LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

something unseen took him out of the grave, he killed his friend because of a pill

 Baribaa waxaa jiray wiil kunoola meel keen ah oo u dhaw  qubuuraha dadka lagu aaso, subax kasto waxa uu usoo shaqo tagi jiray qubuuraha , bal inuu helo qof soo dhintay oo lasoo duugo, subaxii dambe ayuu arkay gabar dul fadhido meed oo ku dul barooraneyso, waxa uu weydiiiyay waxa ku dhacay bal ninkaan ay duljoogto, iyaduna ay la oyneyso, waxa ay u sheegtay ninkaan in uu yahay ninkeeda, waxa ayna ku tiri waxa aan ahayn cid iska dan yar, oo ninkeyga waxa uu ka sheqeyn jiray ugaarsiga.

Mudo labo maalmood waxa aan raadinaayay meel aan ku aaso, qabuuraha dhan wey ii aasi diideen, maadama aan lacag haysan, wiilkii ayaa ku yiri waxba haka wal walin anaa kuu aasi doona , lacagna kaa qaadi maayo , gabartii wiilkii ayay u mahad ncelisay , weyna soo tagtay, maalintaas wiilkii wuu iska soo tagay isagoon wax lacag ma uusan shaqeysan,gabartiina wey iska soo baxday, markii uu waagii baryay ayuu soo aaday qabuurihii uu ka shaqeyn jiray, dabadeedna waxa uu u yimid, qabrigii uu aasay oo lasoo faqay iyo ninkii oo banaanka yaalo.

Aad ayuu oola yaabay kadib markale ayuu aasay , gurigii ayuu ku laabtay, asagoo daalan,maalin labaadkii markii uu yimid ayuu arkay in markale lasoo  faagay, aad ayuuna u naxay, isagoon aasin ayuu ka tagay, waxa uuna galay geed aan ka fogeyn qabriga balsi uu u ogaado qabriga ninkaan cida fageysa habeenkasta , waxa uuna fadhiistay meel qabriga u dhow, sii uu halkaan oga fiirsado waxa halkaan imaanayo,markii gabalkii dhacay dadkiina kala seexdeen meeshiina uu fadhiyo wali ayuu arkay nin dharcad wato oo usoo socdo dhanka qabriga , ninkii ayaa qabrigii soo dul istaagay, markii uu in mudo ah uu tagnaa ayuu isga laabtay, wuuna iska baxay.

Wiilkii qabriga qodaayay waxa uu soo aaday dhankii qabriga , bal si uu u arko waxa uu ninkaan sameeyay, markii uu kor istaagay ayuu arkay in markale lasoo faqay ninkii meydka ahaa ,isagoo aad u yaaban oo wajigiisana cabsi ka muuqato ayuu iska soo laabtay uu gurigiisii soo aaday, subixii ayuu qabrigii ku laabtay, markii uu qabrigii tagay ayuu arkay, wax kaniini kaabsol u ek oo qabriga agyaalo, kaniinigaas mudoba meesha wuu yaalay laakin isagu muusan arkeyn, markii uu damcay in uu soo qaato ayuu suuxay, saacado uu suux sanaa kadib wuu soo naaxay, waxa uu arkay naagtii ninka u keentay oo dul taagan.

Labadoodii waa ay isa soo raacen waxa ayna soo aadeen gurigiisa , dabadeed waxa ay fadhiisteen meel bananka ka ah gurigiisa, waxa uu weydiiyay waxa ku dhacay ninkaan, iyo in ay ogtahay arintaan, waxa ay u sheegtay in ninkeeda uu ka shaqeyn jiray u gaarsiga oo maalin maalmaha ka mid ah ay is raaceen nin ay saaxibo ahaayeen oo isaguna ugaarsan jiray, maalintaas oo dhan duurka ayay wareegayeen weyna waayeen wax ugaar ah wey so laabteen  balse markii in mudo ah ay soo socdeen ayaa ninkii kale eela socday waxa uu helay kaniini uu isticmaali jiray ninka magaalada xukuma oo sanadkii halmar la heli jiray.

Qofka kaniinigaas hela waxa uu noqon jiray qofka labaad ee magaalada xukuma waxay tiri ninkeyga waxaa galay damac , dabadeedna waxa uu lasoo baxay qorigiisi, waxa uuna xabad ku dhuftay ninkii , maadama uusan asga kaniiniga uusan helin, damacna uu ka galay, waxa uu soo qaatay kanii nigii , waxa uu u keenay ninkii magalad xukumayay, waxay tiri sanadkii oo dhan waxa aan ku jirnay baraaro iyo jawi wacan farxadi ay u dheertahay , markii sanadkii dhamaday oo ay lacagtii iyo wixii oo dhan ay naga dhamaadeen, ayuu maalin ni keyga duhurka aaday si uu usoo ugaarsado, maadama aan anagu xoolo lahayn.


Habeen iyo maalin ayuu naga maqnaa , subaxii dambe waxa aan kusoo kacay isagoo bananka jiifa, waxa uu ii sheegay in uusan noolan doonin, arintaana uu iiga sheekeyay iyo sido kale jariimadii dhibkii uu u geystay saaxiibkiis, waxaan geeyay qabri si aan usoo aaso meydjiisa, qabrikasto oo aan kusoo aaso waxa lakeynaayay meydkiisa bananka , ninkeygu waabananyaal hada, ugu dambeyn ninkii dilay saaxibkiisa banaka ayay taala qolfooftiisu,sida ay saaxibkiis qolfooftiisu ay bananka u taal

SHEEKADAN waxa aan kabaran karnaa sida aad qof yeesho wanaag ama xumaanba in adiguna lagaa jaseen doono ama lagaa abaal marin doono wanaaga wanaag ayuu dhalaa ee wanaag xumaan ma dhalo mar walbo ahoow qof dadka wanaajiyo si laguu wanaajiyo

Post a Comment

0 Comments