LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

BAKAYLIHII MADOOWAA, ISKU BADALAY JIN MADOW QISO AAD U CAJIIB AH prt-1

SHEEO AAD U CAJIIB AH, BAKAYLIHII MADOWAA 

Sheekadan waa sheeko cajiib ah waxay ku dhacday nin odey u dhashay dalka maroco oo ugaarsaday bakaylo madoow, maxaase ka raacay dhamayso sheekadan .

Waxa jiray odey leh xaas iyo caruur waxay shaqadiisu ahayd ama qutul yoomkiisa uu ka raadsan jiray ogaar uu u gaartagi jiray duurka si uu usoo ugaar sado ugarta kala duwan, badana waxa uu soo ugaarsan jiray bakayle gurigiisa ayuu usoo qadan jiray si asaga iyo reerkiisa ay u quutaan, maalin maalmaha ka mid ah ayuu duurka soo aaday siduu wax u eeg eegayay ayuu halmar waxa uu arkay bakayle agtiisa tagan oo aad oogu dhow, bakaylihii ayuu ku dhubtay wixii uu ku ugaarsanaayay, wuuna qashay isla meeshii uu ku dilay ayuu haragii kaga saaray beerkiisii ayuu dubtay ama karsaday meshiii ayu kucunay, hilibka intiisii kale wusoo qaaday, wuxuu u keenay xaaskiisa, wuxuu ku yiri inoo kari bakaylahaan.

Xaaskii ayadoo isku diyaarineyso in ay bakaylihii kariso ayay qaylisay waliba qeylo dheer kutiri ninkeeda soo carar, markii uu u yimaaday ayay waxay ku tiri bakaylahaan aad ii keenatay wuu qeylinaaya anaa maqlaayay, wuxuu ku dhahay gacaliso sidee buu u qeylinaya hilbakan ileen bakayle nool kuma keenin ee hilib ayaan kuu kenay, waxay ku tiri wa sax balse waxaan maqlay qeylo dheer markan dhagaha la raacay waxaan ogaaday in uu hilibka yahay waxa qeylinaayo.

Ninkii wuxuu kudhahay yaananlagula yaabin ee noo kari hilibka , xaski ayadoo argagaxsan ayay karisay, waala wada cunay ayada caruurteedii iyo ninkeeda, ninkii odeyga agaa ee soo ugaarsaday bakaylaha caloosha ayaa xanuun kaga dhacay, wuu xanuusaday mudo markii uu xanuusanaa ayaa dhaqtar la geeyay, dhaqtarkii waxba kuma uusan sheegin, hadana aad ayuu u xanuusaday wuu caatoobay cato saaid ah , dhaqtar markii la geeyana wax xanuun ah oo laga sheego ma jiro.

Waxay daganaayeen meel tuulo ah horena waxay u daganaayeen meel tuulo aad cidlo u ah qof banii aadam ah aanu daganeyn, wuxuu odeyii dhahay waxan rabaa in aan dib oogu laabto gurigeeni hore madama aan la aqoon waxa u haayo aana aad u xanuusanahay kaligey in aa halkaas ku noolado ayaan rabaa cunto waxan cuno biyo iyo sali aan ku tukado hala ii qaado gurigii hala ii geeyo halkas ayaan alle isaga caabudaaya, hadaan dhintona wan arkaya hadii uu alle i caafiyana waan arkeynaa xaaskiisa iyo caruurtiisa wey la yaabeen sidee adigoo xanuusan aan gurigaas duqushka ah misna cidlada ah aan kuu geynaa oo aan kaga soo tagnaa adoo xanuusa, maya ayuu dhahay bartaas ii dhiga waxaad wadaan, 40 bari ka horna isugma soo laaban kartaan ama ano dhintay halkaa meyd keyga ka qaata ama anoo nool oo caafimaday anaa idin imaanayo balse ha ii imanina.

Gurigii duqushka ahaa oo cidlada ku yaalay aya la geeyay, meshii ayuu iska cibaaadeystay inta uu cunayo ama jiifo mooye waqtigiisa kale oo dhan alle ayuu iska baryaayay, habeen habeenada ka mid ah xiri maqrib ah wali arlada aynsan mugdi noqon, waxaa u timi qof dumar ah oo saaid u lafweyn oo naag dheer dheer oo madow dhar mad madoow wadato, oo aad moodo in qowmu caad inay kasoo hartay qof weyn baa u timi oo qeylineyso aaad u xanaaqsan, qofta dumarka ah waxay ku qeylineysay wiilkeygii baad dishay oo aad si xun u dishay waliba beerkiisii cuntay, waan ku dilaaya oo beerkagana aan cunaaya saad wiilkeyga beerkiisa aad u cuntay oo kale,odeygii wuu isku ar gagaxay wuxuu dhahay aniga wiil ma dilin asagoo kor u fiirinaayo waligeyba qof bani aadam ah ma dilin, ee goorman wiil kaadila? wuxuu dhahay wey xanaaqsan tahay hadalkaasay ku celcelineysaa.

Ayadoo kusoo foorarsatay ayadoo rabto inay gabigiisuba ay sidaa u kala goysobaa waxaa usoo gashay qpof kale oo dumar ah oo dagan wajigeenada xogaa farxad ay ka muuqato, oo aan xanaqsaneen sida qoftaan oo kale aan un weyneen, waxay ku tiri iska daa maanta bis iska daa aniga fadligeyga kudaa ilaahay dartii ku daa hadilin waa maskiin, halkaan ayuu iskaga xanuusan yahay iskla daa hadalo noocas oo kale ayay tiri, wuxuu dhahay dadkaan mesha ay ka imaanayan aniga ma garanayo, meesha aan joogo waa mel bari hore lag guuray, dadkana afkeyga ayay ku hadlayaan waan fahmayaa, wuxuu yiri labadii qof wey iga baxeen, ma aqaan meel ay aadeen , aniga waan argagaxay ma aqaan waxaan sameeyo, waxaan ka fikiray waxan cunay iyo waxaan dilay , wixiina waan garan la ahay, anigoo sidii u yaaban ayaan habeen kii sidii iskaga seexday.

Hebeenkii dambe bacdal maqrib isla waqtigii ayaa hadana qoftii ii timi sidii sikadaran u xanaaqsan, hadalkiina ku celcelinayso waan ku dilaaya berkagana waan cunaaya sidii aad wiilkeyga beerkiisa aad u cuntay, anigoo aad u cabsanaayo oo kor u fiirinaayo....

Lasoco qeybta xigto oo aad u xiiso badan insha allah goordhow prt-2


Post a Comment

0 Comments