Saaxiib tinamdu waa cajiib, balse markuu maseyr meesha yimaadu wey ka baxdaa saxib timadu, xataa walaltinimad maseyrka ayaa ka xoog badan, sheekda aan kula wadaagi doono waa sheeko, marka aad maqasho aa aad oola yaabi doonto, waana sheeko jeceyl oo maseyrna uusan ka marneyn.
Maalin maalmaha ka mid ah wiil layiraahdo maxamed, oo lugeynayay, wado kamid ah wadooyinka qaahira ee dalka masar, halkaas oo uu ugu yimid jaamacad, dabadeed waxa uu arkay gabar aad u qurux badan oo markaas magaceeda la yiraahdo saara,wuxuu ku fikiray in uu la haasawo ,isla hadal iyo isbarsho ka dib, wey isku sheegtay in ma gaceeda la yiraahdo saara, asna sidoo kale wuxuu u sheegay in la yiraahdo saara, waala wada sheekeystay sidii rag iyo dumarka sameyn jireen, halkaas ayaa sheeko bilowgeed laga bilaabay, lambaradii ayaa lakala qortay, meshaas ayay ku kala tageen.
Dabadeed waxaa dhacay in mudo jaceyl iyo haasawe la sameyn jiray , maxamed sidoo kale wuxuu leeyahay ,mustaf oo aad isugu qaali ah ay yihiin labo qofood oo nafta un u dhaxayso, jamacadana wada dhigtaan , waqtiga ugu badan ay islaqaataan ayay ahaayen, xitaaa qoysaskooda oo dhan ay isku yaqaanan, waa saaxibo aad isugu dhow dadkana iskaga soocan,wey si caawiyaan haday noqoto dhanka jaamacada iyo nolosha sideeda kale, laakin maxaa dhacay?
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa saara iyo maxamed waxay ku balameen in ay kuwada kulmaan meel xadiiqad ah, ama beer sidaa u taqaanid, halkaas oo ay ku kulmaan dadka mucaashaqiinta, dadka rabaan inay jawiga badashaan, balse maxaa dhacay? maxamed ayaa beertii kusoo hormay waqtigii balanta ka hor, siday balantu ahayd ,oo waxa uu fadhiistay meeshii ay wada fadhiisen jireen, dabcan meeshan dhoormar oo hore ayay kuwada kulmeen ,kursi ayuu ku fadhiistay waxa uu sugay saara ilaa inta ay soo baxdo, qofkasto oo soo muuqdo wuxuu la yeesha bidaanta saara oo kale inay tahay , ilaa markii dambe ay hurdo qabatay.
Mudo saacad ah ayuu meeshii ku hurday, laakin intuu hurdaayay, ayaa waxa lagu kiciyay wax riyo u eg, qeylo sawaxan iyo buuq ayaa lagu kiciyay, iyo riyo uusan markaa ku farxin ayuu arkay, dabadeedna sheydaankii ayuu iska naaray, meeshiina wuu kaoo tagay, maadama ayasan saara soo socon , markii uu kursigii kasoo tagay oo dhoor tilaabo uu soo qaaday ayuu meel waxa uu ka maqlay hadal aad u hooseya oo meel dhiniciisa ah ka yeerayo, dabadeedna hadalkii ayaa noqday hadal soo jiitay, waxa uuna u dhigay dhagta, waana saara oo hadlaysa,kaaga daraneee hadalka hadalka ka agyeeraya , waa hadal uu mar iyo labo uusan arag, dabadeedna waxa uu dhoor iyo toban talaabo u qaaday dhankii uu hadalka kasoo yeerayay, haduu fiiriyay waa saaxibkiis mustafe!! dhankii kale waxaa ka fadhiyo saaxibadiis saara! , sheeko macaan oo qosol iyodhoolo cadeyn xiiso leh ayaa u socota.
Waad taqaanaye markii qofkaaga aad ku ag aragto qof kale, hadana kala darane qofka aad ku ag arkaysaye uu yahay qof adiga saaxibkaa ah waliba ah mid ku dhow, waa saaxiibkaa oo saaxibtaa shukaan sanayo, dabadeed maxamed wuxuu sameeyay markuu isku hubsaday ayuu feer iyo haraanti iyo wax loo kala garan waayay saaxiibkiis ku boobay, dabadeedna inta saaxibkiis uu ka carary uu halkaas ka istaagay ayuu ku yiri maxaa kaa qaldan niyoow ,ninkaanina dib ayuu usoo laabtay waxa uu soo qaatay dhagax aad u weyn oo jaajuun ah , dabadeedna saaxiibkiis oo soo dagayo,oo qoslaayo dhahaayana war maxaa kaaqaldan niyoow, maxaa manta miyaad waalatay, sidee wax u jiraan aaa.
Ayuu halkaa madaxa ooga dhuftay, dabadeedna dhulka ayuu kula daray,saarana yaab iyo amakaag ,dabadeed meesha ayay isaga carartay, markii ay aragtay saaxiibkeed oo saaxiibkii dilaayo, waxay ogaatay meesha ianaysan wax fiican ka socon, intaas ka dib maxamed waxaa loo taxaabay xabsiga, wuxuu noqday mucashaqii qaatilka ama dilaaga noqday.
Maxan ka baran karnaa? sheekadan waxaan ka baran karnaa in hinaasaha ama maseyrka raga uu yahay mid abtanis ah, sidoo kale sheekdan waxaan ka baran karnaa in dumarka ay noqon karaan kuwo kala geeya ama iska horkeena ama kala gooya walaaltinimada ama saaxib tinimada raga , taas waxaa cadeyn kuugu filan in dilka ugu horeeyay aduunka ka dhaca uu ahaa dillabo walaalo ah ay is dileen sababta ay isku dileena ay ahayd haween darteed , hadaba dumarka wax kasto ayaa dartood loo sameyn karaa, sidoo kale sheekada waxaan ka baran karnaa in qiyaanada aysan fiicneen, in qof nolol kula wadaagaya am qof kuu dhow aad been u sheegto aysan hayn wax fiican.
0 Comments