LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

A nomad man and a good judge, an amazing story

 Nin reer mii ah ama reer baadiye ah oo ku nool teendho ku taalay saxaraha dhaxdeeda,waa nin aad faqiir u ah badanaana ma heli jirin cunto uu siiyo xaaskiisa iyo ilmihiisa , hadana ayadoo ay sidaa ay tahay waa mid raali ku ah kuna qanacsan noloshiisa, waligiisna cidna uma uusan caban alle mooyee, alle kaliya ayuu baahidiisa u bandhigtaaa, habeen habeenada ka mid ah waxaa soo dhacay, qaboow aad u daran, nin kii reer miiga ahaa iyo qoyskiisa waxa ay shiteen dab si qabowga ay ooga kala yaraado, ayagoo halkooda fadhiya ayaa waxay si kadis ah ay ku maqleen cod fardo ah oo dhankaada usoo socdo.

Kadib wuxuu arkay labo nin wuuna soo dhaweeyay ninkii reermiiga ahaa ,,durbadiina waxaa istagtay xaaskiisa, waxa ayna ka dalbatay in ay martidii cunto usoo samayso, iyo in ay usoo gawrado hal ri oo ay xoolo dhan ka haysteen, labadii nin ayaa maqlen waxa ay ku wada hadlaayeen ninkii reer miiga ahaa iyo xaaskiisa, iyo in ninkaan uu xoolo dhan ka haysto ridaan oo kaliya, waxay isku dayeen in ay kaceliyaan, oo uusan gowricin , laakin ninkii reer miiga ahaa ayaa ka diiday asagoo ilaalinayo sharafta qoyskiisa iyo tan martidiisa,wuxuuna soo xasuusiyay xadisskii suubanaheen muxamed NNKH''Qofkii rumaysan alle iyo malinta aaqiro ha wanaajiyo maetidiisa.

Si uu dagdag ku jiro ayay u istaagtay xaaskiisa waxayna gowracday ridii, waxayna usoo diyaarisay cunadii, labadii nin wey cuneen weyna cabeen ilaa ayka dhergeen, dabadeed waxa ay bilaabeen in ay u mahad celiyaan ninkii reer miiga ahaa, iyo qoyskiisa sidii quruxda badneed ay u marti sooreen, habeenkiina waxa ay la seexdeen reerkii, waxayna soo toosen aroortii, intaysan ka tain ninkii reer miiga ahaa waxay ka daalbadeen in uu magalada kusoo booqdo, sida ugu dhaqsiyaha badan,weyn iska tageen , lakin ninkaan reer miiga ah ma garanayo labadan nin, ee uu marti sooray.

Labadan ninee uu martiqaaday nin ka mid ah waa xaakimka magaalada, ama madax weynaha magaalada iyo wasiirkiisa, maalmo ka dib ninkii reer miiga ahaa wuxuu aaday magaalada, wuxuuna raadiyay labadii nin , mudo ayuu raadinayay, ilaa uu nin ooga tilmaamay asagoo misaajid ku tukanayo, masaajid meesha u dhawaa, inta uusan u tagin labadii nin ayuu naftiisa weydiiyay sideen maqluuq u weydiisanaya kaalmo, aan u weydiisan la ahay allaha wax irsaaqo, iyagana abuuray, kadib waxa uu isaga soo noqday teendhadiisi saxaraha ku taalay, xaaskiisii ayuu u sheegay waxa dhacay, xaaskiina aad ayay ugu faraxday ninkeda.

Habeenkii xigay waxaa kacay dabaylo aad u xoogan, waxayna burburiyeen teen dhadii, aroortii hore ayay asaga, xaskiisa iyo caruurtiisa u hayaamen meel kale, markii uu soo garay meel uu is dhahay wey ku haboon tahay inaa dagno ayuu teendhadiisi bilabay inu surto, dabadeed wuxuu bilaabay inuu dhulka qodo, si uu u galiyo geedihii teendhada, sidii uu dhulka u qodayay ayuu helay sanduu aaad u weyn, markii uu furay mise waxaa ka buuxo dahab, aad ayuuna oogu farxay, wuxuuna go'aan saday in uu iibiyo dahabkaan,dabadeedna uu guri weyn uu ka dhisto magaalada, ninkii reer miiga ahaa wuxuu qasri weyn ka dhistay magaalada oo ay ku sheekeystaan dadkii magalada dagnaa, quruxdiisa iyo weyninkiisa.

Kadib hadal heyntiisa qasriga waxay soo gaartay ninkii haystay magaalada ama xakimkii magalada, kadib wuxuu u diray askari si uu usoo ogaado cida iska leh qasigaas lahadal hayo, ninkii askariga ahaa wuu baxay si uu usoo indho indheeyo xogna uga soo helo qasrigaas , kadib wuu soolaabtay, asagoo xaakimkii war u sido, wuxuuna u sheegay inuu qasrigaan dhisay nin teendho saxaha ku dhaxtaalay daganaa ,halkaas uu ka helay sanduuq dahab kabuuxo, kadibna uu iibsaday dahabkii, lacagta uu ka helay uu ku dhisay qasrigaan, xaakimkii magalada iyo wasiirkiisii ayaa isa soo raacay, waxa ayna soo aaden qasrigii ninkii reer miiga hore u ahaa, si ay u arkaan qasrigaan la hadal hayo.

Markii ay arkeen ninkii reermiig ahaa weygarteen sidoo kale ninkiina wuu gartay labadan nin horeyna uu u marti soora, inay yihiin madaxda magaalada , aaad ayuu ugu farxay, xaakimkii aya ku yiri maxaad noogu iman weyday, soo miyaan ku balamin maxaad noogu iman weyday, ninkii wuxuu dhahay haa waan idin imid , mana garaneyn in aad tahay xaakimka magaalada, anigoo kuu soo socdo ayaan waxaan isweydiiyay, sideen adoon alle abuuray kaalmo u weydiistaa ayadoo uu joogo allaha aad kan wax weydiisanayso abuuray, adoonkana ma wanaagsano inuu alle cideyn ahayn uu wax weydiisto, kadib waan iska laabtay teendhadeyda ayaan ku labtay , allena wuxuu i siiyay ama igu abaal mariyay nimcadaan.


Ninkii xaakimka ahaa aya ku farxay hadalkii ninkii reermiiga hore u ahaa hada waa reer magaal tagay, xakimkii waxa uu ku yiri maanta ka bilaabato waxaa tahay mid ka midah asxaabta aadka iigu dhow, waxaana kaa bartay cashir aan waligey ilaabeyn, kaas oo ah in aad alle tala saarato.

Post a Comment

0 Comments