LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

He married with a bag of onions but a bag of gold was taken from him how? novel !

 Kawaran gabar aad kiish basal ah ku meher satay uu kugu noqdo kiish dahab ah ,waan hubaa waad yaabahan tahay oo madax ayaad haysataa , lakin sheekeda maanta an kula wadaagi doono waan hubaa in aaad waxbadan ka faa'iidi doonto.

Hada kahor baa waxa jiray nin aad u wanaagsan waxa jiray gabar uu dhalay uu aad u jeclaa, gabadhiisaas waxa uu mar walbo ku waanin jiray mar walbo in ay guursato nin wanagsan , maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin kasoo doontay , wuxuu ku yiri gabadhaada ayaan rabaa inaad i siiso , ninkiina waxa uu ku yiri ''gabadheyda wax xujo ah kaagama xirno kaliya waxaad meherkeeda ka dhiibeysaa kiish basal ah, sidoo kale ehelkeeda  iyo qaraabadeeda waad wanaajineysaa.

Ninkii gabadha doonayay wuxuu dhahay aqbaltu , waadna igu ogtay, odeygii intaas waxa uu ugu daray in gabadhiisa uu si wanagsan uu oola dhaqmo, ninkii wuxuu yiri waan kaa balan qaaday, gabdhii sidaas ayaa lagu aroosiyay oo ninkii loogu daray, asagoo kaliya ku meher saday kiish basal ah, yacni xoolo dhan lagama dhiibin, ninkiina gabadhii wuu watay waxa uuna la tagay meel aad u fog, mudo labo sano ah ayuu la maqnaa waxa ay u dhashay wiil aad u qurux badan , maalin maalmaha ka mid ahyd ayay waxay ka codsatay in ay soo booqdaan aabaheed canuga yar ay dhashayna ay soo baraan aabaheed iyo hooyaded iyo ehelkiisa oo dhan.

Ninkiina wuu ka yeelay isna wuu soo raacay , waxay soo socdaanba , waxay ku imaadeen meel wabi ah wabigaas oo ay tahay in qof walba uu ka tilaabo ama uu gudbo,yacni buundo ma saarno doon lagu maraana ma jirto, laakin maxaa la sameynaaya? qoryo iyo wax yaalo ay dadka deeganka sameeyan ayaa laga til tilaabsanaya sidaas ayaana looga gudbaaya , ninkii waxa uu sameeyay wiilkiisa ayuu korka soo saartay wabigiina wuu lasoo maray , gabdhiina waxa uu ooga soo tagay wabiga dhiniciisa kale si ayada iskeed ay meesha uga soo tilaabto, kadib gabadhii waxa ay tiri aniga wabiga ima dhaafsiineysid miyaa?

Ninkii wuxuu ku yiri waad dhaafi kartaaye naf isasoo gali oo soo dhaaf wabiga, gabadhii mar ay wabiga dhax bartankiisa marayso jimbigaana kasoo tagtay jimbigaas kalena aysan gaarin ayaa lug u sibmatay oo lug ayaa biyihii u gashay , kadibna waxa ay ku tiri war kaalay iga badbaadi meesha ,  wuxuu ku yiri'' isa soo  bad baadi awalba qiimahaaga kiish basal un buu ahaayee''!! , gabdhii hadalkaas aad ayuu kalbiga ooga jabiyay , waxay gabadhii rafaado harjado  ay dadaasho ilaah ayaa garabkeeda galay, weykasoo badbaaday wabigii , weyna isa soo raaceen.

Markii ay aabaheed u timaadey ayay arinkii u sheegatay , waxa ayna ku tiri aabe ninkaan arinkaas ayuu igu sameeyay. anigoo wabiga dhax bartankiisa lug ii sambatay ayan ku dhahay i bad baadi , asna waxa uu iigu jawaabay kiish basal ah ayuu qiimahagu yahay, aabihii aad ayuu ooga carooday arinkaas , waxa uuna ku yiri wiilkii uu sodoga u ahaa , wiilkeygiyoow ma i maqlaysaa wiilkaaga qaado gabadheydana ii reeb iska bax, ninkii sidaas ayuu kusoo baxay asagoo islaantii laga reebtay , dabadeed markii uu gurugii kusoo laabtay  canugii ayuu hayn waayay , habeenkasto wuu oynayaa, maalin kasto wuu qeylinaaya , waayo waxa uu tabayaa hooyadiis ninkii aad ayuu u rafaaday, ninkii waxa uu ogaaday in waxa uu sameeyay ay tahay qalad, dabadeed wuu soo laabatay waxa uu u imaaday ninkii odeyga ahaa , wuxuu dhahay adeer waxaan rabaa inaa qaladki hore aan kasoo laabto, gabadheydana dib la iigu daro.

Odeygii waxa uu dhahay hadii aad rabto gabadhaan waa in aad keentaa kiish dahab ah, ninkii madaxa ayuu qabsaday waxa uu dhahay aniga xagee ka keenaya kiish dahab ah, wuxuu dhahay hadii aad rabto gabadhaan waa inaad keenta kiish dahab ah war kale ma furno,hadii kale orod iska laabo, ninkii waxa uu yiri, waayahay canuga hala ii sii qabto , si aan oogu soo laabto kiish dahab ah, sidii ayaa looga reebay canugii iyo xaaskiisa , dabadeed ninkii waxa uu galay juhdi iyo dadaal dherad ah si uu u keeno kiish dahab ah.

Waxa ay ku qaatay  mudo ka badan  labo sano ayuu soo shaqeeyay, asoo xitaa dhabarka dhibaato kasoo gaartay oo culeysii iyo wixii uu xamaalayay qeyb ka mid ah dhabarkiisi qaloocday , dabadeedna waxa uu yimid asagoo wado kiishkii dahabka ahaa ninkii odeyga ahaa ayuu u keenay waxa uu ku yiri adeer waakana kiishkii dahabka ahaa , odeygii wuu ka qaatay , gabadhii iyo canugeedana waa uu ku daray, intii ay sii socdeen ayaa waxa ay mareen isla isla wabigii sidii oo kle ayay gabdhii lugtii ugu simbatay , inta aysan dhihin kaalay i badbaadi iyo kaalay garabka i qabo, ayuu asagii soo orday, waxa uu ku yiri jaceylkeygiyeey ha kufin nafsadaadu waa qaali , qiimahaguna waamid aad u sareeya , sababtoo ah waxa aan kaa dhiibay qeyb ka mid ah dhabarkeyga.

Sidaas ayuu gabadhii wabiga ooga bad baadiyay , markii ay gurii yimaadeen ayay aabhaeed fariin usoo dirtay, waxa ay u sheegtay arintii ay nin keeda kala kulantay,oo ahayd in wabigii uu ka badbaadiyay, waliba asagoo ereyo kalgaceel leh dhahaayo, odeygii inta uu dhoola cadeeyay ayuu dhahay , markaan asalkeena kula dhaqanay ayuu na qiyaamay , markaan asalkiisa kula dhaqanay wuxuu noqday nin wanaagsan!


Dulucda sheekadeena

Runtii hadad xushmeyso kuwa wan wanaagsan waxay kuula dhaqmayaan si wanaagsan, hadii aad wnaajiso kuwa xun waxa ay ku moodayaan qof xun.

Muhiiim ma ahan qofkasto in aad wanaajiso kaliya waxaa wanaag kaa mudan kuwa wan wanaagsan, kuwa xun xun abaal marintooda iyo jaa isadooda ayay mudan yihiin.   


Post a Comment

0 Comments