Qisadan waxa ay dhaxmartay labo wiil oo saaxiibo ah,labadaan wiil waxa ay wada dhigan jireen jaamacad ,waa qiso aad u cajiib ah ku tuseyso saxibtinimada qiimaha ay leedahay iyo abaal gudka.
Labadan wiil waxa ay ahaayeen kuwo jaamacada ka barto kuliyada dhaqaalaha , labada wiil mid ka mid ah waxa uu la noola reerkiisa, wuxuuna haystay dhaqaalo faro badan, halka midka kalena u ahaa mid aad u duruufeysan, oo aan wax dhaqaalo qabin, labadan wiilna saaxibo ayay ahayen nolosha ayaa u dhaxaysay, mudo kadib waxaa dhacday wiilkii faqiirka ahaa in ay lasoo daristay duruuf adag, taas oo gaarsiisay in uu gabi ahaan iska joojiyo jaamacadii, markaasuu wuxuu la tashtay wiilkii saaxibkiis ahaa, oo uu ku yiri niyoow aniga ma haysto wax dhaqaalo ah, sidaas darteed waxaan go'aan saday in aan jaamacada iska joojiyo.
Wiilkii ayaa ku yiri niyoow wax go'aan dag dag ah ha qaadan, ilaa iyo amar dambe aniga ayaa jawaab kusoo siinayo, wiilkii wuu kasoo tagay saaxibkiis wuxuu u tagay aabihiis , wuxuu ku yiri aabe waxaa jiro wiil saxibkey ah oo ila dhigto jaamacada, mana haysto wax dhaqaalo ah oo wuu awoodim wayay qarashadka jamacada, sida darteed waxaan rabaa inaad ka bixiso lacagta jaamacada , aabihii ayaa ku yiri intee lacag ah ayaa looga bahan yahay jamacada , wuxuu u shegay qarashaadkii oo dhan , aabihii ayaa ka shubay lacagtii jamacada wiilkii durufeysnaa .
Sidaas ayuu kusii watay wiilkii jamacadiisa, mudo ka dib jamacdii ayay wada dhameeyeen markii ay shahaadadii ay soo qaateen, ayuu wiilkii daruufeysnaa ku yiri wilkii saxibkiis ahaa , niyoow aniga fadhi iima yaalo, maxaayeelay wax dhaqaalo ahna ma haysto, waxaan ku qasbanahay inaa shaqo raad sado, nolosheydana aan wax ka badalo, sidaas darteed inaa shaqo raad sado, sidaas ayay ku kala tageen, mudo ka dib waxaa dhacday wiilkii in alle caza wajala uu u furay noloshii, waxa uu helay shaqo noloshiisii ayaa is badashay, allena waxa uu siiyay dhaqaalo faro badan, isagoo nolol fiican ku jiro ayuu maalin waxa uu ku fukiray in uu soo booqdo saaxibkiis.
Wuxuu soo aaday dhankii saxibkiis , balse waxaa dhacday, wiilkan kunoola nolosha fiican in uu dhintay aabihiis , wuxuuna ka dhaxlay lacagtii, wuxuu bilaabay in uu ku tunto lacagtii, wiilkii markii uun saxibkiis u imaaday, ayuu wuxuu arkay in uu mu jiro nolol aan wanaagsaneen, markaas ayuu wuxuu go'aan saday in uusan la kulmin, maadama uu ku jiro wax aan wanaagsaneen, sidaa ayuu ooga laabtay, mudo ka dib waxaa dhacday wiilkii siduu oogu tumanayay xoolihii aabihiis ayaa lacagtii ka dhamatay, waxaana soo wajahay duruufo adag, noloshiina wey ku adkaatay.
Maalin asagoo meel fadhiyo,ayaa dad waxay ku dhaheen niyoow ma ogtahay ninkii aad saaxibada ahan jirteen, uu alle nolasha u furay dhaqalo badana uu haysto, wiilkii wuxuu ku fikiray in ninkii saxibkiis ahaa uu aado, xafiiskiisii ayuu oogu yimid, markii uu la kulmay ayuu wuxuu rajaynayay ama filaayay in gacmo furan lagu soo dhaweynaayo, balse wax jawaab ah lama siinin, meeshii ayuu iska fadhiistay,mudo markuu meeshii fadhiyay ayuu wuxuu ku dhahay niyoow ,maanta adigaan kuu socday, duruuf ayaa i haysto waxaan rabaa inaad i gacan qabato.
Wiilkii hore faqiirka u ahaa ayaa wuxuu ku dhahay niyoow waxba kuuma qaban karo, wiilkii aad ayuu u yaabay,markaasuu ku yiri sooma ogid markaan jamacada dhigan jirnay in aan kusoo gacan qabtay, oo wax barashada kaabixiyay, markaasuu ku yiri waxaas oo dhan waan la socdaa , oo wan ogahay, balse waxbo kuuma qaban karo maanta, wiilkii aad ayuu u xanaaqay, wuxuu bilaabay in uu caytamo oo uu ku dhaho niyoow abaal ma lihid,abaalkii aan kuu galayna iima aadan gudin oo nin xun ayaad tahay, sidaa ayuu ooga soo tagay.
Isagoo wadada socdo ayuu wuxuu ku fikiray maadama ay nolosha ku adkaatay wax dhaqaalo uusan haysan in uu isdilo nolosha is dhaafiyo, isagoo rabo in uu is dilo ayaa waxaa u yimid labo nin iyo haweenay wada socdo, markaasay wareysteen xaaladiisa, qisadiisa ayuu ooga sheekeyay, kadib waxay ku yiraahdeen kawaran madama aad tahay qof wax baratay hadaan shaqo kuu abuurno, wuxuu yiri waxbo kama qabo , sidaas ayay kusoo wadeen, hishiis ayay wada galeen waxayna ku hishiiyeen dhaqaalaha uu soo saro in boqolkiiba sodon uu asga qadanayo30% inta kalena ay iyaga qadanayan.
Ninkii shaqo ayuu bilaabay noloshiisii wey is badashay, mudo kadib markay shaqada u toostay oo ay u kala kacday, maalin waxaa u timi haweeneydii shaqada siisey waxayna ku tiri waxaan rabaa in aad ii shaqaaleysiiso gabar aan aniga dhalay, wiilkii wuxuu ku yiri waxba kama qabo, sidii ayuu gabadhii shaqada ku siiyay, mudo markii ay gabadhii wada shaqeynaayeen ayaa gabadhii wada sheekeysteen , markaas ayuu wuxxu ku yiri kawaran hadaan wada sheekeysano, gabdhii ayaa ku tiri waxba kama qabo, balse hooyadey ayaan u bandhigaaya.
Gabdhii hooyadeed ayay u tagtay arinkii ayay u sheegtay, hooyadii waa ay ku qanacday , waxay go'aansadeen in ay wada dhigtaan aroos, arookii ayaa waxa dhacday in wiilkii uu smaystay xaflad aad u balaaran, markaasuu cazuumay dadkii meshii daganaa oo dhan infiiteshon ayuu qeybiyay balse dadki infiteshonka qeybinaayay wuxuu u sheegay in ninkii saxibkii ahaa aanan lagu cazzuumin arooskiisa uusan ka imaan xafladiisa, wax infiito ahna aanan loo geyn, markii xafladii la isugu yimid oo goobtii lasoo wada buuxsamay ee la bilaabi rabo xaflada, ayaa wuxuu arkay ninkii saxibkiis ahaa oo dhax fadhiyo xaflada, aad ayuu u carooday, markaasuu makarafoonka qabsaday ayuu wuxuu ku dhahay niyoow maxaa meshan ku keenay, waad ogtahay waxaad igu samaysay, nolosheydii baa badbi'isay, maxaad ii daba jogtaa wali, waxaan kaa codsanaya inaad iiga baxdo gabi ahaan aad ka tagto xafladaan.
Markaasuu ku yiri niyoow ma dhamaysatay, markasu ku yiri haa, wuxuu dhahay ii ogoloow inaa makrafoonka ku hadlo, wuxuu ku yiri xaflad ayaad dhiganeysaa qofka aad xaflada darteed u dhiganeyso oo aad guursaneyso waa walashay ani ila dhalatay, haweenta ku siisayna waa hooyadey, shirkadan aad ku dhaxjirtana aniga ayaa iska leh, ee iiga dhax bax, wiilkii aad ayuu u yaabay, markaasuu wuxuu ku yiri abaalkaagii manan hilmaamin, oo waan xasuusanahay , maalinkii aad ii imaaneysana, kuma anan jawaabin, sababtuna waxay tahay, maalin malmaha ka mid ahayd inaa gurigaaga kugu soo booqday, markaasan waxaan kuu imaday adigoo ku jirtid xaalad aan wanagsaneen, sidaas darted waan kasoo laabtay.
Markii aad ii timid waan awooday in aan ku siiyo xoogaa lacag ah, balse waxaan ku fikiray hadaan ku siiyo in aad ku laabato meeshii aad ka timid, oo dib aad ugu tumato, sidaa daradeed waxaan ku fikiray in aan noloshaada aan wax ka badalo, markii aad iga soo tagtay, labdii nin iyo haweenti aad la kulmeysay aniga ayaa kusoo diray, shaqada aad maanta hasatana aniga aya kuu abuuray, taasna waxay ahayd ujeedada aan ka lahaa inaad noqoto qof wax qabsan karo, waan awoodey in aan lcag ku siiyo, sabtaa kuu siin wayay waxay ahayd xiligaas inaadan ahayn qof wax qabsan karo, balse maanta waxaan u jeeda qof wax qabsan karo isbadal sameeyay, mustaqbal wanagsana aad gacmahaga ku haysato.
0 Comments