LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

He killed his wife, and advice he gave was killed his beloved son in the world amazing story

Kawaran hadii talo aad bixisay loo dilo wiilkii aad aduunka ugu jecleyd,oo kaligiis aad awlaad ka dhashay ,,Qisadaan waa qiso aa aad oola yaabi doonto.

Hada kahor waxaa jiray nin waxa uu qabay naag aad u miskiinsan aadna ugu dambaysa, markastna wuu garaaci jiray oo waa uu dili jiray, maalin maalmaha ka mid ahayd sidii caadada u ahayd asagoo garaacaya ushii uu ku garaacayay aya waxay ooga dhacaday meel halis ah, ujeedka uu u dilaayay kaliya waxay ahayd inuu edbo ama uu maalintaas un uu xalada ka qaso, lakin ushii ayaa waxa ay ooga dhacday meel halis ah, sidaas ayayna xaaskiisii ku dhimatay.

Markii ay xaaskiisa dhimatay ayuu dul fadhiistay meedkeda ,aad ayuuna ugu dul fakiray, waxaana la xumaatay wuxuu sameeyay, sidoo kale wuxuu ka fikiray wuxuu u sheegi lahaa qoyskii ama qaraabada gabadha dhimatay, arintaas ayuu mudo ka fikiraayay, markii uu heli waayay jawaab macquul ah uu u sheego qoyskii iyo qaraabadii ay ka dhalatay gabadhu ayaa waxa uu soo aaday nin odey ah oo ay saaxibo ahaayeen, dabadeedna waxa uu u sheegay arintii, waxa uu ku dhahay '' waxa aan ul la dhacay xaaskeyga sida aan mar walbo sameyn jiray, maanta meel halis ah ayay ooga dhacday, weyna dhimatay''  ninkii oo  dhoola cadeynaayo ayaa dhahay ''  waxaas maa dhib leh, haween wey naga dhiman jireenee, waxaad sameyneysaa magalad ayaad aadaysaa waxa aadna raadineysaa wiil aad u qurux badan, oo il qabad leh misna kuusan,.

Ninkii ayaa dhahay maxaan ku sameynaaya miyaan qalaya , maya ayuu yiri ee waad soo wadeysaa waxa aad keenaysaa gurigaaga asagana wad dilaysaa, markii aad disho ka dib waxa aad isugu yeeraysaa qoyskii ay ka dhalatay gabadha, markaad isugu yeerto ka dib waxa aad ku dhahaysaa ninkaan ayaan ku qabtay xaaskeyga asagoo gogol dhaaf la samaynaayo, sidaas darteedna waan is celin waayay, labadoodana waan dilay, qoyskan arintaas wey kaaga qanci doonan.

Taladii ninkii wey la qumanaatay, wuu soo baxay ninkii dabadeedna waxa uu soo qabtay wiil aad u qurux badan, oo magaalada aabihiis kusoo deystay, wuu soo waday waxa uu keenay gurigiisa, dabadeedna qoorta ayuu ka jaray, intaa ka dib waxa uu isgu wacay ama isgu yeeray qoyskii gabadha ka dhalatay, wuxuuna u sheegay in ay la arkaan arintaan, arintu hadaba maxay tahay? in gabadhooda ay gogol dhaaf la sameyneysay ninkaan labadoodina uu dilay markuu is celin waayay, maadama uu ahaa nin damiir leh.

Qoyskii afka ayay gacanta saarteen! waxa ayna dhaheen arintaan sidey ku dhacday? gabadheena gabar wanagsan ayay ahayd, wuxuu ku yiri hadaba sidaasan arkay, waxay ka codsadeen qoyskii in arintaan aysan qofna uusan u sheegin, meydkana uu si tartiib ah uu u aaso xitaa gabadha aan loo sameyn dooninaas iyo tacsi iyo waxaas oo dhan aan loo sameyn doonin anan qofna la ogeysiin doonin, waxay ku dhaheen in halmar un aad ceebtaan naga asturto, gabadhaan ayada dhan arageeda naga qari, sidoo kalana nin kaan asna qari, xitaa dadna ha u sheegin qaabka uu u dhintay, wax walboo qarash ahna anagaa dhiibayno.

Ninkiina waa sidii uu rabayee, wuxuu yiri aqbaltu, balse maxaa dhacay , habeenkii ninkii saaxiibkiis ahaa oo taladan soo siiyay ayaa wuxuu ogaaday markuu gurigiisa tagay in wiilkiiasu maqan yahay , markuu cidii weydiiyay waxay ku dhaheen maantoo idin maba imaanba , dabadedna wuu soo arday wuu soo raadiyay, wuxuun imaaday ninkii uu talada siiyay gurigiisa, wuxuuna ku yiri war saaxibkeygiyoow aaway ninkii aad dishay meydkiisii, wuxuu ku yiri halkaan ayuu ku jiraa , kaalay i tus , hadii uu fiiriyayba waa wiilkiisii kaliya uu dunida ka qabay.

Meeshii ayuu fadhiistay asagoo barooranaayo, ilmeynayana , waxa uu ka shalaayay taladii qaabdarada ahayd ee uu bixiyay, ninkii ayuu ku yiri waxa aad dishay waa wiilkeygii, taladii an ku siiyay ayaad ku dhishay.

Hadaba horaa loo yiri god sireed ha qodin , hadaad qodona ha dheereyn ku dhici doontidaa lama ogee, sidaadaba hagar daamadu qodkeeda ayay ku noqotaa waxa qofka usoo laabto waa labo wax midna waa wanaag midna waa xumaanta hadad wanaag samayso badalkeeda oo wanagsan ayaad helaysaa , balse hadad wax hagar daame aad leedahay adigaa god ku dhacayo, 


adigaagan aqrinaayo maqaalkan waligaa ha bixin talo, ama fikrad laga yaabo in adiga ay biri dib kuugu soo laabato, wax kasto aad qof u sheegayso dheel ha noqoto ama dhab ha nqoto iska fiiri hadalka aad qofka leedahay, sabatoo ah hadii uu adiga ku dhaafo wuxuu gaari karaa walaalka ama eheladaada,marka talada aad bixinayso ama firkagaa

Post a Comment

0 Comments