Nin ka mid ah dadkii hore ee saalixiinta ahaa waxa uu lahaa nin saxiib alle dartii ay isu jeclaayeen , wuxuu ahaa mid alle kacabsi badan, inkastoo ay labadoodu ay meel wada joogin, hadana saaxibkiis sanadkasto ayuu soo booqan jiray sanadkiiba mar ama labo,maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa lagaaray markii uu soo booqan laaha saaxiibkiis ee alle dartiis ay ku saaxibeen , gurigisi ayuu tagay albaabkii ayuu garaacay,xaaskiisi ayaa ku tiri waayo cida albaabka garaaceyso, saaxiibkii ayaa ku yiri waa walalkii uu alle dartiis ku walaaloobeen ninkaga asaga ayaana soo booqday.
Xaaskii ayaa ku tiri wuu tagay xaabo ayuu soo uruurinaya alle nabad kuma soo celiyo balayo helaha , waxayna bilowday in ay ku habaarto wax kasto xun, ninkii wuu yaabay ,naagtaan ninkeeda habaarayso, asagoo taagan albaabki ayuu arkay saaxiibkiis oo kasoo socdo meel buur ah una dhaweyd guriga, waaba asaga oo wato libaax ay dusha kasaaran yihiin xaawo, gacantana kuwato faas,ama waxa lagu gooyo xaawada ,dawadeed wuu yimi saaxibkiis ayuu salaamay guriga ayay wada galeen xaawadiina wuu xareeyay, libaaxii ayuu ku yiri orodoo bax alle haku barakeeyee.
Gurigii markay wada galeen asaga iyo saaxibkiis , xaaskiisi waxa ay bilowday, in ay cayso aad u aflagaadoto afka ku taagto xumaan oo dhan ku sheegto, ninkeedana wax jawaab ah ma suusan u celin, dabadeed wuxuu la fadgiistay saaxibkiis booqashada ugu yimid,wax ayayna wada cuneen dabadeed saxibkiis wuu iska tagay, asagoo layaaban sabarka ninkaan saaxibkiisa ah, mudo ayaa kasoo wareegatay, waxaa la gaaray sanadkii uu sooboqan jiray saaxibkiis, wuun soo laabtay si uu usoo booqdo saxibkiis, laakin markaan wuxuu rabay in uu kula kulmo buurta agteeda, waa buurtii uu kasoo baxayay asaoo liibax xaabo dusha xaabo usaaran, markii uuburtii tagay ayuu wuxuu arkay isla libaaxii oo meel dheer wax leynaya dhamaan xawanadii duurjogta aanan wax asxaan ah u faleyn, aad ayuu oola yaabay, markii uu go'aan saday in u aado guriga saxibkiis ayuu wuxuu soo xasuustay xaaskii saxibkiis ceydeyda, wuxuuna doortay in uu halkaas ku sugo ilaa uu ka arkayo, mudo badan markii u sugay ayuu daahsaday uhun dambeyntii gurigii ayuu soo aaday, gurigii ayuu gar garacay, xaaskii ayaa tiri waayo cida garaaceysa albaabka , markaasu ku yiri waa ninkaaga walalkii , xaaskii ayaa ku tiri soo dhawoow soo dhawoow, fadhiiso wuu imanaya insha allah kheyr iyo caafimaad asagoo qabo ayuu soo nabad laabanaya, ninkii aad ayuu u yaabay markuu arkay wanaga xaaska saaxibkiis, ayadoo ku hadlayo hadal jilicsan oo wanagsan, ilbiriqsiyo kadib waxaa imaaday saaxibkiis oo dhabarka ku sido xaaabo, arkiii markale ayuu hadana layaabay.
markii uu soo galay ayuu salaamay, waxayna wada galeen guriga, daba deed wey fadhiisteen, xaaskii saaxibkiis ayaa u keentay cunto aad u macaan, ayadoo waliba ku hadlayso hadal dabacsan, jaceyl iyo ixtiraam uu ka muuqdo, markii uu bixi rabay ayuu saaxibkiis ku yiri, war niyoow aniga waxaan rabaa inaa su'aal ku weydiiyo, sanadkii hore ee lasoo dhafay ayuu ku imid, waxaan xaaskaga afkeeda ka maqlay ereyo aan afkeyga soo dhaafin karin , aan ka baqayo in uu alle ii xisaabiyo, sidoo kale waxaan ku arkay aigoo buurta kasoo socdo oosita libaax ay dusha u saarantahay xaabo, sanadkaan markaan kuu imaadayna, xaaskaaga oo ku hadlayso hadalo jilicsan, ixtiraam iyo jeceyl ku dheehan, kaas oo anan ahayn hadaladii sanadkii hore, adigana guriga waxaad timi adigoo dhabarka xaabo kusida, aanan libaax dhabarkiisa ahayn, sanadkii horena libaax ayaa xabada kuusiday, sidee niyoow wax u jiraan sanadkii hore si baan arkay sanadkaana si kale.
Markaas ayuu ninkii u jawaabay, warniyoow ma adaa warhayo,xaaskeygii hore wey iga geeriyootay, waxaana ahaa mid dhibkeeda iyo dabeecadeedaba u dulqaato, markastana agteeda waan ku daali jiray waana u dulqaadan jiray, alle wuxuu ii fududeeyay libaax ay dadkoo dhan ay kawada baqaan in aan xaawo dushiisa kusoo qaato, ilaa gurigeyga ilaa mesha aan kasoo uruursaday in dusha libaax an kusoo qato, waxaaso dhan waxaan ku helay sabarkii aan xaaskeygii hore aan u sabrayay.
markii ay geeriyootay xaaskeygii hore, waxaan guursaday xaaskaan wanaagsan, markasto agteeda waxaan ka helaa raaxo iyo daganaan, libaaxiina sidii ayuu iig tagay, aniga ayaana xaawada dusheyda kusoo qaato, ilaahayna labo iskuguma keydarin, hore waxaan u haystay xaas aflagado, caay,guriga markaan imaado aan waxyaabo xun xun kala kulmo, gurigana waxaan ka bixi jiray anigoo daalan, sidaas darteed alle wuxuu ii fududeeyay libaax laga baqo ina dushiisa xaaabo ksuoo qaato, laakin hada waxaan haystaa xaas wanagsan guriga markaan ka baxayo, aan si raaxo leh uga baxo, markaan kusoo laabanayona aan si raaxo leh ugu soo laabto, libaaxina sidaa darteed ayuu iiga tagay, saaxiibkiis ayaa ku yiri run ayaa sheegtay, intaanan imaan gurigaana waxaan soo maray buurta guriga u dhow waxaan arkay liaaxii ku kaalmeen jiray hadalkaaga qaadan jiray waxaan arkay asagoo xoogweyn xawaanada leynayo aan wax asxaan ah u sameyneyn. durbadiina meesha waan kasoo tagay cabsi aan ka baqay in uu i waxyeeleeyo.
saaxibkiis ayaa ku yiri libaaxi i adeeci niray amarkeyga qaadan jiray xitaa aan agtiisa seexan jiray markaan ag hurdo aan amni dareemi jiray, maanta hadii uu i arko waxaa laga yaaba inuu dhib igaarsiiyo, waxkastana waxa ay ku jiraan gacanta alle waayo alle cidii uu rabo ayuu wax u fududeeya waqtigii uu doono.
0 Comments