LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The cruel aunt, she abused him when he was young, and when he grew up...WONDERFULL STORY

Qisadan waxay ku saabsan tahay eedada arxanka daran, iyo xaqdarada in aad qof xaq ka gashaa dhibka ay leedahay aqriso oo nala joog waan hubaa waad ku qancidoontaa.

Waxa jiray qoys aad u qurux badnaa oo ka koobnaa nin iyo xaaskiisa waxay is qabeen sanado badan kuwasoo alle ka baryi jiray inuu alle ubad ku irsaaqo waxbadan ayay soo sabreen,mudo kadib ayay xaaskii uur yeelatay , uurkaaso ay aad ugu farxeen ,gabadhii xaaska ahayd waxay mar walbo dhihi jirtay, hadii canugeena uu dunidaan kusoo biiro waxaan noqoneynaa qoys dhameystiran, ugu dambeyntii waxaa la gaaray waqtigeedii dhalmada, fool dheer ka dib waa ay dhashay, balse nasiib daro markii ay dhashay waxaa u timi geeridii, markii ay sakaraadeysay ayaa nin keedii waxay ku tiri, wiilkeyga adigaan kugy ogahay, kataxadar yuusan dareemin in ay hooyadiis dhimatay, hooyadii sidaas ayay ku dhimatay , waxaa isku soo haray wiilkii yaraa iyo aabihiis.

Wiilkii yaraa waxa loo bixiyay Axmed, aad ayuu aabihii u jeclaaday wiilkiisa, kataxadar iyo daryeel aabo nimo wuu siiyay, sanad kadib aabihii wuxuu ku fikiray in uu guursado, si uu u helo qof canuga u xanaaneyso,isla markaana u gasho booska hooyadiis, gabar ayuu guursaday , sanad ka dib waxaa loo dhalay wiil, wuxuuna u bixiyay Raami, balse axmad eedadiis ma aysan kasoo bixin booska uu ka filaayay, waxayna bilowday in ay u muujiso naceyb iyo in ay ka doorbideyso wiilkeeda Raami, Axmed wuxuu sidaa kula noola mudo sagaal bilood eedadiis.

Mustafa oo ahaa aabha Axmed iyo Raami waa uu xanuusaday, markii uu arkay in uusan xanuunkaan ka kaceyn ayuu xaaskiisa u yeeray , wuxuuna ku yiri, wiilasheyda adaan kugu ogahay, yeysan iga dayacmin, hana u kala eexan labadeyda wiil, balse aabahan ma uusan ogeyn in axmed ay necebtahay xaaskiisa, mar waliba ay u muujin jirtay xumaan, ugu dambeyn aabihii waa uu geeriyooday, waxaana isku soo haray axmed raami iyo eedadii, isla markiiba eedadii waxay lasoo baxday dabeecadihii xumaa.

Waxayna ku fikirtay in axmed ay nolosha ku cariiriso silic iyo saxariir ay marsiiso, waxay bilowday in wax walbo ay axmed u dirto xitaa habeen saqdhexe haday tahay, markay wiilkeeda wax usoo iibiso axmed waxba uma aysan soo iibin jirin, sidoo kale waxay ka saartay schoolkii, waxayna ku amartay in uu howsha guriga u qabto, axmed waxa uu muujin jiray sabar iyo adkeysi, wuxuuna dareensanaa inaysan hooyo iyo aabe uusan lahayn, balse maalinkii dambe waxay kasoo burisay guriga.

Isagoo habeen aad u qaboow badan arayo wadada, ayaa waxa wadauu kula kulmay nin sheeg ah oo masjidka u socdo, markaasuu wuxu u kaxeeyay masjidka , markii saladii la tukaday ayaa sheeqii waxa uu kawareysaty axmed xaaladiisa, ahmed ayaa oga sheekeyay noloshiisa iyo xaalada uu ku sugan yahay, odeygii sheeqa ahaa ayaa ku yiri maanta laga bilaabo anigaa hooyo iyo aabe kuu ah, hana ka walwalin noloshaada, gurigiisa ayuu geeyay, wuxuuna ka dhigtay wiilkiisa oo kale, kadib waxa uu geeyay school, sii wax barashadiisi qabyada ahyd u dhameystirto, axmad dadaal dheer ka dib waxa uu noqday dhaqtar, waxaa alle uu u barakeeyay waqtigiisa, wuxuuna noqday dhaqtar caan ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhaqtarka waxaa la keenay qof aad u xanuusan , dhaqaatir tiina ay wax ka qaban waayeen, oo ay ka quusteen, kadib taleefoon ayaa waxa loo soo diray axmed, ayadoo loo sheegay in uu jiro qof aad u xanuusan isla markaana loo bahan yahay in uu si dag dag ah uu ku yimaado, markii uu yimid ayuu axmed la kulmay qofkii xanuusanaa,markii uu wareestay haweenaydii  ayaa waxay ku tiri dhaqtarkasto waala i geeyay  aduunka gees ka gees , cudurka i haayo ma ahan mid caadi ah, cudurkaan waa mid aan dad ka galay , hada kahor ayaan waxaan si xun u galay wiil agoon ah , hooyadis iyo aabihiis ay dhinteen, oo aan eedo u haa.

Waxaan filaaya in uu xaqiisa iga soo baxay, mana garanaayo sidaan ku heli lahaa wiilkaas oo aan cafis ooga dalban lahaa , axmed wuxuu ogaaday qofkaan in ay tahay eedadiis, aad ayuu u ooyay, wuxuna ku yiri '' ma itaqaana aniga? wxay ku tiri maya ee maxaad la oyneysaa? wuxuu ku dhahay eedo axmed waa aniga , ninkaaga wiilkiis ayaan ahay, raami walalkii ayaan ahay, waan ku cafiyay allena wxaam kaga baryayaa in uu ku caafiyo dambigaagana uu dhaafo, waxaan rajeynayaa in aad ii noqoto hooyo isla markaan aan kaa helo naxariistii hooyo nimo oo aan yareenteey kaa waayay, waxaa nakala dhax galay sheydaan waxaa tahay hooyadeey, eee alle haku cafiyo.

Raami markii uu maqlay hadalkii walalkiis ayuu kusoo cararay, wuxuu ku yiri xaqdaro ayaan kugu samayney, ee nasaamax , maalin aad naga soo tagaytay ilaa hada gurena wax farxad ah masoo galin, mudo badan ayaan ku raadineynay alle ayaa nawada kulmiyay, waxaan u mahad celineynaa allihii nawada kulmiyay, anagoo caafimad qabno.

QIASADAN waxaan ka faaideynaa inaysan fiicneen xaq darada waayo xaqadarada maalin ayay soo baxaysaa qofka sameeyana maalin ayuu la kulmi doona ciqaabteeda 


Post a Comment

0 Comments