utimi waxayna ku tiri  aabow waxaan rabaa inaa guursado labo nin midkood, mid aniga ayaa jecel midna asaga ayaa i jecel, marka keen guursadaa oo igula talin lahayd? wuxuu ku dhahay waxaan kugula talina lahaa sadexdaan su'aan oo aan ku weydiin doono midkii ka jawaaba, waxay ku tiri waayahay bal hadaba ii sheeg oo iweydii, wuxuu ku yiri gabadheydiyeey Dad yaa ugu culus?, gabadheydiyeey dad yaa ugu xun?, gabadheydiyeey dad yaa ugu yaa ugu fiican?.

Sadaxsaas su'aal markii uu weydiiyay ayay gabadhii soo baxday waxayna u timi ninkii ay jecleyd ayada kolkaas oo ay ku hamineysay in uu ka jawaabi doono su'aalaheeda, waxay ku tiri wiilow dad yaa ugu culus? dad yaa ugu xun? dad yaa ugu fiican?, wuxuu ku yiri dad waxaa ugu culus hadba kii hilboon, dad waxa ugu xun cadowgaaga , sidoo kale dad wxa ugu fiican saaxiibkaaga, isla markiiba gabadhii wey kastoo tagtay waxay u timi kii jeclaa ayada , waxay kutiri bal hadaba adna ii sheeg , dad yaa ugu culus? dad yaa ugu xun? dad yaa ugu wanagsan?.

Wuxu ku yiri dad waxaa ugu culus Martida dadna waxaa ugu xun xididkaaga sidoo kale dad waxa ugu fiican Ubad kaaga, gabdhii wey soo tagtay waxay u timi aabaheed si ay ugu sheegto jawaabaha labadii nin, mid ay ayada jecleyd midna asaga jeclaa, waxay ku tiri aaboow waxaan kuu sidaa labo jawaabood aan kaga sido labadii rag sidii ay dhaheen ayay oogu sheegtay, aabihii wuxuu ku dhahay waa sax ,dad waxaa ugu culus martid, ee martidaada aad u ogsoonoow oo markii ay kuu timaado aad isku xilsaar  hadiiba aad guursaneyso wuxuu kalo klu dhahay dad waxaa ugu xun xididkaaga ee aad iska dhowr, waayo ceebtada kuma asturaayan, xumaantada kuguma dulqaadanayan, bugtadada inaysan kula qeybsan ayaa laga yaaba.

 Marka xididkaaga iskana dhowr iskuna dhowr,sinad ah ugu dhax nolow oo isku dhowr iskana dhowroo in xumaani kaaga tagto iska dhowr, gabadhii waxay tiri ima qancinee markle maxaad ileedahay, wuxuu ku yiri bal sadexdaan qaado jawaabtooda la imoow, wuxu ku dhahay Duunyo yaa ugu culus? Duunyo yaa ugu xun? Duunyo yaa ugu fiican? gabadhii weysoo tagtay waxay u tagtay kii ay jecleyd waxay ku tiri war hadaba Duunyo yaa ugu culus? Duunyo yaa ugu xun? Duunyo yaa ugu fiican?.

Wuxuu ku dhahay duunyo waxaa ugu culus hadba tii faro badan Duunyo waxaa ugu xun tii aan nacfi lahayn Duunyo waxaa ugu fiican duunyo tii nacfi leh ama dheef leh, wey soo tagtay waxay u timi kii ayada jeclaa waxay ku tiri bal adn ii sheeg Duunyo yaa ugu culus , Duunyo yaa ugu xun, Duunyo yaa ugu wabnagsan, wuuu ku yiri Duunyo Amaanada ayaa ugu culus Dunyose waxaa ugu xun Amaahda Sidoo kale Duunyo waaxa ugu wanagsan intiii aad leedahay ayaa ugu fiican, gabdhii weysoo tagatay waxay u timi aabaheed waxay ku tiri sadexdaan jawaabood ayaan kaaga wadaa, aabhihii wuxuu dhahay waa sax duunyada amaanada ayaa ugu xun ee gabareey amaanda iska jir ha qaban hadad qabatana aad iskaga adkee, wxuu ku dhahay duunyo amaahda ayaa ugu xun deynta ha qaadan hadaad qadatana iska bixi , wuxuu kaloo uu ku yiri duunyo inta aad leedahay ayaa ugu wanagsan ee ayaga aad ooga taxadar.

Intaasna waxa uu oogu daray ninka dambe guurso, waxay  ku tiri Aabow ima qancin markele , wuxuu ku yiri hadaba markii ugu dambaysay ayaan jaanis ku siinaya.waxad ii sheegtaa Dad intuu ogsoon yahay? Dad intuu ku jecel yahay? Dad intuu is dheeryahay? gabdhii wey kasootagtay aabaheed waxay u timi ninkii ay jecleyd waxay ku tiri war bal ii sheeg Dad intuu og soon yahay? Dad intuu ku jecel yahay? Dad intuu is dheeryahay? wuxu ku dhahay dad wuxuu ogsoon yahay intuu bartay, Dad waxa uu ku jecel yahay inta aad xoolo leedahay, Dad waxa uuna is dheer yahay dhirirka gabdhiin wey ka tagatay waxay un tagatay kii labaad ee iyada jeclaaa.


Waxayn ku tiri bal ii sheeg adna , wuxuu ku dhahay Dad wuxuu ogsoon yahay in uu dhimanayo, wuxu uuna ku jecel yahay inta aad asturan tahay, Dad waxa uu is dheer yahay caqliga, gabadhii wey tagtay oo aabaheed ayay u tagtay  waxayna ku tiri labadan jawaab ayaan kaaga wadaa markay u sheegtay , wuxuu ku dhahay gabdheydiyeey waa sax Dad wuxuu igsoon yahay in uu dhimanayo qof kastaa wuu ogsoon yahay nafkasto geeri wey dhimaneysaa alle ka cabsi ku dar Dad wuxuu ku jecel yahay inta aad asturan tahay oo ceebahga iyo baahiyahaga astur oo bananka hasoo dhigin  Dad wuxuu is dher yahay caqliga ee gabareey ninka caqliga badan ee noloshada maareyn karo guurso .

Kolkaas ayay gabadhii go'aan qaadatay waxa ay guursatay oo marwadiisa ay noqotay kii ayada jeclaa misna caqliga badnaaa.

MUHIIMA SHEKADA            

Caqliga ayaa ka awood badan waxa uu uurka rabo qofka aad jeceshahay qofka noloshaada mareyn karo ayaa kaga muhiimsan         

macsalamo hadad intaan soo gartay i share gare walal ado mahadsan                                                                                       

Post a Comment

0 Comments